Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isaga iyo ِِِِِِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri Mucaad Binu Jabal markuu u diray Yaman: " waxaad u tagidoontaa Qolo Ahlu kitaab ah, hadaad u tagto ugu yeer inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudaa jirin, Maxamedna uu yahay Rasuulkii Ilaahay, haday intaa kaa yeelaan, u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay shan Salaadood Habeen iyo Maalin walba, haday intaa kaa yeelaan u sheeg in Ilaahay ku faral yeelay Sadaqo laga qaadayo intooda Maalka leh, oo lagu celinaayo intooda Saboolka ah, haday intaa kaa yeelaan, waxaan kaaga digayaa Xoolahooda kuwa ugu fiican inaad ka qaado, iskana ilaali ducada kan la dulmiyey, waayo isaga iyo Ilaahay xijaab uma dhexeeyo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nanbadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu u diray Mucaad Binu Jabal Allaha ka raali ahaade dhulka Yeman isagoo Ddaaci iyo Macalin ah wuxuu u cadeeyey inuu u tagi doono Qolo Nasaaro ah, si uu isugu diyaariyo, ka dibna uu dacwada ugu yeerayo ka bilaabo siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu ugu yeerayaa hagaajinta caqiidada marka koowaad, taaso ah inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudo jirin, Nabi Maxamedna yahay Rasuulkii Ilaahay. Waayo taasay Islaamka ku soo galayaan, hadii ay taas u hogaansamaan wuxuu amrayaa inay Salaada oogaan, waayo waa tan ugu wayn waajibka Towxiidka ka dib. Hadii ay oogaan Salaada wuxuu amrayaa kuwooda Xoolaha leh inay bixiyaan Sakada Xoolahooda siiyaana kuwooda saboolka ah, wuxuuna uga digay inuu ka qaado Xoolaha kuwa ugu fiican, waayo waajibku waa kan dhex dhexaadka. Ka dibna wuxuu u dardaarmay inuu ka fogaado dulmiga, si aanu kan la Dulmiyey u habaarin, waayo baryadiisa Ilaahay waa aqbalayaa.
Faa’iidooyin
Macnaha Shahaada Laa Ilaaha Ilaa Allah: waa in Ilaahay loo kali yeelo cibaadada, iyo ka tagida in la caabudo cidaan Ilaahay ahayn.
Macnaha Shahaada Ana Maxamedan Rasuulu Allah: waa in la rumeeyo Nabiga nabadgelyo iyio naxariis Allaha siiyee iyo Diinta uu la yimid, oo la rumaysto, lana aamino inuu yahay Rasuulkii u dambeeyey Rususha Ilaahay u soo diray Dadka.
Sida loola hadlo Qofka Caalim ka ah iyo midka shubhada aaminsan la mid maaha sida loola hadlo kan jaahil ka ah, sidaa darteed ayuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ugu baraarujiyey Mucaad hadalkiisii uu yiri: "waxaad u tegaysaa dad Ahlu kitaab ah".
Xadiiska waxaa ku sugan inay muhiim tahay in Muslimku aqoon u leeyahay Diintiisa, si uu isaga dhameeyo shubuhaadka, taaso ah inuu Cilmiga barto.
Xadiiska waxaa ku sugan inay Burtay Diintii Yuhuuda iyo Nasaaradu Markii Ilaahay soo diray Rasuulka ka dib, Yuhuuda iyo Nasaaraduna ka mid maaha dadka maalinta qiyaame nabad gelaya ilaa ay Diinta Islaamka soo galaan, oo ay rumeeyaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 119) (1458)، (2/ 128) (1496)، (9/ 114) (7372).
صحيح مسلم (1/ 50) (19).
فتح الباري لابن حجر (13/ 349).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح فوزان (ص54).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص64).
Dalxa Binu Cubaydu Allaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee nin reer Najdi ah ayaa u yimid oo Madax basaasan, oo aan maqlaynay Codkiisa weyn, oo aanan fahmayn wuxuu sheegaayo ilaa uu u soo dhawaaday Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waaba isagoo Islaamka wax ka waydiinaya, wuxuu yiri Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: "Salaado Shan ah Maalintii iyo Habeenkii" wuxuu yiri: waxaan iyaga ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu ku yiri: "maya, adigoo Suno tukada maahee, iyo Soonka Bisha Ramadaan", wuxuu yiri: Soon kale ma la igu leeyahay? wuxuu ku yiri: "maya, adigo Suno Sooma maahee, wuxuuna u sheegay Rasuulku Sakada, wuxuu yiri wax kale-oo Sako ah- ma la igu leeyahay? wuxuu ugu Jawaabay: "maya, adigo Sadaqada badsada maahee", wuxuu yiri -Dalxa-: ninkii waa islaabay oo dhaqaaqay, isagoo dhahaya: Ilaahay ayaan ku dhaartee intaa waxna ku darimaayo waxna ka dhimi maayo, Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa yiri: "wuu liibaanay haduu ka run sheego".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nin reer Najdi ah ayaa u yimid Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ninkaasoo Timo basaasan lahaa, Codkiisuna aad u dheeraa, wuxuu sheegayana aan la fahmayn ilaa uu Rasuulka u soo dhawaaday, wuxuuna wax ka waydiiyey arkaanta Islaamka?.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay Salaada, wuxuuna u sheegay in Ilaahay ku farad yeelay Habeenkii iyo Maalintii Shan Salaadood.
Wuxuu yiri: ma igu waajibaa Salaado kale oo aanSshantaa ahayn?
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: maya inaad Salaadaha Sunada ah tukato maahee.
Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku yiri: waxaa Ilaahay kugu waajibiyey Soonka Bisha Ramadaan.
Ninkii wuxuu yiri: soon kale oo aan intaa ahayn miyaa igu waajiba?
wuxuu yiri: maya, inaad Soon Suno ah Soontid maahee.
Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay Sakada.
Ninkii wuxuu yiri: ma sadaqo kale ayaa igu waajib ah oo aan Sakada faradka ah ahayn?
wuxuu yiri: maya, inaad Sadaqaysato maahee.
Ninkii markuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabahaas faradka ah wuu jeensaday wuuna dhaqaaqay, wuxuuna Ilaahay ugu dhaartay inuu intaa laasimi doono isagoon wax ku darin waxna ka dhimin, Rasuulka ayaa yiri intaa ka dib: haduu ka run sheego wuxuu ku dhaartay wuxuu ka mid ahaanayaa kuwa liibaanay.
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa ku cad wanaaga Shareecada Islaamka iyo inay u khafiifisay waajibaadka dadka la saaray.
Xadiiska waxaa ku cad dhaqan wanaaga Rasuulku uu kula dhaqmay ninkaa, wuxuu suura geliyey inuu u soo dhawaado, wuxuu wax ka weydiiyo Diinta.
Dacwada Ilaahay waxaa muhiim u ah in lagu bilaabo umuuruhu sidey u kala muhiimsan yihiin.
Islaamku waa caqiido iyo camal, wax ma tarayo camal bilaa iimaan ah, waxna anficimaayo iimaan bilaa camal ahi.
Muhimada ay leeyihiin camaladaani waxayna ka mid yihiin Arkaanta Islaamka.
Salaada Jumcadu waxay soogalaysaa Salaadaha Shanta ah ee waajibka ah, waayo waxay badal ka tahay Salaadii Duhurka ee Maalinta Jumcada ciday ku waajibtay.
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay wax u sheegida siday u kala muhimsan yihiin waajibaadka Islaamku oo ah Arkaanta Islaamka marka laga tago Mhahaadataynka, waayo muslim buu ahaa ninku, Xajka lama xusin, waxayna ahayd intaan la farad yeelin ama waqtigiisii ayaan la gaarin.
Haduu Qofku ku gaabsado waajibaadka Shareecada oo kali ah wuu ku liibaanayaa, laakiin taas loogama jeedo in Sunaha uusan la imaan karin, waayo waajibaadka Sunaha ayaa dhamaystira Maalinta Qiyaamaha.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 18) (46).
صحيح مسلم (1/ 40) (11).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين.
بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 346).
نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 857).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 242).
Cabdullaahi Binu Cumar -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay ayaa yiri: "waxaa la i faray inaan dadka la dagaalamo ilaa ay qirayaan in Ilaahay maahee Ilaah kaloo xaq lagu caabudaa uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soo diray yahay, salaadana oogaan, sakadana bixiyaan, intaa markay sameeyaan waxay iga ilaaliyeen dhiigooda iyo maalkooda, xaqa Islaamku saaray maahee, xisaabtooda aakhirana Ilaahay ayey u taalaa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay inuu Ilaahay amray inuu la dagaalamo mushrikiinta ilaa ay qiraan inuusan jirin macbuud xaq lagu caabudo oo aan Allah wayn ee waaxid ka ah ahayn, wax lala wadaajiyaana aanu jirin, Nabi Maxamadna uga markhaati kacaan in Rasuul Ilaahay u soo dhiibay risaalada diinta, shahaadadaasi waxay keenaysona ku camal falaan sida ilaalinta salaadaha shanta ah ee habeenka iyo maalinta la gudanaayo, iyo inay bixiyaan sakada waajibka ah, iyadoo la siinayo kuwa xaqa u leh. Haday sameeyaan arimahaa kor ku xusan diinta Islaamku way ilaalinaysaa dhiigooda iyo maalkooda, mana banaana dilkoodu inay fal dambiyeed ama jariimo ay dil mutaystaan ku dhacaan maahee iyadoo lagu xukumaayo shareecada Islaamka, maalinta qiyaamahana Ilaahay ayaa iska leh xisaabtooda, isagaa og sirtooda iyo waxa u qarsoone.
Faa’iidooyin
Axkaanta Islaamka waxaa la xukumaa waxa dadka ka muuqda, wixii qarsoona Ilaahay ayaa xukumaaya.
Tawxiidka in dadka loogu yeero waa muhiim isagaana u horeeya dacwada Islaamka.
Xadiiskaan loogama jeedo in gaalada diinta lagu khasbo, balse khiyaar ayey u leeyihiin, inay Islaamka soo galaan ama ay Jisyo bixiyaan, hadii aysan joojin la dagaalanka dacwada Islaamka in sharciga Islaamka lagula dagaalamo ayey noqonaysaa.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 14) (25).
صحيح مسلم (1/ 53) (22).
التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية، لإسماعيل السعدي (ص23).
شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص125).
Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu yiri: "Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in muslimiinta xaalka dhexdooda ahi yahay kuwo jecel khayrka, naxariista, is caawinta iyo isu gargaarida, oo wixii dhib soo gaara uu u wada saameeyo sida jir qura, oo hadii xubin ka xanuunsato xubnaha kale ee jirku la qabayaan xanuunka iyo soo jeedkaba.
Faa’iidooyin
Waxaa habboon in la weyneeyo xuquuqda muslimiinta, laguna dhiirigaliyo inay iskaashadaan, oo isu naxariistaan.
Waxaa habboon in dadka Ahlu iimaanka ahi is jeclaadaan oo isu gargaaran dhexdooda.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 10) (6011).
صحيح مسلم (4/ 1999) (2586).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 246).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 317).
كنوز رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (4/ 405).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص173).
المعجم الوسيط (1/ 492).
عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ عُمَر رضي الله عنهما قال: قال رسولُ الله صلى الله عليه وسلم: «بُنِيَ الْإِسْلَامُ عَلَى خَمْسٍ: شَهَادَةِ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، وَإِقَامِ الصَّلَاةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَحَجِّ الْبَيْتِ، وَصَوْمِ رَمَضَانَ».
Cabdullaahi Binu Cumar-Allaha ka raali ahaado isaga iyo abihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: -Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir: in la qiro inuusan jirin Ilaah xaq lagu caabudo, Ilaahay mooyee, Maxamedna yahay adoonkii Ilaahay iyo Rasuulkiisii, Salaada oo la oogo, Sakada oo la bixiyo, Xajka oo la guto iyo Bisha Ramadaan oo la soomo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku shabahay Diinta Islaamka dhismo aad loo adkeeyey, oo leh shan tiir oo dhismaha xambaarsan, qaybaha kale ee Islaamkuna waa sida dhismaha dhamaystirkiisa oo kale. Tiirarkana waxaa ugu horeeya: in la qiro Ilaahay mooyee in uusan jirin Ilaah kale oo xaq lagu caabudo, Maxamedna Rasuulka Ilaahay yahay, labadaasi waa hal tiir oo kaliya, oo aan kale harikarin, waa in Adoonku labadaas ku dhawaaqo isagoo aqoonsan in Ilaahay kaligi yahay, oo isagu keligii xaq u leeyahay cibaadada cid kalena aysan lahayn, oo ku camal fala waxay keenayso, isagoo rumaysan Risaaladii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee una hogaansan. Tiirka labaad: waa Salaada oo la oogo, waana Salaadaha shanta ah ee faralka ah Maalintii iyo Habeenkii: waa Fajarka, Duhurka, Casarka, Maqribka iyo Cishaha, iyadoo lala imaanayo shuruudeeda, arkaanteeda, iyo waajibaadkeeda. Tiirka seddexaad: waa bixinta Sakada waajibka ah, waana cibaado Maali ah, oo ku waajibtay maalkasta oo gaaray intii Shareecadu xadaysay, iyadoo la siinayo dadka xaqa u leh. Tiirka Afraad: waa Xajka, waana in la aado Makkah si loo guto howlaha Xajka, iyadoo Ilaahay loogu dhawaanayo. Tiirka Shanaad: waa Soonka Ramadaanka, waana in laga af xirnaado cuntada iyo cabitaanka iyo wixii soo raaca ee ka duwan oo Soonka jabin kara, isagoo niyoonaya inuu Ilaahay ku caabudo, laga bilaabo waqtiga Fajarka ilaa qoraxdu dhacdo.
Faa’iidooyin
Labada Ashahaado way isku xiran yihiin oo midkood ansixi mayso ilaa tan kale la la yimaado, sidaasaa hal tiir looga dhigay.
Labada Ashahaado waa aasaaska Diinta, oo Ilaahay ma aqbalayo qawl iyo camal iyaga la`aantood.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 11) (8)، صحيح مسلم (1/ 45) (16)، و(1/ 88) (82)، فتح الباري لابن رجب (1/ 22)، جامع العلوم والحكم (1/147)، شرح الأربعين لابن العطّار (ص 62)، شرح الأربعين النووية لعبد الكريم الخضير (ص 87)، فتح القوي المتين في شرح الأربعين للعباد (ص 29)، شرح الأربعين النووية لصالح آل الشيخ (ص 91 - 95)، التحفة الربانية لإسماعيل الأنصاري (ص 12).
Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii Jaahiliga samaynay, wuxuu yiri: Qofkii Islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu Jaahiligii sameeyey, Qofkase Islaama oo shirki la yimaada Danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga uu leeyahay Islaamka oo la soo galo. Qofka Islaama ee ay fiicnaato Islaamnimadiisu oo ahaada Qof daacada oo runlow ah, loo raacanmaayo wixii Macsi ah ee uu sameeyey Jaahiligii. Qofkase Islaamnimadiisu xumaato sida inu Munaafiq noqdo ama Diintiisa ka Ridoobo waa lagu xisaabin Macsidii uu Gaalnimadiisii sameeyey iyo tii uu sameeyey intuu Muslimay.
Faa’iidooyin
Asaxaabtii Allaha ka raali ahaadee waxay ihtimaam siin jireen oo ka baqi jireen wixii Jaahiligii ka dhacay ee ficilo xun ahaa
Waxaa la isku dhiiri gelinayaa in lagu sugnaado Diinta Islaamka.
Xadiiska waxaa ku sugan fadliga uu leeyahay soo gelida Diinta Islaamku, iyado Qofka loogu dhaafayo wixii ficil ahaa ee horay uga dhacay.
Qofkii Murtad ah iyo Munaafiqa waa lagu xisaabin ficiladii ay sameeyeen Jaahiligii iyo Danbiyadii ay sameeyeen intay Islaameen.
Tixraac
صحيح البخاري (9/ 14) (6921).
صحيح مسلم (1/ 111) (120).
مشارق الأنوار على صحاح الآثار (2/229).
الكواكب الدراري (24/43).
عمدة القاري شرح صحيح البخاري (24/ 76).
Waxaa la cadeeyey xumaanta kufrigu leeyahay, iyo inuu ka mid yahay waxa camalka saalixa ah buriya.
Gaalada ma anfacayo camalkooda wanaagsani aakhiro waayo ma aysan rumeyn Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro.
Camalka dadku sameeyo markay gaalada yihiin waa loo qoraa haduu Islaamo waa laga abaal mariyaa.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 196) (214)، شرح النووي على مسلم (3/87)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 459)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (4/ 170)، التنوير شرح الجامع الصغير (2/364)، فتح المنعم (2/54)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (3/ 455).
Abii Hureyra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey in Nabigu
nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Sheydaankaa u imaan midkiin wuxuuna ku dhihin yaa abuuray kaas? yaa abuuray kaas? Ilaa uu yiraahdo yaa abuuray Rabigaa?, haduu halkaa soo gaaro Ilaahay ha ka magan galo hana ka joogsado.
Xadiiska waxaa ku sugan in la iska joojiyo waswaaska Sheydaanka iyo waxa nafta ku soo dhacaya oo aan lagu fakarin wax yaabaha waswaaska ah, oo Ilaahay ka magan galo inuu ka joojiyo waswaaskaas.
Wax kasta oo qalbiga dadka ku soo dhaca oo waswaas ah Sharcigana khilaafsan Shaydaan ayuu ka yimid.
Waa la iska reebay in Daatada Ilaahay lagu fekero, waxaana la isku booriyey in Ilaahay khalqigiisa iyo Aayaadkiisa lagu fekero.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 123) (3276)، صحيح مسلم (1/ 120) (134)، إكمال المعلم (1/432)، المفهم (1/345)، فتح الباري (6/ 340)، طرح التثريب (8/163)، بهجة قلوب الأبرار (ص 27).