Cabdullahi Binu Cabbaas-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu sheegay inuu Nabiga scw la joogay maalintii xoolaha la qalayey ee ciida, ee lana tuurayey dhagaxa jamratul-caqaba, xajkii Al-wadaac ee ugu dambeeyey Suubanaha-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-. Nabigu wuxuu amray isaga inuu u soo qaado toddoba dhagax oo yar-yar, oo mirkiisu uu le.eg yahay Digirta wayn, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inta gacantiisa ku shubay ayuu yiri: Dhagxaan kuwaan oo kale le`eg uun tuura, Intaa ka dib wuxuu ka digay Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-in lagu xad gudbo diinta oo la isku adkeeyo oo xadkeeda la dhaafo, waayo ummadihii hore waxaa halaagay ku xad gudubka diinta iyo iyadoo la isku adkeeyo.
- Waxaa la reebay in diinta lagu xad gudbo, oo la cadeeyo cirib xumada ka dhalan karta, ayna sabab u noqon karto Halaaq.
- Waa in lagu cibro qaato ummadihii naga horeeyey oo aan ka fogaano qaladkii ay ku dhaceen.
- waxaa la isku boorinayaa in sunaha lagu daydo.
سنن النسائي (5/ 268)(3057). سنن ابن ماجه (4/ 228) (3029). مسند أحمد (5/ 298) (3248). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص165). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص179).