U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Fisqiga

1 xadiis

Qofka Hub noo qaata nagama mid maaha

عن أبي موسى الأشعري رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ حَمَلَ عَلَيْنَا السِّلَاحَ فَلَيْسَ مِنَّا».
Abii Muusa Alashcari Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey, in Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Hub noo qaata nagama mid maaha".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in Muslimiinta Hub loo qaato, si loo bajiyo ama loo boobo, Qofka xaq daro sidaa u sameeya wuxuu ku kacay dambi weyn iyo danbi ka mida Kabaa`irta waaweyn, wuxuuna mudan yahay goodigaas adag.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa aad looga digay in Qofka Muslim ku Walaalihiisa Muslimiinta ah la dagaalo.
  2. Munkarka iyo fasahaadka ugu weyn Dhulka korkiisa waxaa ka mida in Muslimiinta Hub looqaato, iyo in Dhulka dil lagu fasaadiyo.
  3. Goodiga adag ee la soo sheegay makhuseeyo dagaalka xaqa ah, sida la dagaalanka kuwa Sharciga jabiya, iyo Mufsidiinta, iyo qayrkood.
  4. Waa xaaraan in Muslimiinta lagu cabsi geliyo Hub iyo wixii la mida kaftan ahaanba ha ahaatee.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 49) (7071). صحيح مسلم (1/ 98) (100). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص406). الإفهام في شرح عمدة الأحكام، لابن باز (ص815). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (2/ 195). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص752).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com