عن عمران بن حصين رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «لَيْسَ مِنَّا مَنْ تَطَيَّرَ أَوْ تُطُيِّرَ لَهُ، أَوْ تَكَهَّنَ أَوْ تُكُهِّنَ لَهُ، أَوْ سَحَرَ أَوْ سُحِرَ لَهُ، وَمَنْ عَقَدَ عُقْدَةً، وَمَنْ أَتَى كَاهِنًا فَصَدَّقَهُ بِمَا يَقُولُ فَقَدْ كَفَرَ بِمَا أُنْزِلَ عَلَى مُحَمَّدٍ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ».
Cimraan Binu Xuseyn Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro, iyo kan guntimaha sixira gunta, iyo kan u taga faaliye ee rumaysta wuxuu sheego, waanu ku gaaloobay diinta Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee lagu soo dajiyey."
Waxaa wariyay AlbazaarDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u goodiyey qofkii ummaddiisa ah ee sameeya ficilada qaarkood oo uu ku cadeeyey hadalkiisii uu yiri: "naga mid maaha" waxaana ka mida:
Tan 1aad: waa qofka shimbiraha ka faaliya ama shibiraha looga faaliyo asalkeeduna waa: shimbiraha oo la duuliyo marka camal la bilaabayo sida safar, ganacsi iyo wixii la mid ah, haduu u duulo xaga midig wuu bishaaraysan wuuna ku dhaqaaqin camalkii uu rabey, haduuse u duulo xaga bidix wuu baasaysan waanu ka joogin wixii uu rabey, uma banaana inuu isagu waxaa sameeyo ama uu cid kale u dirsado, waxaa soo gelaya baasaysigaa wax kasta oo maqal ah ama muuqaal ah, sida shibmiraha, xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, maalmaha, iyo wixii lamid ah.
Tan labaad: "waa qofka faaliya ama loo faaliyo" waa kan sheegta inuu qaybka wax ka og yahay isagoo adeegsanaya xidigaha iyo wixii la mid ah, ama cidkale u taga sida wax sheega iyo wax la mida oo rumeysta wuxuu sheegay isago sheeganaya inuu yahay cilmi qaybka, kaasi wuu ku gaaloobay waxa Ilaahay ku soo dajiyey Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee .
Tan saddexaad:(waa qofka saaxirka ah ama isaga loo sixro) waa kan isagu sixirka sameeya, ama qof kale u dirsada inuu sixir u sameeyo, si uu cid wax u taro ama u dhibaateeyo, ama kan guntimo xarig ku xira kuna sixira wax uu ku akhriyo oo ah wax la magan galo oo xaaraan ah ku tufa.
Faa’iidooyin
- Waa waajiba in Ilaahay la tawakalo oo la rumeeyo qadarka iyo Qadaha Ilahay, waana xaaraan in laga faashado shimbiraha iyo in wax la baasaysto, ama la sixro ama wax sheege la aado, ama dadka waxaa ka shaqeeya wax la waydiisto.
- Cilmi qaybka in la sheegto shirkiga ayey ka mida tahay wuuna diidayaa towxiidka.
- Waa xaaraan in la rumaysto qofka wax sheega iyo in lootago, taas waxaa la raaciyaa akhrinta waxa lagu magacaabo Calaacasha, Koobka, iyo fiirintiisa hadii xataa ay thay iska daawasho uun.
Tixraac
مسند البزار = البحر الزخار (9/ 52) (3578).
شرح السنة للبغوي (12/ 182).
مجموع الفتاوى (35/ 173).
القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 543).
التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص315).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص242).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص217).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «من اقتبَسَ علْمًا مِنَ النُّجُومِ اقْتبَسَ شُعبَة مِن السِّحرِ، زادَ ما زادَ».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka ka dab qaata wax cilmiga xidigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha ku darsado".
Waxaa wariyay Abuu Daa'uud Ibnu Maajah iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka wax ka barta ee ka qaata cilmiga xidigaha iyo abraajta dadka looga faaliyo kaasoo ay u daliishanayaan socodka xidigaha, soobixidooda iyo dhicidooda wax yaabaha dhulka ka dhacaya sida dhimashada qofka, noloshiisa, jiradiisa, iyo wixii la mid ah ee mustaqbalka dhici doona, qofkaasi wuxuu bartay qayb ka mid ah sixirka, mar walba oo uu sii bartana sixir buu sii badsanayaa.
Faa’iidooyin
- Waa xaaraan faalka xidigaha kaaso ah in wax laga sheego mustaqbalka iyado la cuskanaayo xaalka xidigaha, waayo wuxuu ka mid yahay sheegashada cilmiga qaybka.
- Faalka xidiguhu waa xaaraan wuxuuna ka mid yahay sixirka towxiidka ka hor imaanaya, taasoo ka duwan eegida xidigaha si loo ogaado jihooyinka ama qiblada iyo galida mawsimka iyo bilaha arinkaasi waa banaan yahay.
- Qofku markastuu sii barto cilmiga faalka xidigaha wuxuu sii badsanayaa barashada qayb sixirka ka mida.
- Xidiguhu saddex waxtar oo Ilaahay kitaabkiisa ku sheegay bay leeyihiin: waa quruxda samada, astaamo jihooyinka lagu garto iyo gantaalo shayaadiinta lagu gano.
Tixraac
سنن أبي داود (6/ 50) (3905).
سنن ابن ماجه (4/ 670) (3726).
مسند أحمد (3/ 454) (2000).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، للقرعاوي (ص230).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، للفوزان (ص206).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ زَيْدِ بْنِ خَالِدٍ الجُهَنِيِّ رضي الله عنه أَنَّهُ قَالَ: صَلَّى لَنَا رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَاةَ الصُّبْحِ بِالْحُدَيْبِيَةِ عَلَى إِثْرِ سَمَاءٍ كَانَتْ مِنَ اللَّيْلَةِ، فَلَمَّا انْصَرَفَ أَقْبَلَ عَلَى النَّاسِ، فَقَالَ: «هَلْ تَدْرُونَ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ؟» قَالُوا: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «أَصْبَحَ مِنْ عِبَادِي مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ، فَأَمَّا مَنْ قَالَ: مُطِرْنَا بِفَضْلِ اللهِ وَرَحْمَتِهِ، فَذَلِكَ مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ بِالْكَوْكَبِ، وَأَمَّا مَنْ قَالَ: بِنَوْءِ كَذَا وَكَذَا، فَذَلِكَ كَافِرٌ بِي وَمُؤْمِنٌ بِالْكَوْكَبِ».
Sayd Binu Khaalid Aljuhani Ilaahay ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nagu tujiyey Salaadii Subaxa Xudeybiya iyado Rabeenkaas roob da'ay markuu Salaadii ka baxay ayuu dadka ku soo jeestey, wuxuuna yiri: "ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: Adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey, Qofkii yiraahda:Ilaahay fadligiisa iyo raxmadiisa ayaa roobku noogu da'ay, waa mid I rumeeyey kuna kufriyey xidiga, Qofkase yiraahda xidig hebel iyo hebel, kaasi wuu igu kufriyey wuxuuna rumeeyey xidiga".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaada Subax ayuu ku tukaday xudeybiya -waa tuulo u dhow Makkah- Roob Habeenimadii da`ay ka dib. Markuu salaama naqsaday Salaadiina ka baxay ayuu wajigiisa u soo jeediyey xaga dadka, wuxuuna yiri: ma og tihiin waxa Rabigiin casa wajala yiri? Waxay ku jawaabeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu cadeeyey in dadku labo qaybood noqonayaan marka Roobku da'aayo: qayb Ilaahey rumaysan, iyo qayb Ilaahay ku kufrida. Qofka dhaha: fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa ayaa Roobku noogu da'ay, oo Roobka di'idiisa Ilaahay kor ahaaye u tiiriya, kaasi waa Mumin rumeeyey Ilaaha khaaliqa ah ee kownka maamula, kuna kufriyey xidiga. Qofka yiraahda: xidig hebel iyo hebel buu Roobku noogu da'ay, kaasi Ilaahay ayuu ku kurfiyey, wuxuuna rumeeyey xidiga, taasina waa gaalnimo yar, waayo wuxuu u tiiriyey di'ida roobka xidiga, taasna Ilaahay uma yeelin sabab sharci ah iyo mid qadar ah toona. Qofkiise Roobka di`idiisa iyo dhacdooyinka kale ee dhulka ka dhaca u tiiriya dhaq-dhaqaaqa xiddigaha iyo soo bixitaankooda iyo dhicitaankooda, isagoo rumaysan in xidiguhu yihiin kuwa xaqiiqo ahaan ficilka wada, taasi waa kufrigii kufrinimada u weynaa.
Faa’iidooyin
- Waxaa suno ah marka roobku da'o ka dib in la dhaho: fadliga Ilaahay iyo naxariisti ayaa roobku noogu da'ay.
- Qofka u tiiriya nicmada soo dajinta roobka iyo nicmada kaleba xidiga abuur ahaan iyo jiritaan ahaanba waa qof gaal nimada wayn gaaloobay, haduuse u tiiriyo in xidigu sabab u yahay wuxuu gaaloobay gaalnimada yar, waayo uma aha sabab sharci ah ama xisi ah midna.
- Nicmadu sabab ayey u noqotaa gaalnimada hadaad kufrido waxay kale oo ay sabab u noqotaa imaanka hadaad ku shukrido.
- Waa la reebay in la dhoho: xidig hebel ayaa Roobku noogu da'ay, haba looga jeedo xaga waqtigee, iyado laga hor tagaayo shirkiga.
- Waa waajib in qalbiga lagu xiro ilaahay markaad nafac doonayso ama aad iska celinayso dhibaato.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 169) (846)، صحيح مسلم (1/ 83) (71)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (2/ 484)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 260).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن جابرٍ رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «إِنَّ بَيْنَ الرَّجُلِ وَبَيْنَ الشِّرْكِ وَالْكُفْرِ تَرْكَ الصَّلَاةِ».
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in laga tago Salaada faralka ah, wuxuuna sheegay in ninku ku dhoco Sharki iyo Kufri ay ka xigto inuu Salaada ka tago, Salaadu waa tiirka labaad ee tiirarka Islaamka, maqaamkeeduna wuu ku weyn yahay Islaamka, Qofka iskaga taga isagoo inkirsan waajib ahaanteeda Muslimiintu way isku raacsan yihiin inuu Gaaloobay, Qofka uga taga Salaada wahsi iyo fudaydsi wuu Gaaloobay, inay Asaxaabtu sidaa isku raacday baana la soo wariyey, haduu waqtiyada qaarna tukanaayo qaarna iska daynaayo wuxuu khatar ugu jiraa goodigaas adag.
Faa’iidooyin
- Salaadu ahmiyad ayey leedahay in la ilaaliyaana waa muhiim, waxayna kala saaraysaa kufriga iyo iimaanku.
- Digniin adag ayaa ku soo aroortay ka tagida Salaada iyo dayaceeda.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 88) (82)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 271)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (2/ 622).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن بريدة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ الْعَهْدَ الَّذِي بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمُ الصَّلَاةُ، فَمَنْ تَرَكَهَا فَقَدْ كَفَرَ».
Burayda Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:e "Balanta u dhaxaysa inaga iyo iyaga waa Salaada, Qofkii ka tagaana wuu Gaaloobay".
waxaa wariyey tirmidi,nasaa.i,ibn maajah,AxmadDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in balanta iyo heshiiska u dhaxaysa Muslimiinta, Gaalada iyo Munaafiqiinta uu yahay Salaada, qofkii Salaada ka tagaana uu Gaaloobay.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxaa ku sugan weynida xaalka Salaada, waayo iyadaa kala saarta Muuminka iyo Gaalka.
- Axkaanta Islaamka Qofka waxaa loo qaban wixii ka muuqda xaalkiisa kore ee uurkiisa looma eegayo.
Tixraac
سنن النسائي (1/ 231) (463)، سنن الترمذي (4/ 365) (2621)، سنن ابن ماجه (2/ 181) (1079)، مسند أحمد (38/ 20) (22937)، فيض القدير (4/ 395)، ذخيرة العقبى في شرح المجتبى (6/ 192) (6/ 193).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com