Nabigu nanbadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee markuu u diray Mucaad Binu Jabal Allaha ka raali ahaade dhulka Yeman isagoo Ddaaci iyo Macalin ah wuxuu u cadeeyey inuu u tagi doono Qolo Nasaaro ah, si uu isugu diyaariyo, ka dibna uu dacwada ugu yeerayo ka bilaabo siday u kala muhiimsan tahay. Wuxuu ugu yeerayaa hagaajinta caqiidada marka koowaad, taaso ah inay qiraan in Ilaahay mooyee Ilaah kale oo xaq lagu caabudo jirin, Nabi Maxamedna yahay Rasuulkii Ilaahay. Waayo taasay Islaamka ku soo galayaan, hadii ay taas u hogaansamaan wuxuu amrayaa inay Salaada oogaan, waayo waa tan ugu wayn waajibka Towxiidka ka dib. Hadii ay oogaan Salaada wuxuu amrayaa kuwooda Xoolaha leh inay bixiyaan Sakada Xoolahooda siiyaana kuwooda saboolka ah, wuxuuna uga digay inuu ka qaado Xoolaha kuwa ugu fiican, waayo waajibku waa kan dhex dhexaadka. Ka dibna wuxuu u dardaarmay inuu ka fogaado dulmiga, si aanu kan la Dulmiyey u habaarin, waayo baryadiisa Ilaahay waa aqbalayaa.
- Macnaha Shahaada Laa Ilaaha Ilaa Allah: waa in Ilaahay loo kali yeelo cibaadada, iyo ka tagida in la caabudo cidaan Ilaahay ahayn.
- Macnaha Shahaada Ana Maxamedan Rasuulu Allah: waa in la rumeeyo Nabiga nabadgelyo iyio naxariis Allaha siiyee iyo Diinta uu la yimid, oo la rumaysto, lana aamino inuu yahay Rasuulkii u dambeeyey Rususha Ilaahay u soo diray Dadka.
- Sida loola hadlo Qofka Caalim ka ah iyo midka shubhada aaminsan la mid maaha sida loola hadlo kan jaahil ka ah, sidaa darteed ayuu Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ugu baraarujiyey Mucaad hadalkiisii uu yiri: "waxaad u tegaysaa dad Ahlu kitaab ah".
- Xadiiska waxaa ku sugan inay muhiim tahay in Muslimku aqoon u leeyahay Diintiisa, si uu isaga dhameeyo shubuhaadka, taaso ah inuu Cilmiga barto.
- Xadiiska waxaa ku sugan inay Burtay Diintii Yuhuuda iyo Nasaaradu Markii Ilaahay soo diray Rasuulka ka dib, Yuhuuda iyo Nasaaraduna ka mid maaha dadka maalinta qiyaame nabad gelaya ilaa ay Diinta Islaamka soo galaan, oo ay rumeeyaan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
صحيح البخاري (2/ 119) (1458)، (2/ 128) (1496)، (9/ 114) (7372). صحيح مسلم (1/ 50) (19). فتح الباري لابن حجر (13/ 349). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح فوزان (ص54). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص64).