U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Magacyada iyo Axkaanta

45 xadiis

Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen

عن بعض أزواج النبي صلى الله عليه وسلم عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ أَتَى عَرَّافًا فَسَأَلَهُ عَنْ شَيْءٍ لَمْ تُقْبَلْ لَهُ صَلَاةٌ أَرْبَعِينَ لَيْلَةً».
Waxaa laga wariyey qaar ka mid ah Haweenkii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inay dheheen: "Qofka u taga faaliye oo wax waydiiya salaad lagama aqbalo afartan habeen".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa in loo tago faaliyaha -faaliyuhu waa magac guud oo ay wadaagaan wax sheega, xidigiyaha, faalka ciida, iyo wixii la mida, ee qaybka wax ka sheegiisa u daliishada wax yaabo hor dhac ah oo ay adeeg sadaan, in wax la waydiiyo kaliya ayuu Ilaahay uga xarimayaa qofka ajarka salaada afartan maalmood, waxaana loogu ciqaabay dambigaa iyo xumaantaa weyn ee uu sameeyey awgeed.

Faa’iidooyin
  1. waxaa Xadiiska ku sugan inay xaaraan tahay in faal la dhigo, iyo in la aado faalalow oo la waydiiyo wax qayb ah.
  2. Qofku wuxuu ku waayi karaa ajarka cibaadada isagoo lagu ciqaabayo macsida uu sameeyey.
  3. Waxaa soo gelaya xadiiskaan waxa loo yaqaan Burjiga iyo fiirintooda, iyo ku akhrinta Calaacasha, Bakeeriga iyo hadii ay xataa tahay daawsho uun, waayo kuligood waxay soo gelayaan Faalalowga iyo sheegashada Cilmiga Qaybka.
  4. Haday tahay taasi ciqaabta Qofka Faaliyaha u taga, maxaa lagu abaal marin Faalalowga?
  5. Afartanka Maalmood Salaadoodu way ka ansaxaysaa Qofka oo lama qalaynaayo laakiin ajar ma leh.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 1751) (2230). مسند أحمد (27/ 197) (16638). الجديد في شرح كتاب التوحيد، للقرعاوي (ص238). الملخص في شرح كتاب التوحيد، للفوزان (ص213).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo

عن جابر رضي الله عنه: أَنَّ رَجُلًا سَأَلَ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَالَ: أَرَأَيْتَ إِذَا صَلَّيْتُ الصَّلَوَاتِ الْمَكْتُوبَاتِ، وَصُمْتُ رَمَضَانَ، وَأَحْلَلْتُ الْحَلَالَ، وَحَرَّمْتُ الْحَرَامَ، وَلَمْ أَزِدْ عَلَى ذَلِكَ شَيْئًا، أَأَدْخُلُ الْجَنَّةَ؟ قَالَ: «نَعَمْ»، قَالَ: وَاللهِ لَا أَزِيدُ عَلَى ذَلِكَ شَيْئًا.
Jaabir waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaadee-: Nin ayaa weydiiyey Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo wuxuu yiri: iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo, waxna intaa ku darin, Janada magalayaa wuxuu ku yiri: haa ninkii wuxuu yiri: Ilaahay ayaan ku dhaartaye waxba intaa ku darimaayo.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeyey qofka tukada salaadaha waajib ka ah ee shanta ah, oo wax suna ah aan ku darin, ramadaankana sooma oo wax suna ah aan ku darin, oo rumeeya xalaasha oo xalaashada, oo rumeeya xaaraanta oo iska ka fogaada, wuxuu galaya janada.

Faa’iidooyin
  1. qofka muslimka ah waa inuu ku dadaalo gudashada waajibaadka kana tago xaaraanta, oo u jeedadiisu haato galida janada.
  2. Muhimad ayey leedahay xalaasha oo la sameeyo oo la rumeeyo inay xalaal tahay, iyo xaaraaanta oo la iska xarimo lana rumeeyo inay xaaraan tahay.
  3. Waajibaadka oo la guto iyo xumaha oo laga tago waxay sabab u tahay in janada la galo.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 44) (15). جامع العلوم والحكم (1/513). شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 215). فتح القوي المتين في شرح الأربعين للعباد (ص 77).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com