U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka ka dab qaata wax cilmiga xidigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha ku darsado

عن ابن عباس رضي الله عنهما قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «من اقتبَسَ علْمًا مِنَ النُّجُومِ اقْتبَسَ شُعبَة مِن السِّحرِ، زادَ ما زادَ».
Ibnu Cabaas Allaha ka raali ahaado isagiyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka ka dab qaata wax cilmiga xidigaha ka mida wuxuu ka dab qaatay qayb sixirka ka mida, wuxuu doono ha ku darsado".
Waxaa wariyay Abuu Daa'uud Ibnu Maajah iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka wax ka barta ee ka qaata cilmiga xidigaha iyo abraajta dadka looga faaliyo kaasoo ay u daliishanayaan socodka xidigaha, soobixidooda iyo dhicidooda wax yaabaha dhulka ka dhacaya sida dhimashada qofka, noloshiisa, jiradiisa, iyo wixii la mid ah ee mustaqbalka dhici doona, qofkaasi wuxuu bartay qayb ka mid ah sixirka, mar walba oo uu sii bartana sixir buu sii badsanayaa.

Faa’iidooyin
  1. Waa xaaraan faalka xidigaha kaaso ah in wax laga sheego mustaqbalka iyado la cuskanaayo xaalka xidigaha, waayo wuxuu ka mid yahay sheegashada cilmiga qaybka.
  2. Faalka xidiguhu waa xaaraan wuxuuna ka mid yahay sixirka towxiidka ka hor imaanaya, taasoo ka duwan eegida xidigaha si loo ogaado jihooyinka ama qiblada iyo galida mawsimka iyo bilaha arinkaasi waa banaan yahay.
  3. Qofku markastuu sii barto cilmiga faalka xidigaha wuxuu sii badsanayaa barashada qayb sixirka ka mida.
  4. Xidiguhu saddex waxtar oo Ilaahay kitaabkiisa ku sheegay bay leeyihiin: waa quruxda samada, astaamo jihooyinka lagu garto iyo gantaalo shayaadiinta lagu gano.
Tixraac

سنن أبي داود (6/ 50) (3905). سنن ابن ماجه (4/ 670) (3726). مسند أحمد (3/ 454) (2000). الجديد في شرح كتاب التوحيد، للقرعاوي (ص230). الملخص في شرح كتاب التوحيد، للفوزان (ص206).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Waxa buriya Islaamka

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com