Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Maalinta Qiyaame leeyahay Xawd, dhererkiisu dhan yahay in loo socdo Bil, balaciisuna intaasoo kale. Biyihiisuna ka cadaan badan yihiin Canaha. Caraftiisuna ka udgoon kana caraf badan Carafta Miskiga. Weelashiisuna waa sida Xidigaha Cirka oo kale badnaantooda. Qofka kaga caba weelashaas Xowdka waligii ma haraadayo.
- Xowdka Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa biyo qabad aad u wayn oo ay u soo arooraan Muuminiinta Ummaddiisa Mlinta Qiyaame.
- Nicmo ayuu helayaa qofka ka caba xowdka Nabiga scw oo waligii ma haraadayo.
صحيح البخاري (8/ 119) (6579)، صحيح مسلم (4/ 1793) (2292)، المفهم (6/91)، فتح الباري (11/472)، التنوير شرح الجامع الصغير (5/387)، فتح المنعم شرح صحيح مسلم (9/125).