U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Masalooyin Jaahili ah

4 xadiis

dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ غَدَاةَ الْعَقَبَةِ وَهُوَ عَلَى نَاقَتِهِ: «الْقُطْ لِي حَصًى» فَلَقَطْتُ لَهُ سَبْعَ حَصَيَاتٍ، هُنَّ حَصَى الْخَذْفِ، فَجَعَلَ يَنْفُضُهُنَّ فِي كَفِّهِ وَيَقُولُ: «أَمْثَالَ هَؤُلَاءِ فَارْمُوا» ثُمَّ قَالَ: «أَيُّهَا النَّاسُ، إِيَّاكُمْ وَالْغُلُوَّ فِي الدِّينِ، فَإِنَّما أَهْلَكَ مَنْ كَانَ قَبْلَكُمْ الْغُلُوُّ فِي الدِّينِ».
Cabdullaahi Ibnu Cabaas -Allaha ka raali noqdee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-: wuxuu yiri: subaxdii jamratul-caqaba latuurayey, isagoo hashiisii saaran: "dhagax ii soo gur" waxaan u soo guray todoba dhagax oo yar-yar, oo kuwa far garanka ah, wuxuu bilaabay inuu gacantiisa ku ruxo oo dhaho: "kuwan oo kale uun tuura" ka dib wuxuu dhahay: "dadoow, waxaan idiinka digayaa inaad diinta ku xad gudubtaan, dadkii idinka horeeyeyba waxay ku halaagsameen diinta oo ay ku xad gudbeen."
Waxaa wariyay Ibnu Maajah, An-nasaa'i iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Cabdullahi Binu Cabbaas-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu sheegay inuu Nabiga scw la joogay maalintii xoolaha la qalayey ee ciida, ee lana tuurayey dhagaxa jamratul-caqaba, xajkii Al-wadaac ee ugu dambeeyey Suubanaha-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. Nabigu wuxuu amray isaga inuu u soo qaado toddoba dhagax oo yar-yar, oo mirkiisu uu le.eg yahay Digirta wayn, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inta gacantiisa ku shubay ayuu yiri: Dhagxaan kuwaan oo kale le`eg uun tuura, Intaa ka dib wuxuu ka digay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-in lagu xad gudbo diinta oo la isku adkeeyo oo xadkeeda la dhaafo, waayo ummadihii hore waxaa halaagay ku xad gudubka diinta iyo iyadoo la isku adkeeyo.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la reebay in diinta lagu xad gudbo, oo la cadeeyo cirib xumada ka dhalan karta, ayna sabab u noqon karto Halaaq.
  2. Waa in lagu cibro qaato ummadihii naga horeeyey oo aan ka fogaano qaladkii ay ku dhaceen.
  3. waxaa la isku boorinayaa in sunaha lagu daydo.
Tixraac

سنن النسائي (5/ 268)(3057). سنن ابن ماجه (4/ 228) (3029). مسند أحمد (5/ 298) (3248). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص165). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص179).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لاَ عَدْوَى وَلاَ طِيَرَةَ، وَلاَ هَامَةَ وَلاَ صَفَرَ، وَفِرَّ مِنَ المَجْذُومِ كَمَا تَفِرُّ مِنَ الأَسَدِ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Majiro cudur iskii u kala gudba, majirto in la baasaysto shimbiraha ama guumeysta iyo in la baasaysto bisha safar, ugana carar qofka qaba juudaanka sidaad uga cararto libaaxa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu cadeeyey falalkii jaahiliyada qaar ka mid ah isagoo ka digaya, wuxuu kaloo cadeeyey in wax walba gacanta Ilaahay ku jiraan, oo wax walba Ilaahay amarkiisa iyo qadarkiisa ku ahaanayaan, waana: Mida 1aad: waxay aamin sanaayeen inuu cudurku iskii u gudbo, Rasuulku-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuu ka reebay dadku inay rumeeyaan in jiradu qofka jiran iskeed uga gudubto oo qof kale aado, balse Ilaahay ayaa maamula aduunkaan, isaga ayaana soo dajiya cudurka isaga ayaana qaada, arinkaasi ma dhici karo inuu Ilaahay iraadadiisa iyo amarkiisa ku ahaado mooyee. mida 2aad: dadkii jaahiligu waxay ahaayeen hadii ay safar ama ganacsi u baxayaan, waxay duulin jireen shimbir, haduu midigta u duulo way bishaaraysan jireen, haduuse xaga bidix u duulo way baasaysan jireen oo ka laaban jireen, Nabigu scw wuu ka reebay baasaysigaa shimbiraha, wuxuuna u cadeeyey inay caqiido baadila tahay. Mida 3aad: dadkii jaahiligu waxay oran jireen: hadii shimbirka guumaystu soo fuusho guri musiibo ayaa ku dhacaysa reerka guriga leh, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuu ka reebay baaseysigaas. Mida 4aad: Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu reebay in la baasaysto bisha Safar, waana bisha labaad ee bilaha qamariga ah, waxaa kaloo la yiri: safar waa abeeso gasha caloosha, oo ku dhacda xoolaha iyo dadkaba, waxay sheegi jireen inay ka faafi og tahay cudurka cadhada, Nabiguna-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuu ka reebay caqiidadaas. Mida 5aad: Nabigu scw wuxu amray in laga fogaado qofka qaba cudurka Juudaanka sida looga fogaado libaaxa, taasina waa in nafta loo dadaalo oo la dalbo bad qabkeeda oo la sameeyo ficilka Ilaahay amray, juudaanku waa cudur xubnaha dadku ay is cunaan.

Faa’iidooyin
  1. waa waajib in Ilaahay la talo saarato iyo in isaga la cuskado, oo la sameeyo asbaabta sharciga ah.
  2. Waa waajib in la rumeeyo Ilaahay qadahiisa iyo qadarkiisa, iyo in asbaabtu Ilaahay gacantiisa ku jirto oo isagu socodsiiyo ama u diida inay saamayn yeelato.
  3. waa in la buriyo waxay samaynayaan dadka qaarki oo ah inay baasaystaan midabada, sida madowga iyo gaduudka ama lambarada, magacyada, dadka qaarki iyo dadka naafada ah.
  4. Reebida la reebay in loo dhawaado qofka qaba cudurka juudaanka, waxaa la mida dadka qaba cudurada faafa: taasina waxay ka mid tahay asbaabta Ilaahay ku socodsiiyo inay si caadi ah uga timaado asbaabteeda: oo asbaabtu iskeed uma madax banaana, balse Ilaahay haduu doono wuu ka qaadayaa awoodeeda oo wax saamayn ah ma yeelanayno, haduu doonana waa daynayaa oo saamayn ayey yeelanaysaa.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 126) (5707). صحيح مسلم (4/ 1742) (2220). فتح المجيد شرح كتاب التوحيد، لعبد الرحمن التميمي (ص307). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 565). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص228). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص253). التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص77).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro

عن عمران بن حصين رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «‌لَيْسَ ‌مِنَّا ‌مَنْ ‌تَطَيَّرَ أَوْ تُطُيِّرَ لَهُ، أَوْ تَكَهَّنَ أَوْ تُكُهِّنَ لَهُ، أَوْ سَحَرَ أَوْ سُحِرَ لَهُ، وَمَنْ عَقَدَ عُقْدَةً، وَمَنْ أَتَى كَاهِنًا فَصَدَّقَهُ بِمَا يَقُولُ فَقَدْ كَفَرَ بِمَا أُنْزِلَ عَلَى مُحَمَّدٍ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ».
Cimraan Binu Xuseyn Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Naga mid maaha qofka shimbiraha ka faaliya ama shimbiraha looga faaliyo, ama faalalow ah ama loo faaliyo, ama saaxir ah, ama loo sixro, iyo kan guntimaha sixira gunta, iyo kan u taga faaliye ee rumaysta wuxuu sheego, waanu ku gaaloobay diinta Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee lagu soo dajiyey."
Waxaa wariyay AlbazaarDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u goodiyey qofkii ummaddiisa ah ee sameeya ficilada qaarkood oo uu ku cadeeyey hadalkiisii uu yiri: "naga mid maaha" waxaana ka mida: Tan 1aad: waa qofka shimbiraha ka faaliya ama shibiraha looga faaliyo asalkeeduna waa: shimbiraha oo la duuliyo marka camal la bilaabayo sida safar, ganacsi iyo wixii la mid ah, haduu u duulo xaga midig wuu bishaaraysan wuuna ku dhaqaaqin camalkii uu rabey, haduuse u duulo xaga bidix wuu baasaysan waanu ka joogin wixii uu rabey, uma banaana inuu isagu waxaa sameeyo ama uu cid kale u dirsado, waxaa soo gelaya baasaysigaa wax kasta oo maqal ah ama muuqaal ah, sida shibmiraha, xayawaanka, dadka naafada ah, lambarada, maalmaha, iyo wixii lamid ah. Tan labaad: "waa qofka faaliya ama loo faaliyo" waa kan sheegta inuu qaybka wax ka og yahay isagoo adeegsanaya xidigaha iyo wixii la mid ah, ama cidkale u taga sida wax sheega iyo wax la mida oo rumeysta wuxuu sheegay isago sheeganaya inuu yahay cilmi qaybka, kaasi wuu ku gaaloobay waxa Ilaahay ku soo dajiyey Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee . Tan saddexaad:(waa qofka saaxirka ah ama isaga loo sixro) waa kan isagu sixirka sameeya, ama qof kale u dirsada inuu sixir u sameeyo, si uu cid wax u taro ama u dhibaateeyo, ama kan guntimo xarig ku xira kuna sixira wax uu ku akhriyo oo ah wax la magan galo oo xaaraan ah ku tufa.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajiba in Ilaahay la tawakalo oo la rumeeyo qadarka iyo Qadaha Ilahay, waana xaaraan in laga faashado shimbiraha iyo in wax la baasaysto, ama la sixro ama wax sheege la aado, ama dadka waxaa ka shaqeeya wax la waydiisto.
  2. Cilmi qaybka in la sheegto shirkiga ayey ka mida tahay wuuna diidayaa towxiidka.
  3. Waa xaaraan in la rumaysto qofka wax sheega iyo in lootago, taas waxaa la raaciyaa akhrinta waxa lagu magacaabo Calaacasha, Koobka, iyo fiirintiisa hadii xataa ay thay iska daawasho uun.
Tixraac

مسند البزار = البحر الزخار (9/ 52) (3578). شرح السنة للبغوي (12/ 182). مجموع الفتاوى (35/ 173). القول المفيد على كتاب التوحيد، لابن عثيمين (1/ 543). التمهيد لشرح كتاب التوحيد، لصالح آل الشيخ (ص315). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص242). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص217).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood

عن عائشة رضي الله عنها قالت: سَأَلَ أُنَاسٌ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنِ الْكُهَّانِ، فَقَالَ لَهُمْ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَيْسُوا بِشَيْءٍ» قَالُوا: يَا رَسُولَ اللهِ، فَإِنَّهُمْ يُحَدِّثُونَ أَحْيَانًا بِالشَّيْءِ يَكُونُ حَقًّا، فَقَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «تِلْكَ الْكَلِمَةُ مِنَ الْحَقِّ يَخْطَفُهَا الْجِنِّيُّ فَيَقُرُّهَا فِي أُذُنِ وَلِيِّهِ قَرَّ الدَّجَاجَةِ، فَيَخْلِطُونَ فِيهَا أَكْثَرَ مِنْ مِائَةِ كَذْبَةٍ».
Caa'isha Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inay tiri: Dad ayaa waydiiyey Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee faalalowga, wuxuu ugu jawaabey: (waxba maaha kuwaasi) waxay dheheen: Rasuul alloow, waxbay sheegaan waqtiyada qaar wuuna rumoobaa, wuxuu dhahay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee: " taasu waa eray xaqa ah oo jinku soo dafay wuxuuna ku cel-celiyaa dhagta kan la shaqeeya sida dhawaqa digaagu ugu cel-celiyo, waxayna ku daraan in ka badan boqol beenood".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigaa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee la waydiiyey kuwa qaybka soo socda wax ka sheega, wuxuuna ku jawaabey: dan ha u galina kuwaa, hadalkoodana ha qaadanina, warkoodana ahmiyad ha siinina. Waxay dheheen: hadalkoodu waqtiyada qaar runtuu waafaqaa oo waxbaa laga arkaa, sida hadday sheegaan arin qayb ah inuu dhacayo bisha heblaayo maalin hebel, siday u sheegeen buu u dhacaa waqtiyada qaar. Wuxuu dhahay Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee jinka ayaa soo dafa waxa uu ka maqlo warka samada, waxayna u sheegaan madaxdooda faalalowga ah wixii ay maqleen, faaliya-yaashuna waxay kusii darayaan warkaa samada laga soo maqlay boqol beenood.

Faa’iidooyin
  1. Waa la reebay in la rumaysto faalalowyada, waxay sheegaana waa been la dhoo dhoobay, runba ha sheegeen mararka qaarkoode.
  2. Samada waxaa laga ilaaliyey shayaadiinta soo diritaankii Nabi Maxammad nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib inay soo dhagaystaan wax waxyiga ka mida iyo qayrkiba mid wuxuu maqlay soo xaday maahee oo ka nabad galay shihaabka lagu tuuro.
  3. Jinigu wuxuu leeyahay kuwo u Madax ah oo insi ah.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 47) (6213). صحيح مسلم (4/ 1750) (2228). نزهة المتقين (2/ 1143). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (17/ 557). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (3/ 177). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (7/ 2904). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 404).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com