U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin

عَنْ أَسْمَاءَ بِنْتِ أَبِي بَكْرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَتْ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنِّي عَلَى الحَوْضِ حَتَّى أَنْظُرَ مَنْ يَرِدُ عَلَيَّ مِنْكُمْ، وَسَيُؤْخَذُ نَاسٌ دُونِي، فَأَقُولُ: يَا رَبِّ مِنِّي وَمِنْ أُمَّتِي، فَيُقَالُ: هَلْ شَعَرْتَ مَا عَمِلُوا بَعْدَكَ، وَاللَّهِ مَا بَرِحُوا يَرْجِعُونَ عَلَى أَعْقَابِهِمْ».
Asma Bintu Abii bakar Allaha ka raali ahaado iyada iyo Aabeheede waxaa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin, waxaa la igu oran: ma og tahay waxay sameeyeen gadaashaa, walaahi kama ay raagin inay dib ugu noqdeen gadaashooda oo Diintii ka tageen.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Maalinta Qiyaamaha uu joogidoono Xawdkiisa isagoo eegaya cida Ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa Xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo Ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan Diintoodii, kaa mid maaha, Ummaddaadana ka mid maaha.

Faa’iidooyin
  1. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u naxariistay Ummaddiisa oo u dadaalay.
  2. khatar ayey leedahay in la khilaafo Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  3. Xadiiska waxaa ku sugun in la isku boorinayaa in la qabsado Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 121) (6593)، صحيح مسلم (4/ 1793) (2292)، عمدة القاري (23/144)، البحر المحيط الثجاج (37/322).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Maalinta Qiyaame oo la rumeeyo

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com