U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «الْإِيمَانُ بِضْعٌ وَسَبْعُونَ -أَوْ بِضْعٌ وَسِتُّونَ- شُعْبَةً، فَأَفْضَلُهَا قَوْلُ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ، وَأَدْنَاهَا إِمَاطَةُ الْأَذَى عَنِ الطَّرِيقِ، وَالْحَيَاءُ شُعْبَةٌ مِنَ الْإِيمَانِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Iimaanku waa dhowr iyo todobaatan -ama dhowr iyo lixdan- qaybood, waxaana ugu fadli badan hadalka laa ilaaha Ilaa Allaah, waxaana ugu hooseeya in wixii dhib ah laga qaado Jidka, xishoodkuna waa qayb ka mida iimaanka".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in iimaanku qaybo iyo laamo badan yahay, kuwaasoo ka kooban acmaal la qabto, caqiido iyo hadalo. Waxaana ugu sareeya qaybaha iimaanka u guna fadli wayn hadalka: "laa ilaaha Ilaa Allaah", waa in macnaheeda aqoon loo leeyahay, laguna camal falayo waxay keenayso, oo ah inuu Ilaahay yahay Ilaaha kaliya ee xaqa u leh in la caabudo keligi, cidii isaga ka soo hartayna aysan xaq u lahayn. Qaybta ugu yar laamaha iimaanku waa in laga leexiyo wixii dhib ku ah Dariiqa dadku marayaan. Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in xishoodku qaybaha iimaanka ka mid yahay, waana dhaqan ku dhalinaaya qofka inuu wanaaga sameeyo xumaantana ka tago.

Faa’iidooyin
  1. Iimaanku waa darajooyin qaar ka fadli badan yahay qaarka kale.
  2. Iimaanku waa hadal iyo camal iyo caqiido.
  3. Ilaahay oo laga xishoodaa wuxuu keenaa: inuuna kugu arag meel uu kaa reebay, iyo inuuna kaa waayin meel uu ku faray.
  4. hadii tiro la sheego looma jeedo in arinku tiradaa ku kooban yahay, balse wuxuu ku tusayaa in acmaasha iimaanku badan tahay, carabtu waxaa dhici karta inay shay tiro ku sheegaan hadana aysan doonayn inaysan qayrki diidayn.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 11) (9). صحيح مسلم (1/ 63) (35). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين (1/ 154). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 169). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص106). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم لهلالي (1/ 205).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Imaanka siyaadadiisa iyo nuqsaantiisa

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com