Maxamud Binu Labiid -Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuuu yiri: "Waxa ugu badan ee aan idiinka cabsi qabo waa shirkiga yar", waxay dheheen asaxaabtu: waa maxay shirkiga yari Rasuulka Ilaahayow? wuxuu dhahay: "waa istustuska , Ilaahay ayaa ku oran maalinta qiyaamaha kuwaa marka laga abaal mariyo dadka camalkooda: u taga kuwii aad is tusi jirteen noloshiinii Aduunka, oo eega inaad abaal marin ka heshaan".
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa-ha ahaatee waxa ugu badnaa ee uu uga cabsi qabay ummaddiisa wuxuu ahaa: shirkiga yar oo ah: is tustuska, kaasoo ah inuu qofku wax u sameeyo dadka dartood. Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay ciqaabta ku dhicidoonta dadka istustuska wax u sameeya, laguna oran doono Maalinta Qiyaame: socda oo u taga kuwaad dartood camalka u samayn jirteen, bal soo eega inay idiin awoodaan inay ajar idinka siiyaan camalkii aad u samayseen?!
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa ku sugan inay waajib tahay in camalka Ilaahay khaalis looga dhigo, lagana digtoonaado is tustuska.
Xadiiska waxaa ku sugan in Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-uu si aad ah ugu dhimriyey ummaddiisa, wuuna ku dadaalay inay soo hanuunaan uuna u naseexeeyey.
Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- haduu sidaa ugu cabsan jiray Asaxaabta isagoo la hadlaya, iyagoo ahaa Madaxdii Saalixiinta, dadka ka dambeeya in loo cabsado ayaa ka mudan.
Tixraac
مسند أحمد (39/ 39) (23630).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص57).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص45).