U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu gaaloobay ama shirki buu la yimid

عن ابْنِ عُمَرَ رضي الله عنهما أنه سَمِعَ رَجُلًا يَقُولُ: لَا وَالْكَعْبَةِ، فَقَالَ ابْنُ عُمَرَ: لَا يُحْلَفُ بِغَيْرِ اللَّهِ، فَإِنِّي سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «مَنْ حَلَفَ بِغَيْرِ اللهِ فَقَدْ كَفَرَ أَوْ أَشْرَكَ».
Cabdullaahi Binu Cumar Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu ka maqlay nin dhahaya: maya Kacbadaan ku dhaartee, wuxuu ku yiri Ibnu Cumar: lagumo dhaarto cidaan Ilaahay ahayn, anigu waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahay: "Qofkii ku dhaarta waxaan Ilaahay ahayn wuu gaaloobay ama shirki buu la yimid".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qofkii ku dhaarta cidaan Ilaahay ahayn iyo magacyadiisa iyo sifaadkiisa inuu Ilaahay ku kufriyey ama uu shirki la yimid, waayo dhaartu waxay keenaysaa weynaynta cida lagu dhaaranayo, weynayntana Ilaahay kaligi ayey u sugnaatay, laguma dhaarto Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa cidaan ahayn. Dhaartaasina waxay ka mid tahay Shirkiga yar, laakiin hadii qofka dhaartay uu u wayneeyo wuxuu ku dhaartay sida weynaynta Ilaahay oo kale ama ka siidaran, markaa wuxuu noqonayaa Shirkiga weyn.

Faa’iidooyin
  1. Dhaarta in lagu weyneeyaa waa xaq Ilaahay leeyahay, Isagaa nusqaan ka hufan oo sareeyee, laguma dhaarto cidaan Ilaahay, magacyadiisa iyo sifaadkiisa ahayn.
  2. Asxaabtu waxay ku dadaaleen wanaag faridiisa iyo xumaanta reebideeda, gaar ahaan hadii xumaantu tahay mid Shirki iyo Gaalnimo la xiriirta.
Tixraac

سنن الترمذي (3/ 194) (1535). سنن أبي داود (5/ 154- 155) (3251). مسند أحمد (9/ 249) (5346)، (9/ 275) (5375)، (10/ 249) (6072). فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (ص413). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (2/ 214). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص326). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص365). التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص452). فتاوى اللجنة الدائمة، (1/ 343).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Shirkiga

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com