Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar, mida uu leeyahay waa jano waa naar, waanan idiinka digayaa dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii ".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu saxaabadiisa uga waramay dajaal, tilmaamihiisa iyo calaamadihiisa iyadoo uusan jirin Nabi hore uga waramay, waxaana ka mid ah calaamadahaa:
Inuu weershe yahay.
Ilaahay wuxuu u sahlay oo la socda wax la moodo Jano iyo naar, waa sida dadku u arkaan.
laakiin Janadiisu waa Naar Naartiisuna waa Jano, qofkii raaca wuxuu galinayaa Janadaas sida dadk u muuqata, laakiin waa Naar wax gubaysa, qofkii ku caasiyana wuxuu galinayaa Naarta sida dadka u muuqata, laakiin waa Jano fiican. Ka dib Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu inooga digay fitnada dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii.
Faa’iidooyin
Xaddiiska waxaa ku jira in fitnada dajaal wayn tahay.
Waxa lagaga bad-baadi karo fitnada dajaal waa iimaan run ah iyo in Ilaahay laga hoos galo oo Ilaahay laga magan galo marka Ataxiyaadka dambe la akhriyaayo, iyo in la xifdiyo tobanka aayadood ee u horeeya suuratul kahfi.
Nabigu scw aad ayuu ugu dadaalay ummaddiisa, waayo wuxuu u cadeeyey muslimiinta sifaadka uu leeyahay dajaal, kuwaasoo aanu jirin Nabi u cadeeyey qoomkiisa oo nabigeena scw ka horeeyey.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 134) (3338).
صحيح مسلم (4/ 2250) (2936).
Cubaada -Allaha ka raali ahaadee- waxaa la wariyey in Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: "Qofka qira insuun jirin Ilaah xaq lagu caabudo, ee aan Ilaahay ahayn kaligiisna ah ee aan cidna shirko la ahayn iyo in Maxamed adoonkiisa iyo Rasuulkiisa yahay, Ciisana adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay iyo inuu yahay kalimada Ilaahay ee uu ku tuuray maryama, iyo Ruuxda xaga Ilaahay ka ahaatay, janada iyo naartuna xaq yihiin, Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ku dhawaaqa kalimada towxiidka isagoo macnaheeda garanaaya kuna camal falaya waxay keenayso. Ee qira adoonimada Maxamed iyo risaaladiisaba-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo adoonimada Ciise iyo risaaladiisaba. Ee qira inuu Ilaahay ku abuuray Nabi Ciise hadalkiisa ah " kun " uuna sidaa ku ahaaday, uuna yahay ruux ka mid ah arwaaxda Ilaahay abuuray. Ee ka bari yeela Nabi Ciise hooyadi wixii ay yuhuudu ku sheegtay. Ee rumeeya in janadu xaq tahay, naartuna xaq tahay, oo aamina in labaduba jiraan, oo ay yihiin nicmada Ilaahay iyo cadaabta Ilaahay Ee sidaana ku dhinta, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada camalkiisuba ha yaraado dambiyana ha lahaadee.
Hadii la isu geeyo nabi Ciise iyo nabi Maxamed-naxariis iyo nabadi korkooda ha ahaatee- inay yihiin laba adoon oo Ilaahay iyo laba Rasuul ee laahay, markaas labadooduba waa labo Rasuul oo aan been sheegayn iyo laba adoon aanna la caabudayn.
Fadliga uu leeyahay towxiidku iyo inuu Ilaahay dambiyada ku dhaafo, qofka muwaxidka ah wuxuu ku danbaynayaa janada hadii xataa ay ka dhacaan dunuubta qaarkeed.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 165) (3435).
صحيح مسلم (1/ 57) (28).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص25).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص36).
Cabdullahi Binu Camar Allaha ka rali ahaado isagiyo ِAabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Xawdkaygu wuxuu le`eg yahay intii Bil socodkeeda, biyihiisu way ka cad yihiin caanaha, caraftiisuna way ka udug badan tahay Miskiga, weelashiisuna waa sida xidigaha samada, Qofka ku caba waligi ma haraadayo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Maalinta Qiyaame leeyahay Xawd, dhererkiisu dhan yahay in loo socdo Bil, balaciisuna intaasoo kale. Biyihiisuna ka cadaan badan yihiin Canaha. Caraftiisuna ka udgoon kana caraf badan Carafta Miskiga. Weelashiisuna waa sida Xidigaha Cirka oo kale badnaantooda. Qofka kaga caba weelashaas Xowdka waligii ma haraadayo.
Faa’iidooyin
Xowdka Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa biyo qabad aad u wayn oo ay u soo arooraan Muuminiinta Ummaddiisa Mlinta Qiyaame.
Nicmo ayuu helayaa qofka ka caba xowdka Nabiga scw oo waligii ma haraadayo.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 119) (6579)، صحيح مسلم (4/ 1793) (2292)، المفهم (6/91)، فتح الباري (11/472)، التنوير شرح الجامع الصغير (5/387)، فتح المنعم شرح صحيح مسلم (9/125).
Asma Bintu Abii bakar Allaha ka raali ahaado iyada iyo Aabeheede waxaa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin, waxaa la igu oran: ma og tahay waxay sameeyeen gadaashaa, walaahi kama ay raagin inay dib ugu noqdeen gadaashooda oo Diintii ka tageen.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Maalinta Qiyaamaha uu joogidoono Xawdkiisa isagoo eegaya cida Ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa Xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo Ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan Diintoodii, kaa mid maaha, Ummaddaadana ka mid maaha.
Faa’iidooyin
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u naxariistay Ummaddiisa oo u dadaalay.
khatar ayey leedahay in la khilaafo Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Xadiiska waxaa ku sugun in la isku boorinayaa in la qabsado Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 121) (6593)، صحيح مسلم (4/ 1793) (2292)، عمدة القاري (23/144)، البحر المحيط الثجاج (37/322).
Abii Dar Allaha ka raali noqde waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan iri: Rasuulka Ilaahayow, waa maxay weelasha xawdku ? wuxuu yiri: ( waxaan ku dhaartay kan nafta Maxamad gacantiisa ku jirtee, weelashiisu way ka badan yihiin xidigaha cirka iyo meerayaasha, hooy habeenka mugdiga ah ee cirka wax ku daboolani aysan jirin, weelasha janada qofka ku caba waligii ma haraadayo, waana haraadkii ugu dambeeyey, waxaa ku guuxa oo ku soo hoobta biyaha xowdka soo maraan laba majaroor oo janada ka soo shubmaan, qofka ka caba ma haraado, balaciisu waa inta dhererkiisu le'eg yahay, oo ah masaafada u dhaxaysa Camaan iyo Ayla biyihiisu ka cadaan badan caanaha, kana macaan badan malabka.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dhaartay inay weelasha xawdkiisu maalinta qiyaamaha ka tiro badan yihiin xidigaha iyo meerayaasha samada. Arinkaasina wuxuu muuqanayaa habeenka gudcurka ee dayax uusan jirin; waayo habeenka dayaxu jiro xidiguhu aad uma muuqanayaan iyadoo iftiinka dayaxu qarinayo, waa habeenka aanay daruuro jirin, waayo daruuruhu waxay qarinayaan aragtida xidigaha. Weelasha janada, qofka ku caba cabitaanka ku jira ma haraadayo waligi, wuxuuna ahaanayaa haraadkaa uu u cabay haraadkii ugu dambeeyey ee uu haraado. Xawdka Nabiga waxaa ku soo shubmaya labo majaroor oo janada ka imaanaya, xawdkaas balaciisa iyo dhererkiisu waa isku mid. Xowdka way is le'eg yihiin cirifyadiisu, dhererkiisa iyo balaadhkiisu waa inta u dhexeysa Camaan oo ah tuulo ku taal Balqa'a kana tursan Shaam, ilaa Ayla oo ah magaalo caan ah oo ku taalo Shaam geesteeda. Biyaha xowdku way ka cad yihiin caanaha, wayna ka macaan yihiin dhadhanka malabka.
Faa’iidooyin
Waa sugan yahay xowdka iyo nicmooyinka kala duwan ee dhexyaal.
Cabdillaahi Binu Camar Binu caas-Allaha ka raali noqdo isaga iyo ِAabihiye ee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Nin Ummaddayda ka mida ayaa ilaahay ka soo dhex saarin khalqiga oo dhan maalinta qiyaame, waxaana loo furin sagaal iyo sagaashan diiwaan oo mid walba le'eg yahay halka aragu gaaro, ka dib wuxuu dhihin ma wax aad inkirsan tahay oo malaa'igtayda wax qora ee xafadada ahi kugu dulmiyeen ayaa jira wuxuu dhihin: Rabiyow maya, waxaa lagu dhihin: cudur daar aad ku badbaaddo mahelin, wuxuu dhihin: Rabiyow maya, wuxuu Alle ku dhihin: bale waxaan kuu haynaa xasano, Maanta lagu dulminmaayo, waxaa loo soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an llaa Ilaaha illallaahu wa Ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluhu, wuxuu dhihin Ilaahay: keen miisaankaaga: ninkii wuxuu dhihin: Rabiyow muxuu ka tarin miisaanka kaarkani waxa ku qoran diiwaanadaan illahay ayaa ku dhihin: lagu dulminmaayo, wuxuu yidhi: kafad ayaa la saarin diiwanadii, kaarkiina kafada kale, waxaa bidaya diiwaanadii, kaarkiina culays ayuu noqonayaa, shayna magaca Ilaahay kama cuslaado.
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn maajahDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in nin Ummaddiisa ka mida Ilaahey ka dooran doono khalqiga oo dhan Maalinta Qiyaamaha, waa loo yeerin si loo xisaabiyo, waxaa la soo hor dhigin sagaal iyo sagaashan diiwaan kuwaas lagu qoray camalkiisi xumaa ee uu ku sameeyey Aduunka, mid walbna dhererkiisu yahay inta araggu gaaro. Ilaahay casa wajala ninkaa wuxuu ku oran: waxa diiwaanadaas ku qoran miyaad wax ka diidan tahay? Miyey ku dulmiyeen malaa'igtayda xafadada ah ee wax qora? Ninkii wuxuu oran: maya Rabiyow. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: camalkii aad aduunka ku samaysay ma u helaysaa wax cudur daar ah oo laguugu garaabi karo in ficilku kaaga dhacay si sahwi ah ama si gaf ah ama aqoon dari. Ninkii wuxuu oran: maya Rabiyow, ma haysto wax cudur daar ah. Ilaahay casa wajala wuxuu oran: bale, waxaan kuu haynaa xasano, maanta lagu dulminmaayo. wuxuu yiri: waxaa la soo saarin kaar ay ku qoran tahay: Ashhadu an laa Ilaaha Ilaa Allaah, wa ashhadu ana Maxamedan Cabduhu wa Rasuuluhu. Ilaahay wuxuu ku dhihin ninkii: imow miisaankaaga. Ninku wuxuu oran isagoo yaaban: Rabiyow!, kaarkani muxuu ka tarayaa miisaanka diiwaanadaan?! Ilaahay casa wajala wuxu ku oran ninkii: lagu dulminaayo. wuxuu yiri: waxaa kafad la saarin diiwaanadii kafada kalena waxaa la saarin kaarka, kafadii diiwaanada la saaray ayaa fudayd noqon, waxaana cuslaanaya kafadii kaarku saarnaa, markaasaa Ilaahay u danbi dhaafay.
Kuma filna in carabka oo qura laga yiraahdo: laa Ilaaha Ilaa Allaah, ee waa in qofku cilmi u leeyahay macnaheeda kuna camal falaa waxay farayso.
Ikhlaaska iyo tawxiidka xooga leh waxay sabab u yihiin in qofka loo danbi dhaafo.
Iimaanku wuxuu ku kala fadilan yahay hadba inta qofka qalbigiisa ku jirta ee ikhlaas ah, dadka qaar ayaa oran Erayga tawxiidka laakiin waxaa laga yaabaa in lagu cadaabo inta danbigiisu le`eg yahay.
Abuu Hureyra Allaha ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: Markuu Ilaahay Abuuray Janada iyo Naarta wuxuu u direy Janada Malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee, wuxuuna ku yiri: soo eeg Janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda, wuu soo eegay oo soo noqday wuxuuna yiri cisadaada ayaan ku dhaartee qofkii maqlaa wuu galin, Ilaahay wuxuu amray in lagu wareejiyo waxa naftu neceb tahay, wuxuuna ku yiri aad oo soo eeg Janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu soo eegay, wuxuuna arkay iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu neceb tahay, wuu soo noqday wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inaan qofna galin, Ilaahay wuxuu ku yiri aad Naarta oo soo eeg iyada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu aaday wuxuuna arkay iyadoo is kor saaran, wuu soo laabtay wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee cidina gelimayso,Ilaahay wuxuu faray in lagu wareejiyo waxa naftu jeceshahay, wuxuuna yiri ku noqo oo soo eeg, wuuna ku laabtay oo soo eegay mise waaba iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu jeceshahay, wuuna soo laabtay oo yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa in qofna ka bad baadi waayo.
Jidka Janadu wuu adag yahay wuuna dhib badan yahay, wuxuuna u baahan yahay sabir iyo in iimaanka loo dhabar adaygo, jidka Naartuna waxaa ka buuxa macaanka Aduunka iyo waxay Naftu rabto.
Tixraac
سنن أبي داود (7/ 122) (4744)، سنن الترمذي (4/ 319) (2560)، سنن النسائي (7/ 3) (3763)، شرح سنن أبي داود للعباد (537/ 15)، حاشية السندي على سنن النسائي (7/ 3).)، فتح الباري (18/317)، ذخيرة العقبى في شرح المجتبى (30/276).