U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Imaanka siyaadadiisa iyo nuqsaantiisa

6 xadiis

Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «الْإِيمَانُ بِضْعٌ وَسَبْعُونَ -أَوْ بِضْعٌ وَسِتُّونَ- شُعْبَةً، فَأَفْضَلُهَا قَوْلُ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَدْنَاهَا إِمَاطَةُ الْأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ، وَالْحَيَاءُ شُعْبَةٌ مِنَ الْإِيمَانِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka, xishoodkuna waa qayb ka mida iimaanka".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in iimaanku qaybo iyo laamo badan yahay, kuwaasoo ka kooban acmaal la qabto, caqiido iyo hadalo. Waxaana ugu sareeya qaybaha iimaanka u guna fadli wayn hadalka: "laa ilaaha Ilaa Allaah", waa in macnaheeda aqoon loo leeyahay, laguna camal falayo waxay keenayso, oo ah inuu Ilaahay yahay Ilaaha kaliya ee xaqa u leh in la caabudo keligi, cidii isaga ka soo hartayna aysan xaq u lahayn. Qaybta ugu yar laamaha iimaanku waa in laga leexiyo wixii dhib ku ah Dariiqa dadku marayaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in xishoodku qaybaha iimaanka ka mid yahay, waana dhaqan ku dhalinaaya qofka inuu wanaaga sameeyo xumaantana ka tago.

Faa’iidooyin
  1. Iimaanku waa darajooyin qaar ka fadli badan yahay qaarka kale.
  2. Iimaanku waa hadal iyo camal iyo caqiido.
  3. Ilaahay oo laga xishoodaa wuxuu keenaa: inuuna kugu arag meel uu kaa reebay, iyo inuuna kaa waayin meel uu ku faray.
  4. hadii tiro la sheego looma jeedo in arinku tiradaa ku kooban yahay, balse wuxuu ku tusayaa in acmaasha iimaanku badan tahay, carabtu waxaa dhici karta inay shay tiro ku sheegaan hadana aysan doonayn inaysan qayrki diidayn.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 11) (9). صحيح مسلم (1/ 63) (35). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين (1/ 154). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 169). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص106). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم لهلالي (1/ 205).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «المُسْلِمُ مَنْ سَلِمَ المُسْلِمُونَ مِنْ لِسَانِهِ وَيَدِهِ، وَالمُهَاجِرُ مَنْ هَجَرَ مَا نَهَى اللَّهُ عَنْهُ».
Cabdullaahi Binu Camar -Allaha ka raali ahaado- isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey in Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Muslimku waa Qofka ay Mslimiintu ka nabad galeen Carabkiisa iyo Gacantiisaba, Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada wixii Ilaahay ka reebay."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Muslimka Islaamnimadiisu kaamilka tahay uu yahay midka Muslimiintu ka nabad galaan Carabkiisa ee aan caayin, oo nacaladin, oo xamanin, oo dadka la dhex qaadin wax dhib ah oo uu ka gaysto carabkiisa. Muslimiintuna ka nabad galaan Gacantiisa oo aan ku xad gudbin, oo aan ku qaadan xoolahooda xaq daro, iyo wixii la mida. Muhaajirkuna waa Qofka ka dheeraada waxa uu Ilaahay ka xarimay.

Faa’iidooyin
  1. kaamilnimada Islaamka la ma gaaro in dadka dhibka laga daayo si Maadi ahaana iyo macnawi ahaanaba mooyee.
  2. Carabka iyo Gacanta waxaa si gaara loogu xusay, gafkooda iyo dhibaatadooda oo badan, waayo sharta ugu badan iyagay ka timaadaa.
  3. waxaa la isku boorinayaa in laga tago macaasida oo lagu sugnaado wixii Ilaahay faray.
  4. Muslimiinta waxaa ugu fadli badan Qofkii guta xaqa Ilaahay leeyahay iyo xuquuqda Muslimiinta.
  5. Xadgudubku wuxuu noqon karaa hadal ama ficil.
  6. Hijrada kaamilka ahi waa in laga tago wixii Ilaahay xarimay.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 11) (10). صحيح مسلم (1/ 65) (40). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 236). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 511). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 306).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofkii idinka mid ah ee arka Xumaan Gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin Carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin Qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha Iimaanka ugu liidata

عن أبي سعيد الخُدْريِّ رضي الله عنه قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «‌مَنْ ‌رَأَى ‌مِنْكُمْ ‌مُنْكَرًا فَلْيُغَيِّرْهُ بِيَدِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِلِسَانِهِ، فَإِنْ لَمْ يَسْتَطِعْ فَبِقَلْبِهِ، وَذَلِكَ أَضْعَفُ الْإِيمَانِ».
Abii Saciid Al-khudri Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: Qofkii idinka mid ah ee arka Xumaan Gacantiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin Carabkiisa ha ku dooriyo, haduusan awoodin Qalbigiisa hakanoco, kaasina waa meesha Iimaanka ugu liidata.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu farayaa tir tirida Xumaha waana wax kasta oo Ilaahay iyo Rasuulkiisu reebeen kolba awooda Qofka Muslimka ahi intay qaban kareyso. Haduu arko -Muslimku-Xumaan waxaa ku waajib ah inuu gacantiisa ku baabi'iyo, haduu awoodaa leeyahay oo sameyn karo. Haduuna awoodi karin sidaas, carabkiisa ha ku tir tiro Xumaantaa oo ha ka reebo kan Xumaanta faraha kula jira, hana ku waaniyo kheyrka Sharta badalkeeda. Haduu awoodi waayo kaalintaa qalbigiisa ha ku badalo Xumaanta isagoo nacaya Xumaantaa oo go'aansanaya haduu awoodi lahaa inuu ficil ku baabi'in lahaa. Qalbiga oo laga naco Xumaanta waa derejada ugu hoosaysa derajooyinka iimaanka ee Xumaanta lagu tir-tiro.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiskaani wuxuu sal u yahay cadaynta martabadaha Xumaanta lagu badalo ee lagu tir-tiro.
  2. Arintu waa jaranjaro marka Xumaanta la reebayo, Qofwalbana waa inta awoodiisa iyo karaankiisu dhan yahay.
  3. Xumaha oo la reebo Diinta wuxuu ka yahay baab aad u weyn Qofna ka ma dhacayo, Qof walboo Muslim ah waxaa lagu waajibin inta awoodiisu tahay.
  4. Wanaaga oo la is faro iyo Xumaha oo la iska reebo waa Sifooyinka Iimaanka, Iimaankuna wuu kordhaa wuuna naaqusaa.
  5. Xumaha reebidiisa waxaa u shardi ah: in la og yahay in waxa la reebayo ay xun yihiin.
  6. Waxaa shardi u ah badalida Munkarka: in aanay ka dhalanayn Munkar kaloo ka weyn.
  7. Munkarka in la reebo waxay leedahay aadaab ay haboon tahay in Qofka Muslimka ahi barto.
  8. Munkarka in la reebo wuxuu u baahan yahay siyaasad Sharciya iyo Cilmi iyo aragti dheer.
  9. Munkarka inaan Qalbiga laga nicin waxay tusaysaa daciifnimada Iimaanka.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 69). جامع العلوم والحكم (2/245). المعين على تفهم الأربعين (ص 393). شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 336). البحر المحيط الثجاج (2/204). فتح القوي المتين للعباد (ص 116).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

, wuxuu yiri: Qofkii Islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu Jaahiligii sameeyey, Qofkase Islaama oo shirki la yimaada Danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin

عَنِ ابْنِ مَسْعُودٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ: قَالَ رَجُلٌ: يَا رَسُولَ اللهِ، أَنُؤَاخَذُ بِمَا عَمِلْنَا فِي الْجَاهِلِيَّةِ؟ قَالَ: «مَنْ أَحْسَنَ فِي الْإِسْلَامِ لَمْ يُؤَاخَذْ بِمَا عَمِلَ فِي الْجَاهِلِيَّةِ، وَمَنْ أَسَاءَ فِي الْإِسْلَامِ أُخِذَ بِالْأَوَّلِ وَالْآخِرِ».
Ibnu Mascuud Allaha raali ka noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nin ayaa ku yiri: Rasuulkii Ilaahayow, miyaa naloo qaban wixii aanu waqtigii Jaahiliga samaynay, wuxuu yiri: Qofkii Islaama ee wanaag fala loo qaban maayo wuxuu Jaahiligii sameeyey, Qofkase Islaama oo shirki la yimaada Danbigii hore iyo kii dambeba waa lagu ciqaabin.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey fadliga uu leeyahay Islaamka oo la soo galo. Qofka Islaama ee ay fiicnaato Islaamnimadiisu oo ahaada Qof daacada oo runlow ah, loo raacanmaayo wixii Macsi ah ee uu sameeyey Jaahiligii. Qofkase Islaamnimadiisu xumaato sida inu Munaafiq noqdo ama Diintiisa ka Ridoobo waa lagu xisaabin Macsidii uu Gaalnimadiisii sameeyey iyo tii uu sameeyey intuu Muslimay.

Faa’iidooyin
  1. Asaxaabtii Allaha ka raali ahaadee waxay ihtimaam siin jireen oo ka baqi jireen wixii Jaahiligii ka dhacay ee ficilo xun ahaa
  2. Waxaa la isku dhiiri gelinayaa in lagu sugnaado Diinta Islaamka.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan fadliga uu leeyahay soo gelida Diinta Islaamku, iyado Qofka loogu dhaafayo wixii ficil ahaa ee horay uga dhacay.
  4. Qofkii Murtad ah iyo Munaafiqa waa lagu xisaabin ficiladii ay sameeyeen Jaahiligii iyo Danbiyadii ay sameeyeen intay Islaameen.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 14) (6921). صحيح مسلم (1/ 111) (120). مشارق الأنوار على صحاح الآثار (2/229). الكواكب الدراري (24/43). عمدة القاري شرح صحيح البخاري (24/ 76).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

waxaan Naftayada ku arkaynaa wax inaan sheegno ay aad noola wayn tahay, wuxuu ku yiri: ma sidaas baad isku aragteen? waxay dheheen: haa, wuxu yiri: kaasi waa iimaan cad

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قال: جَاءَ نَاسٌ مِنْ أَصْحَابِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَسَأَلُوهُ: إِنَّا نَجِدُ فِي أَنْفُسِنَا مَا يَتَعَاظَمُ أَحَدُنَا أَنْ يَتَكَلَّمَ بِهِ، قَالَ: «وَقَدْ وَجَدْتُمُوهُ؟» قَالُوا: نَعَمْ، قَالَ: «ذَاكَ صَرِيحُ الْإِيمَانِ».
Abii Hureyra raali Allaha ka ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Dad Asxaabtii Nabiga ka mida ayaa u yimid Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxayna waydiiyeen: waxaan Naftayada ku arkaynaa wax inaan sheegno ay aad noola wayn tahay, wuxuu ku yiri: ma sidaas baad isku aragteen? waxay dheheen: haa, wuxu yiri: kaasi waa iimaan cad.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Waxaa Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee u yimid qaar Asaxaabtiisa ka mida, waxay waydiiyeen waxay naftooda ku arkeen oo arimo waa weyn ah taasoo aysan ku hadli karin xumideeda iyo iyagoo ka didaya awgeed. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: waxaad isku aragteen waa iimaan cad iyo yaqiinta oo idinku riixaysa inaad diidaan waxa shaydaanku qalbiga ku tuurayo, iyo inaad diiddan ku hadalkeeda taaso naftiina ku wayn, oo shaydaanku uusan qalbigiina hanan, taas waxaa ka duwan qofka shaydaanku qalbigaiisa hantay kaaso aan helin qaab uu isaga difaaco.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa cad shaydaanku inuu ka daciifsan yahay inuu wax yeelo dadka iimaanka leh, waayo ma awoodo was-waasin maahe.
  2. Waa inaan la rumayn oo la aqbalin waswaaska Nafta ku soo dhacaya waayo wuxuu ka imaanayaa shaydaanka.
  3. Was waaska shaydaanku mu'minka ma dhibo, laakiin waa inuu ka magan galo Ilaahay waswaaskiisa, uuna ka joogsado inuu siiwado.
  4. Ma haboona qofka muslimka ah inuu ka aamuso wixii ishkaal ah ee kaga yimaada xaga diintiisa, waxaana ku haboon inuu waydiiyo wuxuu garan waayo.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 119) (132)، معالم السنن (4/174)، المفهم للقرطبي (1/344)، شرح النووي على مسلم (2/154)، البحر المحيط الثجاج (3/622).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Iimaanku wuu ku duugoobaa Uurkiina sida ay u duugowdo Marada cusubi, Ilaahay waydiista inuu Iimaanka ku cusboonaysiiyo Qalbigiina

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرِو بْنِ الْعَاصِ رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنَّ الْإِيمَانَ لَيَخْلَقُ فِي جَوْفِ أَحَدِكُمْ كَمَا يَخْلَقُ الثَّوْبُ الْخَلِقُ، فَاسْأَلُوا اللَّهَ أَنْ يُجَدِّدَ الْإِيمَانَ فِي قُلُوبِكُمْ».
Cabdullahi Binu Camar Binu Caas Allaha ka raali noqdo asaga iyo aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Iimaanku wuu ku duugoobaa Uurkiina sida ay u duugowdo Marada cusubi, Ilaahay waydiista inuu Iimaanka ku cusboonaysiiyo Qalbigiina.
Waxaa wariyay Alxaakim iyo Ad-dabaraaniDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Iimaanku ku duugoobo Qalbiga Muslimka, wuxuu u duugoobaa sida Marada cusubi ugu duugawdo isticmaalka dheer. Taas waxaa u sababa cibaadada laga gaabiyo ama in macaasi lagu dhaco iyo Naftu waxay jeceshahay in la muquurto. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inaan Ilaahay ka barino inuu Iimaankeena inoo cusboonaysiiyo, inago gudanayna waajibaadka lana imaanayna dikri badan iyo istiqfaarta.

Faa’iidooyin
  1. Waa la isku booriyey in Ilaahay la weydiisto sugnaanta iyo Iimaanka Qalbigana lagu cusboonaysiiyo.
  2. Iimaanku waa mid Carabka looga dhawaaqo, Xubnahana laga camal falo Qalbigana laga rumeeyo, wuxuu ku siyaadaa cibaadada wuxuuna ku nusqaamaa macsida.
Tixraac

المستدرك على الصحيحين للحاكم (1/ 45) (5)، المعجم الكبير للطبراني (13/ 36) (84)، النهاية في غريب الحديث والأثر، ص(282)، النهاية (1/316)، فيض القدير (2/323)، التنوير شرح الجامع الصغير (3/434).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com