U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Shirkiga

5 xadiis

Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم: «اللهُمَّ لَا تَجْعَلْ قَبْرِي وَثَنًا، لَعَنَ اللهُ قَوْمًا اتَّخَذُوا قُبُورَ أَنْبِيَائِهِمْ مَسَاجِدَ».
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee uu ka wariyey: Ilaahow ha ka dhigin qabrigayga Sanam, Ilaahay wuu lacnaday qoladii ka dhigata qubuurta ambiyadooda masaajid.
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka baryey Rabigii inuusan ka dhigin qabrigiisa sida sanamka ay dadku caabudaan, iyagoo waynaynaaya, oo sujuuda ay ula jeensadaan, ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay uu cayriyey oo ka fogeeyey naxariistiisa qofka qabuurta Nabiyada ka dhigta masaajid, waayo qabriga in masjid laga dhigto waxay sabab u noqon in la caabudo oo la aamino.

Faa’iidooyin
  1. Xadka sharciga ah in la dhaafiyo qubuurta Ambiyada iyo Saalixiintu waxay keenaysaa in Ilaahay sokodi la caabudo, waa waajib in laga digtoonaado asbaabta shirkiga keenta.
  2. Ma banaana in la aado qabuurta iyado la waynaynayo oo agteeda lagu cibaadaysto, sikasta oo uu Ilaahay ugu dhawaa qofka qabriga ku jiraa.
  3. Waa la xarimay in Qabuurta laga dul dhiso Masaajid.
  4. Waa la xarimay in Salaad lagu tukado Qabuurta xataa hadaan Masjidka loo dhisin SalaadaJjanaasada mooye taaso aan weli lagu tukan.
Tixraac

مسند أحمد (12/ 314) (7358). فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (1/ 434). القول المفيد على كتاب التوحيد، لمحمد بن عثيمين (1/ 434). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص178). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص194). التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص51). مشكاة المصابيح، للتبريزي (1/ 234).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu gaaloobay ama shirki buu la yimid

عن ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما أنه سَمِعَ رَجُلًا يَقُولُ: لَا وَالْكَعْبَةِ، فَقَالَ ابْنُ عُمَرَ: لَا يُحْلَفُ بِغَيْرِ اللَّهِ، فَإِنِّي سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «مَنْ حَلَفَ بِغَيْرِ اللهِ فَقَدْ كَفَرَ أَوْ أَشْرَكَ».
Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu ka maqlay nin dhahaya: maya Kacbadaan ku dhaartee, wuxuu ku yiri Ibnu Cumar: lagumo dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, anigu waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahay: "Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu gaaloobay ama shirki buu la yimid".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofkii ku dhaarta cidaan Ilaahay ahayn iyo magacyadiisa iyo sifaadkiisa inuu Ilaahay ku kufriyey ama uu shirki la yimid, waayo dhaartu waxay keenaysaa weynaynta cida lagu dhaaranayo, weynayntana Ilaahay kaligi ayey u sugnaatay, laguma dhaarto Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa cidaan ahayn. Dhaartaasina waxay ka mid tahay Shirkiga yar, laakiin hadii qofka dhaartay uu u wayneeyo wuxuu ku dhaartay sida weynaynta Ilaahay oo kale ama ka siidaran, markaa wuxuu noqonayaa Shirkiga weyn.

Faa’iidooyin
  1. Dhaarta in lagu weyneeyaa waa xaq Ilaahay leeyahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee, laguma dhaarto cidaan Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa ahayn.
  2. Asxaabtu waxay ku dadaaleen wanaag faridiisa iyo xumaanta reebideeda, gaar ahaan hadii xumaantu tahay mid Shirki iyo Gaalnimo la xiriirta.
Tixraac

سنن الترمذي (3/ 194) (1535). سنن أبي داود (5/ 154- 155) (3251). مسند أحمد (9/ 249) (5346)، (9/ 275) (5375)، (10/ 249) (6072). فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (ص413). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (2/ 214). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص326). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص365). التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص452). فتاوى اللجنة الدائمة، (1/ 343).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska

عَنْ مَحْمُودِ بْنِ لَبِيدٍ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «إِنَّ أَخْوَفَ مَا أَخَافُ عَلَيْكُمُ الشِّرْكُ الْأَصْغَرُ» قَالُوا: وَمَا الشِّرْكُ الْأَصْغَرُ يَا رَسُولَ اللهِ؟ قَالَ: «الرِّيَاءُ، يَقُولُ اللهُ عز وجل لَهُمْ يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِذَا جُزِيَ النَّاسُ بِأَعْمَالِهِمْ: اذْهَبُوا إِلَى الَّذِينَ كُنْتُمْ تُرَاؤُونَ فِي الدُّنْيَا، فَانْظُرُوا هَلْ تَجِدُونَ عِنْدَهُمْ جَزَاءً؟».
Maxamud Binu Labiid -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuuu yiri: "Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska , Ilaahay ayaa ku oran maalinta qiyaamaha kuwaa marka laga abaal mariyo dadka camalkooda: u taga kuwii aad is tusi jirteen noloshiinii Aduunka, oo eega inaad abaal marin ka heshaan".
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badnaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo dadka dartood. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, laguna oran doono Maalinta Qiyaame: socda oo u taga kuwaad dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan inay waajib tahay in camalka Ilaahay khaalis looga dhigo, lagana digtoonaado is tustuska.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-uu si aad ah ugu dhimriyey ummaddiisa, wuuna ku dadaalay inay soo hanuunaan uuna u naseexeeyey.
  3. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu sidaa ugu cabsan jiray Asaxaabta isagoo la hadlaya, iyagoo ahaa Madaxdii Saalixiinta, dadka ka dambeeya in loo cabsado ayaa ka mudan.
Tixraac

مسند أحمد (39/ 39) (23630). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص57). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص45).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki,-saddex jeer", qofkasta oo naga mid ah qalbigiisa wax baasaysiga ah baa ka dhacaaya laakiin Ilaahay wuxuu kaga dhaafaa tawakulka

عَنْ عَبْدِ اللهِ بْنِ مَسعودٍ رضي الله عنه عن رَسولِ اللهِ صلى الله عليه وسلم قال: «الطِّيَرَةُ شِرْكٌ، الطِّيَرَةُ شِرْكٌ، الطِّيَرَةُ شِرْكٌ، -ثلاثًا-»، وَمَا مِنَّا إِلَّا، وَلَكِنَّ اللهَ عَزَّ وَجَلَّ يُذْهِبُهُ بِالتَّوَكُّلِ.
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: "Baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki, baasaysigu waa shirki,-saddex jeer", qofkasta oo naga mid ah qalbigiisa wax baasaysiga ah baa ka dhacaaya laakiin Ilaahay wuxuu kaga dhaafaa tawakulka.
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka digay baasaysiga, waana qofku inuu sharaysto wax uun ama wax la maqlo ha ahaato ama wax la arko ee, sida Shimbiraha, Xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, Maalmaha, iyo wixii la mida. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u soo qaatay Shimbiraha aad ayaa loo yaqaanay waqtigii jaahiliga, waana Shimbirta oo la duuliyo marka hawl la bilaabayo, sida safarka, ganacsiga iyo wixii la mida, haday u duusho xaga midig way bishaaraysan jireen, hawshoodana way ku dhaqaaqi jireen, hadayse u duusho xaga bidix way baasaysan jireen oo waxay rabeena way joojin jireen. Wuxuuna sheegay inay shirki tahay, laakiin sharaysigu wuxuu ahaa shirki, waayo kheyrka Ilaahay uun baa keeni kara, sharkana Ilaahay uun baa difaaca kaligi cid la wadaagtana ma jirto. Wuxuu sheegay Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee- inuu qofka muslimka ah qalbigiisa ku dhicikaro wax sharaysi ka mid ahi, laakiin uu iskaga difaaco tawakulka Ilaahay la talo saaranayo, iyadoo la raacinayo in asbaabtii lala yimaado.

Faa’iidooyin
  1. In wax al sharaysto waa shirki, waayo waxaa ku jira inuu qalbigu cid aan Ilaahay ahayn ku xiran yahay.
  2. Ahmiyad ayey leedahay ku celcelinta masalooyinka muhiimka ah, si loo qaybo oo ay qalbiga ugu degto.
  3. Baasaysiga waxaa ku filan oo baabi'iya Ilaahay la talo saarto.
  4. Waxaa la is faray in Ilaahay kaligii uun la talo saarto, oo qalbiga lagu xiro Ilaahay.
Tixraac

سنن أبي داود (6/ 54) (3915). سنن ابن ماجه (4/ 560) (3538). سنن الترمذي (3/ 258) (1614). مسند أحمد (6/ 213) (3687). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص259). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص233).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa

عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ لَقِيَ اللهَ لَا يُشْرِكُ بِهِ شَيْئًا دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ لَقِيَهُ يُشْرِكُ بِهِ دَخَلَ النَّارَ».
Jaabir Binu Cabdulaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka dhinta isagoo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin wuxuu ku dambaynayaa Janada, xataa hadiiba loo cadaabo dabmiyo uu galay, qofkase dhinta isagoo u shariig yeelaya Ilaahay kaasi Naarta ayuu ku waarayaa.

Faa’iidooyin
  1. Fadliga towxiidka, iyo inuu sabab u yahay in qofku kaga badbaadayo Naarta ku waarideeda.
  2. Adoonku waa u dhaw yahay Janada iyo Naarta , waxaan dhimashada ahayna kama xigaan labadaas.
  3. Waxaa laga digayaa shirkiga kiisa yar iyo kiisa badanba, waayo in Naarta laga badbaado waxay ku xiran tahay shirkiga oo laga fogaado.
  4. Camalka aqbalaadiisu waxay ku xiran tahay khaatumada.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 94) (93). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص49). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص60).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com