عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «بَادِرُوا بِالْأَعْمَالِ فِتَنًا كَقِطَعِ اللَّيْلِ الْمُظْلِمِ، يُصْبِحُ الرَّجُلُ مُؤْمِنًا وَيُمْسِي كَافِرًا، أَوْ يُمْسِي مُؤْمِنًا وَيُصْبِحُ كَافِرًا، يَبِيعُ دِينَهُ بِعَرَضٍ مِنَ الدُّنْيَا».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah, oo ninku Waabariisanaayo isagoo Muumin ah oo Galabaysanaayo isagoo Gaal ah ama uu Galabaysanaayo isagoo Muumin ah oo uu Waabariisanaayo isagoo Gaal ah, oo uu Diintiisa ku iibsanaayo xoogaa Aduunyo ah.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku boorinayaa Qofka Muuminka ah inuu u deg-degooo uu badsado camalka saalixa ah, inta aan la waayin ama aan lagu mashquulin, fitnooyin iyo shubuhaat imaandoona oo u diidaya oo ka hor istaagaya camalka saalixa ah, fitnooyinkaasi waxay la mid yihiin qayb Habeen Mugdi ah, oo ay isku darsamayaan xaqa iyo baadilku, oo dadka ay ku adkaanayso inay kala saaraan, oo sida ay u daran tahay ay dadku isku dhex yaacayaan, ilaa Qofku uu Waabariisto isagoo Muumin ah, oo Galabaysto isagoo Gaal ah, oo uu galabaysto isagoo Muumina oo uu Waabariisto isagoo Gaala, oo Diintiisa uga tago xoolo Aduunyo oo dhamaanaya.
Faa’iidooyin
- Waa waajib in Diinta la qabsado, oo loo degdego camalka saalixa ah inta aanay imaan wax dadka u diida camalka saalixa ah.
- Waxaa la ishaaray in fitnooyinka lagu baadiyoobo ay isdaba joogaan Aakhiru Samaanka, oo markii fitno tagtaba waxaa daba socota fitno kale.
- Hadii Diinta Qofku daciifto oo uu dhaafsado Diintiisa wax yaroo Maal Aduunyo ah ama wax kale ah, taasi waxay sabab u noqonaysaa inuu ka leexado oo isaga tago Diinta oo uu iska dabagalo fitnooyinka.
- Xadiiskaani wuxuu daliil u yahay inuu camalka saalixa ahi sabab u yahay in fitnada laga bad-baado.
- Fitnadu waa labo qaybood: fitno shubho ah, dawadeeduna waa Cilmi, iyo fitno shahwo ah, dawadeeduna waa iimaan iyo sabir.
- Xadiiskan waxaa lagu ishaaray in qofka cibaadadiisu yaraato fitnadu ku soo degdegayso, Qofka cibaadadiisu badan tahayna waxaa haboon inuusan ku kadsoomin khayrka uu haysto balse waa inuu khayrka badsadaa.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 110) (118).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 169).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 16).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 122).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنِ الْبَرَاءِ رضي الله عنه: عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ أَنَّهُ قَالَ فِي الْأَنْصَارِ: «لَا يُحِبُّهُمْ إِلَّا مُؤْمِنٌ، وَلَا يُبْغِضُهُمْ إِلَّا مُنَافِقٌ، مَنْ أَحَبَّهُمْ أَحَبَّهُ اللهُ وَمَنْ أَبْغَضَهُمْ أَبْغَضَهُ اللهُ».
Bara`a -Allaha ka raali ahaadee-: Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- wuxuu xaalka ansaar ka yiri: "mu`umin uun baa jeclaada, munaafaq uun baana u carooda, cida jeclaata Ilaahay ayaa jeclaada, cida u carootana Ilaahay ayaa u carooda."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadkii reer madiina ansaarta ay jeclaayeen waa astaan tusaysa iimaan kaamila, waana iyagoo ku hor maray inay u hiiliyaan Islaamka iyo Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-,iyo dadaalkii ay u galeen soo dhawayntii iyo dib u dejintii muslimiinta, iyo inay u hureen maalkooda iyo naftoodaba jidka Ilaahay, in loo caroodana waa astaanta nifaaqa. Ka dib wuxuu cadeeyey Nabigu naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee cida ansaar jeclaata in Ilaahay jeclaanayo, cida u carootana Ilaahay u caroonayo.
Faa’iidooyin
- xadiiska waxaa ku sugan amaan wayn oo ansaar ay leedahay, jacaylkoodu wuxuu calaamad u yahay iimaanka, iyo in bari laga noqdo nifaaqa.
- Awliyada Ilaahay oo la jeclaado oo loo hiiliyo waxay sabab u tahay in Ilaahay adoonka jeclaado
- xadiiska waxaa ku cad fadliga wayn ee ay leeyihiin mu`muminiintii Islaamka ku soo hormary.
Tixraac
صحيح البخاري (5/ 32) (3783).
صحيح مسلم (1/ 85) (75).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 447).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص257).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (6/ 258).
شرح النووي على مسلم (2/ 63).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 350).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن جابر رضي الله عنه: أَنَّ رَجُلًا سَأَلَ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَقَالَ: أَرَأَيْتَ إِذَا صَلَّيْتُ الصَّلَوَاتِ الْمَكْتُوبَاتِ، وَصُمْتُ رَمَضَانَ، وَأَحْلَلْتُ الْحَلَالَ، وَحَرَّمْتُ الْحَرَامَ، وَلَمْ أَزِدْ عَلَى ذَلِكَ شَيْئًا، أَأَدْخُلُ الْجَنَّةَ؟ قَالَ: «نَعَمْ»، قَالَ: وَاللهِ لَا أَزِيدُ عَلَى ذَلِكَ شَيْئًا.
Jaabir waxaa laga wariyey Allaha ka raali ahaadee-: Nin ayaa weydiiyey Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee oo wuxuu yiri: iiga waran hadaan tukado Salaadaha waajibka ah, oo ramadaanka soomo, oo xalaashado xalaasha, oo xaaraanta iska xarimo, waxna intaa ku darin, Janada magalayaa wuxuu ku yiri: haa ninkii wuxuu yiri: Ilaahay ayaan ku dhaartaye waxba intaa ku darimaayo.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeyey qofka tukada salaadaha waajib ka ah ee shanta ah, oo wax suna ah aan ku darin, ramadaankana sooma oo wax suna ah aan ku darin, oo rumeeya xalaasha oo xalaashada, oo rumeeya xaaraanta oo iska ka fogaada, wuxuu galaya janada.
Faa’iidooyin
- qofka muslimka ah waa inuu ku dadaalo gudashada waajibaadka kana tago xaaraanta, oo u jeedadiisu haato galida janada.
- Muhimad ayey leedahay xalaasha oo la sameeyo oo la rumeeyo inay xalaal tahay, iyo xaaraaanta oo la iska xarimo lana rumeeyo inay xaaraan tahay.
- Waajibaadka oo la guto iyo xumaha oo laga tago waxay sabab u tahay in janada la galo.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 44) (15).
جامع العلوم والحكم (1/513). شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 215).
فتح القوي المتين في شرح الأربعين للعباد (ص 77).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن أبي مالكٍ الأشعريِّ رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «الطُّهُورُ شَطْرُ الْإِيمَانِ، وَالْحَمْدُ لِلهِ تَمْلَأُ الْمِيزَانَ، وَسُبْحَانَ اللهِ وَالْحَمْدُ لِلهِ تَمْلَآنِ -أَوْ تَمْلَأُ- مَا بَيْنَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ، وَالصَّلَاةُ نُورٌ، وَالصَّدَقَةُ بُرْهَانٌ، وَالصَّبْرُ ضِيَاءٌ، وَالْقُرْآنُ حُجَّةٌ لَكَ أَوْ عَلَيْكَ، كُلُّ النَّاسِ يَغْدُو، فَبَايِعٌ نَفْسَهُ فَمُعْتِقُهَا أَوْ مُوبِقُهَا».
Abii Maalik Alashcari Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Daahirnimadu waa Iimaanka barki, Alxamdu lillahina miisaanka ayey buuxisaa, ama Subxaana Allaah iyo Alxamdulilah waxay buuxiyaan inta u dhaxaysa Samooyinka iyo Dhulka, Salaaduna waa nuur, Sadaqaduna Qofka xujo ayey u tahay, sabirkuna waa iftiin, Quraankuna xujo ayuu kuu noqdaa ama xujo ayuu kugu noqdaa dadka oo dhan way kalahaan, Qof walbana wuxuu samaynaayo ayuu Naftiisa ku iibsaday markaasaa dadku waxay noqonayaan mid Naftiisa xoreeya ama halaaga".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in dahaarada muuqataa ay tahay weysada iyo qubayska waxayna shardi u tahay Salaada. Erayga Alxamdu lilaahi waxay buuxisaa miisaanka waana amaanta Ilaahay isagaa nusqaan ka hufane, iyo in lagu sifeeyo sifaadka kaamilka ah, Maalinta Qiyaame waa la miisaamin waxayna buuxin miisaanka camalka. Erayga subxaana Allaah iyo Alxamdu lillaah waa Ilaahay oo laga hufo wax kastoo naaqus ah, iyo in ilaahay lagu sifeeyo kaamilnimo oo dhan, taasoo u qalanta ilaahay waynankiisa, Isagoo la jecel yahay lana weyneynayo, taasi waxay buuxisaa inta u dhaxaysa samooyinka iyo dhulka. Salaadu nuur ayey u tahay Adoonka Qalbigiisa, Wejigiisa, Qabrigiisa, iyo markuu Maxsharka imaanayo. Sadaqadu waxay Muminka u tahay xujo waxayna daliil u tahay Iimaankiisu run yahay kana duwan yahay munaafiqa aan rumaysnayn ajarka loo balan qaaday. Sabirku waa iftiin, waana Naftoo laga xabiso argagaxa iyo carada, waana nuur uu la socdo kulayal iyo gubasho sida iftiika Qoraxdoo kale, waayo sabirku waa dhib u baahan la dagaalanka Nafta iyo in loo diido waxay rabto, Qofka sabrayaa wuxuu ahaanayaa mid sabirka iftiinsada oo ku hanuuna oo si sax ah u toosnaada, sabirku waa in lagu sabro daadcada Ilahay, macsida oo laga sabro, musiibda oo lagu sabro iyo noocyada dhibaatooyinka Aduunka oo loo adkaysto. Qur'aanku akhriskiisa iyo ku camal falkiisa ayuu xujo kuugu noqon, hadii aad akhrin waydo ama ku camal fali waydona xujo ayuu kugu noqon. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ka dib wuxuu sheegay in dadka oo dhan soconayaan oo faafiyaan oo hurdadooda ka toosayaan oo Guryahooda uga soo baxayaan shaqooyin kooda kala duwan. dadka waxaa ka mid ah Qof ku toosan daacada Ilaahay oo Naftiisa Naarta ka xoreynaya, waxaa kaloo ka mida mid xaqa ka leexaday oo macaasida ku dhacaya oo Naftiisa Naar ku halaagaya.
Faa’iidooyin
- Dahaaradu waa labo dahaaro: dahaarada muuqata waa weysada iyo qubeyska, dahaarada qarsoona waa towxiidka, Iimaanka iyo camalka saalixa ah.
- Muhimad ayey leedahay ilaalinta Salaadu, Adoonka Salaadu waxay u tahay nuur Aduunka iyo Maalinta Qiyaameba.
- Sadaqaduna waxay daliil u tahay in Iimaanku run yahay.
- Muhimad ayey leedahay ku camal falka qur'aanka iyo rumayntiisu si uu kuugu noqdo xujo, oo aanu kugu noqon xujo.
- Nafta hadaanad ku mashquulin daacada Ilaahay macsi ayey kugu mashquulin.
- Qof waliba waa hubaal inuu shaqeynaayo, Qofku daacada Ilaahay ayuu Naftiisa ku xorayn, ama macsi ayuu Naftiisa ku halaagin.
- Sabirku wuxuu u baahan yahay adkaysin iyo ajar raadin wuxuuna leeyahay mashaqo.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 203) (223)، شرح الأربعين لابن دقيق العيد (ص 84)، شرح الأربعين النووية للعثيمين (ص: 231)، الرياض الزكية شرح الأربعين النووية للخضير (ص 293)، فتح القوي المتين في شرح الأربعين للعباد (ص 79)
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ زَيْدِ بْنِ خَالِدٍ الجُهَنِيِّ رضي الله عنه أَنَّهُ قَالَ: صَلَّى لَنَا رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَاةَ الصُّبْحِ بِالْحُدَيْبِيَةِ عَلَى إِثْرِ سَمَاءٍ كَانَتْ مِنَ اللَّيْلَةِ، فَلَمَّا انْصَرَفَ أَقْبَلَ عَلَى النَّاسِ، فَقَالَ: «هَلْ تَدْرُونَ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ؟» قَالُوا: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «أَصْبَحَ مِنْ عِبَادِي مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ، فَأَمَّا مَنْ قَالَ: مُطِرْنَا بِفَضْلِ اللهِ وَرَحْمَتِهِ، فَذَلِكَ مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ بِالْكَوْكَبِ، وَأَمَّا مَنْ قَالَ: بِنَوْءِ كَذَا وَكَذَا، فَذَلِكَ كَافِرٌ بِي وَمُؤْمِنٌ بِالْكَوْكَبِ».
Sayd Binu Khaalid Aljuhani Ilaahay ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nagu tujiyey Salaadii Subaxa Xudeybiya iyado Rabeenkaas roob da'ay markuu Salaadii ka baxay ayuu dadka ku soo jeestey, wuxuuna yiri: "ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: Adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey, Qofkii yiraahda:Ilaahay fadligiisa iyo raxmadiisa ayaa roobku noogu da'ay, waa mid I rumeeyey kuna kufriyey xidiga, Qofkase yiraahda xidig hebel iyo hebel, kaasi wuu igu kufriyey wuxuuna rumeeyey xidiga".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaada Subax ayuu ku tukaday xudeybiya -waa tuulo u dhow Makkah- Roob Habeenimadii da`ay ka dib. Markuu salaama naqsaday Salaadiina ka baxay ayuu wajigiisa u soo jeediyey xaga dadka, wuxuuna yiri: ma og tihiin waxa Rabigiin casa wajala yiri? Waxay ku jawaabeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu cadeeyey in dadku labo qaybood noqonayaan marka Roobku da'aayo: qayb Ilaahey rumaysan, iyo qayb Ilaahay ku kufrida. Qofka dhaha: fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa ayaa Roobku noogu da'ay, oo Roobka di'idiisa Ilaahay kor ahaaye u tiiriya, kaasi waa Mumin rumeeyey Ilaaha khaaliqa ah ee kownka maamula, kuna kufriyey xidiga. Qofka yiraahda: xidig hebel iyo hebel buu Roobku noogu da'ay, kaasi Ilaahay ayuu ku kurfiyey, wuxuuna rumeeyey xidiga, taasina waa gaalnimo yar, waayo wuxuu u tiiriyey di'ida roobka xidiga, taasna Ilaahay uma yeelin sabab sharci ah iyo mid qadar ah toona. Qofkiise Roobka di`idiisa iyo dhacdooyinka kale ee dhulka ka dhaca u tiiriya dhaq-dhaqaaqa xiddigaha iyo soo bixitaankooda iyo dhicitaankooda, isagoo rumaysan in xidiguhu yihiin kuwa xaqiiqo ahaan ficilka wada, taasi waa kufrigii kufrinimada u weynaa.
Faa’iidooyin
- Waxaa suno ah marka roobku da'o ka dib in la dhaho: fadliga Ilaahay iyo naxariisti ayaa roobku noogu da'ay.
- Qofka u tiiriya nicmada soo dajinta roobka iyo nicmada kaleba xidiga abuur ahaan iyo jiritaan ahaanba waa qof gaal nimada wayn gaaloobay, haduuse u tiiriyo in xidigu sabab u yahay wuxuu gaaloobay gaalnimada yar, waayo uma aha sabab sharci ah ama xisi ah midna.
- Nicmadu sabab ayey u noqotaa gaalnimada hadaad kufrido waxay kale oo ay sabab u noqotaa imaanka hadaad ku shukrido.
- Waa la reebay in la dhoho: xidig hebel ayaa Roobku noogu da'ay, haba looga jeedo xaga waqtigee, iyado laga hor tagaayo shirkiga.
- Waa waajib in qalbiga lagu xiro ilaahay markaad nafac doonayso ama aad iska celinayso dhibaato.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 169) (846)، صحيح مسلم (1/ 83) (71)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (2/ 484)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 260).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَسْمَاءَ بِنْتِ أَبِي بَكْرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَتْ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنِّي عَلَى الحَوْضِ حَتَّى أَنْظُرَ مَنْ يَرِدُ عَلَيَّ مِنْكُمْ، وَسَيُؤْخَذُ نَاسٌ دُونِي، فَأَقُولُ: يَا رَبِّ مِنِّي وَمِنْ أُمَّتِي، فَيُقَالُ: هَلْ شَعَرْتَ مَا عَمِلُوا بَعْدَكَ، وَاللَّهِ مَا بَرِحُوا يَرْجِعُونَ عَلَى أَعْقَابِهِمْ».
Asma Bintu Abii bakar Allaha ka raali ahaado iyada iyo Aabeheede waxaa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin, waxaa la igu oran: ma og tahay waxay sameeyeen gadaashaa, walaahi kama ay raagin inay dib ugu noqdeen gadaashooda oo Diintii ka tageen.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Maalinta Qiyaamaha uu joogidoono Xawdkiisa isagoo eegaya cida Ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa Xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo Ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan Diintoodii, kaa mid maaha, Ummaddaadana ka mid maaha.
Faa’iidooyin
- Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u naxariistay Ummaddiisa oo u dadaalay.
- khatar ayey leedahay in la khilaafo Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
- Xadiiska waxaa ku sugun in la isku boorinayaa in la qabsado Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 121) (6593)، صحيح مسلم (4/ 1793) (2292)، عمدة القاري (23/144)، البحر المحيط الثجاج (37/322).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com