Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in Muslimiinta Hub loo qaato, si loo bajiyo ama loo boobo, Qofka xaq daro sidaa u sameeya wuxuu ku kacay dambi weyn iyo danbi ka mida Kabaa`irta waaweyn, wuxuuna mudan yahay goodigaas adag.
- Waxaa aad looga digay in Qofka Muslim ku Walaalihiisa Muslimiinta ah la dagaalo.
- Munkarka iyo fasahaadka ugu weyn Dhulka korkiisa waxaa ka mida in Muslimiinta Hub looqaato, iyo in Dhulka dil lagu fasaadiyo.
- Goodiga adag ee la soo sheegay makhuseeyo dagaalka xaqa ah, sida la dagaalanka kuwa Sharciga jabiya, iyo Mufsidiinta, iyo qayrkood.
- Waa xaaraan in Muslimiinta lagu cabsi geliyo Hub iyo wixii la mida kaftan ahaanba ha ahaatee.
صحيح البخاري (9/ 49) (7071). صحيح مسلم (1/ 98) (100). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص406). الإفهام في شرح عمدة الأحكام، لابن باز (ص815). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (2/ 195). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص752).