U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «بَادِرُوا بِالْأَعْمَالِ فِتَنًا كَقِطَعِ اللَّيْلِ الْمُظْلِمِ، يُصْبِحُ الرَّجُلُ مُؤْمِنًا وَيُمْسِي كَافِرًا، أَوْ يُمْسِي مُؤْمِنًا وَيُصْبِحُ كَافِرًا، يَبِيعُ دِينَهُ بِعَرَضٍ مِنَ الدُّنْيَا».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "U deg-dega camalka saalixa ah inta aanay idinku imaan fitnooyinka la moodo qayb Habeen ah oo Mugdi ah, oo ninku Waabariisanaayo isagoo Muumin ah oo Galabaysanaayo isagoo Gaal ah ama uu Galabaysanaayo isagoo Muumin ah oo uu Waabariisanaayo isagoo Gaal ah, oo uu Diintiisa ku iibsanaayo xoogaa Aduunyo ah.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku boorinayaa Qofka Muuminka ah inuu u deg-degooo uu badsado camalka saalixa ah, inta aan la waayin ama aan lagu mashquulin, fitnooyin iyo shubuhaat imaandoona oo u diidaya oo ka hor istaagaya camalka saalixa ah, fitnooyinkaasi waxay la mid yihiin qayb Habeen Mugdi ah, oo ay isku darsamayaan xaqa iyo baadilku, oo dadka ay ku adkaanayso inay kala saaraan, oo sida ay u daran tahay ay dadku isku dhex yaacayaan, ilaa Qofku uu Waabariisto isagoo Muumin ah, oo Galabaysto isagoo Gaal ah, oo uu galabaysto isagoo Muumina oo uu Waabariisto isagoo Gaala, oo Diintiisa uga tago xoolo Aduunyo oo dhamaanaya.

Faa’iidooyin
  1. Waa waajib in Diinta la qabsado, oo loo degdego camalka saalixa ah inta aanay imaan wax dadka u diida camalka saalixa ah.
  2. Waxaa la ishaaray in fitnooyinka lagu baadiyoobo ay isdaba joogaan Aakhiru Samaanka, oo markii fitno tagtaba waxaa daba socota fitno kale.
  3. Hadii Diinta Qofku daciifto oo uu dhaafsado Diintiisa wax yaroo Maal Aduunyo ah ama wax kale ah, taasi waxay sabab u noqonaysaa inuu ka leexado oo isaga tago Diinta oo uu iska dabagalo fitnooyinka.
  4. Xadiiskaani wuxuu daliil u yahay inuu camalka saalixa ahi sabab u yahay in fitnada laga bad-baado.
  5. Fitnadu waa labo qaybood: fitno shubho ah, dawadeeduna waa Cilmi, iyo fitno shahwo ah, dawadeeduna waa iimaan iyo sabir.
  6. Xadiiskan waxaa lagu ishaaray in qofka cibaadadiisu yaraato fitnadu ku soo degdegayso, Qofka cibaadadiisu badan tahayna waxaa haboon inuusan ku kadsoomin khayrka uu haysto balse waa inuu khayrka badsadaa.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 110) (118). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 169). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 16). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 122).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Iimaanka qaybihiisa

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com