U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka

عَنِ النُّعْمَانِ بْنِ بَشِيرٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَثَلُ الْمُؤْمِنِينَ فِي تَوَادِّهِمْ وَتَرَاحُمِهِمْ وَتَعَاطُفِهِمْ مَثَلُ الْجَسَدِ، إِذَا اشْتَكَى مِنْهُ عُضْوٌ تَدَاعَى لَهُ سَائِرُ الْجَسَدِ بِالسَّهَرِ وَالْحُمَّى».
Nucmaan Binu Bashiir-Allaha ka raalli ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu yiri: "Mu'uminiinta ee isjacaylkooda, isku naxariisashadoodu iyo isu dhimrintoodu, waxay la mid tahay sida jirka oo kale, oo hadii xubin xanuunsato jirka kale oo dhan uu la qabayaa soo jeedka iyo xanuunka."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey inay waajib tahay in muslimiinta xaalka dhexdooda ahi yahay kuwo jecel khayrka, naxariista, is caawinta iyo isu gargaarida, oo wixii dhib soo gaara uu u wada saameeyo sida jir qura, oo hadii xubin ka xanuunsato xubnaha kale ee jirku la qabayaan xanuunka iyo soo jeedkaba.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa habboon in la weyneeyo xuquuqda muslimiinta, laguna dhiirigaliyo inay iskaashadaan, oo isu naxariistaan.
  2. Waxaa habboon in dadka Ahlu iimaanka ahi is jeclaadaan oo isu gargaaran dhexdooda.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 10) (6011). صحيح مسلم (4/ 1999) (2586). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 246). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 317). كنوز رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (4/ 405). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص173). المعجم الوسيط (1/ 492).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Islaam

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com