Nin reer Najdi ah ayaa u yimid Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ninkaasoo Timo basaasan lahaa, Codkiisuna aad u dheeraa, wuxuu sheegayana aan la fahmayn ilaa uu Rasuulka u soo dhawaaday, wuxuuna wax ka waydiiyey arkaanta Islaamka?. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay Salaada, wuxuuna u sheegay in Ilaahay ku farad yeelay Habeenkii iyo Maalintii Shan Salaadood. Wuxuu yiri: ma igu waajibaa Salaado kale oo aanSshantaa ahayn? Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku yiri: maya inaad Salaadaha Sunada ah tukato maahee. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu ku yiri: waxaa Ilaahay kugu waajibiyey Soonka Bisha Ramadaan. Ninkii wuxuu yiri: soon kale oo aan intaa ahayn miyaa igu waajiba? wuxuu yiri: maya, inaad Soon Suno ah Soontid maahee. Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ka dib wuxuu sheegay Sakada. Ninkii wuxuu yiri: ma sadaqo kale ayaa igu waajib ah oo aan Sakada faradka ah ahayn? wuxuu yiri: maya, inaad Sadaqaysato maahee. Ninkii markuu ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax yaabahaas faradka ah wuu jeensaday wuuna dhaqaaqay, wuxuuna Ilaahay ugu dhaartay inuu intaa laasimi doono isagoon wax ku darin waxna ka dhimin, Rasuulka ayaa yiri intaa ka dib: haduu ka run sheego wuxuu ku dhaartay wuxuu ka mid ahaanayaa kuwa liibaanay.
- Xadiiska waxaa ku cad wanaaga Shareecada Islaamka iyo inay u khafiifisay waajibaadka dadka la saaray.
- Xadiiska waxaa ku cad dhaqan wanaaga Rasuulku uu kula dhaqmay ninkaa, wuxuu suura geliyey inuu u soo dhawaado, wuxuu wax ka weydiiyo Diinta.
- Dacwada Ilaahay waxaa muhiim u ah in lagu bilaabo umuuruhu sidey u kala muhiimsan yihiin.
- Islaamku waa caqiido iyo camal, wax ma tarayo camal bilaa iimaan ah, waxna anficimaayo iimaan bilaa camal ahi.
- Muhimada ay leeyihiin camaladaani waxayna ka mid yihiin Arkaanta Islaamka.
- Salaada Jumcadu waxay soogalaysaa Salaadaha Shanta ah ee waajibka ah, waayo waxay badal ka tahay Salaadii Duhurka ee Maalinta Jumcada ciday ku waajibtay.
- Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku bilaabay wax u sheegida siday u kala muhimsan yihiin waajibaadka Islaamku oo ah Arkaanta Islaamka marka laga tago Mhahaadataynka, waayo muslim buu ahaa ninku, Xajka lama xusin, waxayna ahayd intaan la farad yeelin ama waqtigiisii ayaan la gaarin.
- Haduu Qofku ku gaabsado waajibaadka Shareecada oo kali ah wuu ku liibaanayaa, laakiin taas loogama jeedo in Sunaha uusan la imaan karin, waayo waajibaadka Sunaha ayaa dhamaystira Maalinta Qiyaamaha.
صحيح البخاري (1/ 18) (46). صحيح مسلم (1/ 40) (11). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين. بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 346). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 857). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 242).