U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Nolosha Guursiga

11 xadiis

labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray

عَنِ ابْنِ عَبَّاسٍ رضي الله عنهما قَالَ: مَرَّ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ بِقَبْرَيْنِ، فَقَالَ: «إِنَّهُمَا لَيُعَذَّبَانِ، وَمَا يُعَذَّبَانِ فِي كَبِيرٍ، أَمَّا أَحَدُهُمَا فَكَانَ لاَ يَسْتَتِرُ مِنَ البَوْلِ، وَأَمَّا الآخَرُ فَكَانَ يَمْشِي بِالنَّمِيمَةِ» ثُمَّ أَخَذَ جَرِيدَةً رَطْبَةً، فَشَقَّهَا نِصْفَيْنِ، فَغَرَزَ فِي كُلِّ قَبْرٍ وَاحِدَةً، قَالُوا: يَا رَسُولَ اللَّهِ، لِمَ فَعَلْتَ هَذَا؟ قَالَ: «لَعَلَّهُ يُخَفِّفُ عَنْهُمَا مَا لَمْ يَيْبَسَا».
Ibnu Cabaas-Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri, wuxuuna yiri: "labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray" wuxuuna soo qaatay laan Timireed qoyan wuuna u kala dilaaciyey labo qaybood, qabri walbana qaybuu ku talaalay, waxay dheheen-Asaxaabtii-: Rasuulka Ilaahayow maxaad sidaa u samaysaa? wuxuu yiri: "waxaa laga yaaba inay ka khafiifiyaan intaysan qalalin.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa soo maray laba qabri wuxuuna yiri: Labada Qof ee qabriyadan ku jira waa la cadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo aragtidiina, wax weyn bayna ka tahay xaga Ilaahay. Midkood wuxuu ahaa midaan danaynayn inuu ka ilaaliyo jirkiisa iyo dharkiisa Kaadida markuu xaajo gudanaayo. Kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray, isagoo ay ka tahay iska horkeenid, dhibaatayn iyo inay isku dhacaan dadku.

Faa’iidooyin
  1. Namiimada iyo Kaadida oo aan la ka dhawrin waxay ka mid yihiin dambiyada waaweyn iyo asbaabta cadaabta qabriga.
  2. Wax yaabaha qaybka ah qaarkood oo Ilaahay muujiyey -sida cadaabta qabriga- waxay cadayn u tahay calaamada Nabinimada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  3. Ficilka uu Nabigu sameeyey ee ah kala jeexida laanta Timirta ah ee uu ka taagay qabriga waxay khaas u tahay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, waayo Ilaahay ayaa tusay xaalka labadaa qof ee qabriga ku jira, loogana qiyaas qaadan maayo cid kale, waayo Qofna ma oga xaalka dadka qabriga ku jira.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 53) (218). صحيح مسلم (1/ 240) (292). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، لعبد الله البسام (ص43). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص22). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 29).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah

عَنِ البَرَاءِ بْنِ عَازِبٍ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «المُسْلِمُ إِذَا سُئِلَ فِي القَبْرِ: يَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ»، فَذَلِكَ قَوْلُهُ: {يُثَبِّتُ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا بِالقَوْلِ الثَّابِتِ فِي الحَيَاةِ الدُّنْيَا وَفِي الآخِرَةِ} [إبراهيم: 27].
Barraa Binu Caasib-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka ka wariyey inuu yiri: "Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah", waana hadalka Ilaahay yiri: {Ilaahay wuxuu ku sugayaa kuwa iimaanka leh hadalka xaqa ah ee sugan nolosha aduunka iyo mida aakhiroba} [ suurada ibraahim: 27].
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Muuminka qabrigaa lagu waydiin su'aalo, labada malag oo wakiil looga dhigay ayaa weydiinaya su`aalaha waana Munkar iyo Nakiir, sida magacdoodu ugu soo arooray axaadiis dhowr ah, Wuxuu qirayaa Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa anna Maxamed Rasuulu Allaah, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- hadalka sugan ee Ilaahay sheegay waa kaas: {Ilaahay ayaa ku sugaya oo waafajinaya kuwa iimaanka leh, hadalka sugan nolosha aduunka iyo tan aakhiroba} [ suurada ibraahiim:27].

Faa’iidooyin
  1. Su'aasha qabrigu waa xaq.
  2. Xadiiska waxaa ku cad fadliga Ilaahay siiyey muuminiinta aduunka iyo aakhiroba waayo Ilaahay wuxuu ku sugayaa hadalka sugan aduun iyo aakhiroba-.
  3. Fadli wayn ayey leedahay shahaadada towxiidka ah iyo in iyada lagu dhinto.
  4. Sugudiga Ilaahay ku sugayo muuminiinta aduunka waa inay iimaanka ku sugnaadaan, iyo inay raacaan jidka toosan, marka ay dhimanayaana ay ku dhintaan towxiidka, qabrigana ilaahay ku sugo marka labada malag su`aasha waydiinayaan.
Tixraac

صحيح البخاري (6/ 80) (4699). صحيح مسلم (4/ 2201) (2871). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 498). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 386).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay

عن المقدام بن معدِيْكَرِب رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «أَلَا هَلْ عَسَى رَجُلٌ يَبْلُغُهُ الْحَدِيثُ عَنِّي وَهُوَ مُتَّكِئٌ عَلَى أَرِيكَتِهِ فَيَقُولُ: بَيْنَنَا وَبَيْنَكُمْ كِتَابُ اللهِ، فَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَلَالًا اسْتَحْلَلْنَاهُ، وَمَا وَجَدْنَا فِيهِ حَرَامًا حَرَّمْنَاهُ، وَإِنَّ مَا حَرَّمَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ كَمَا حَرَّمَ اللهُ».
Almiqdaam Binu macdi yakrib Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri-: "War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay, waxaan ka helno ee xalaal ah waan xalaashanaynaa, waxaan ka helno ee xaaraan ahna waan iska xarimeynaa, hadaba wuxuu xarimay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waa sida waxa Ilaahay xarimay".
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi,ibn maajahDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu soo dhawaaday waqti ay orondoonaan dadka qaarki iyagoo fadhiya, oo midkood ku dangiiga gogoshiisa, oo uu soo gaaro Xadiiska Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, oo markaas uu dhaho: waxaan ku kala baxaynaa Qur'aanka kariimka ah isagaana nagu filan, waxaan ku aragno ee xalaal ah waan ku camal falaynaa, waxaan ku aragno ee xaaraan ahna waan ka fogaanaynaa. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, ka dib wuxuu cadeeyey wax kastoo Nabigu xarimay ama ku reebay Sunadiisa inuu la mid yahay xugunka Ilaahay ku xarimay Kitaabkiisa, waayo Nabigu Ilaahay ayuu fariinta ka sidaa.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee loo weyneynayo sida Qur'aanka loo weyneeyo waxna waa laga qaadanayaa.
  2. Adeecida Rasuulka waa adeecida Ilaahay, ku caasinta Rasuulkana waa ku caasinta Ilaahay.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan xujonimada Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo in laga difaaco Sunada kuwa la dirirsan ama diidan.
  4. Qofka diidan Sunada ee sheegta inuu Qur'aanka ku gaabsanayo, waa mid labadaba diidan oo ka been Sheegaya wuxuu sheganayo oo ah inuu Qur'aanka raacayo.
  5. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nabinimadiisa waxa cadaynaya waxaa ka mid ah: inuu sheego shay dhicidoona mustaqbalka, shaygiina sidii uu u sheegay u dhacayo.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 13) (4604)، سنن الترمذي (4/ 399) (2664)، سنن ابن ماجه (1/ 9) (12)، نخب الأفكار في تنقيح مباني الأخبار في شرح معاني الآثار (13/ 154).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso

عَنْ أَنَسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ، قَالَ: لَأُحَدِّثَنَّكُمْ حَدِيثًا سَمِعْتُهُ مِنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لاَ يُحَدِّثُكُمْ بِهِ أَحَدٌ غَيْرِي: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِنَّ مِنْ أَشْرَاطِ السَّاعَةِ أَنْ يُرْفَعَ العِلْمُ، وَيَكْثُرَ الجَهْلُ، وَيَكْثُرَ الزِّنَا، وَيَكْثُرَ شُرْبُ الخَمْرِ، وَيَقِلَّ الرِّجَالُ، وَيَكْثُرَ النِّسَاءُ حَتَّى يَكُونَ لِخَمْسِينَ امْرَأَةً القَيِّمُ الوَاحِدُ».
Anas Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan idiin sheegin Xadiis aan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Xadiis kaas Qof aan aniga ahayn idiin sheegi maayo: waxaan ka maqlay Rasuulka isagoo dhahaya: Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in calaamadaha Qiyaamaha dhawaadkeeda ay ka mida tahay in la qaado Cilmiga Shareecada, waayo Culumadaa dhamaanaysa. Taas waxaa ka imaanaaya in Jahligu faafo siina badato Sinada iyo Faaxishadu, khamri cabiduna badato, tirada Ragguna yaraato, tirada Dumarkuna badato, ilaa kontonkii Dumar ahba uu ku soo aado hal nin, kaasoo danahooda iyo maslaxadooda ka shaqaynaya.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan cadaynta calaamadaha Qiyaamaha qaarkood.
  2. Ogaanshaha Waqtiga Qiyaamaha wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Qaybka ah ee Ilaahay kaligi og yahay.
  3. Waxaa la isku booriyey in Cilmiga Shareecada la barto intaan la waayin.
Tixraac

صحيح البخاري (7/ 37) (5231)، صحيح مسلم (4/ 2056) (2671)، فتح الباري لابن حجر (9/ 330)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (20/ 213).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لاَ تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى يَمُرَّ الرَّجُلُ بِقَبْرِ الرَّجُلِ فَيَقُولُ: يَا لَيْتَنِي مَكَانَهُ».
Abii Hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey Nabiga- naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- inuu yiri: "Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ka sheegay in saacada qiyaame aysan dhacayn, ilaa uu ninku soo maro qabri oo uu jeclaado inuu isagu noqdo midka qabriga ku jira, sababtuna waa cabsida uu ka qabo inuu diintiisa seego, oo baadilka iyo dadkiisu ka tan badiyaan, waayo waxaa muuqday oo xoog leh fitanta, macaasida iyo munkarka.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la sheegay inay macaasida iyo fitanku aad u badan doonaan aakhiru samaanka.
  2. Waxaa lagu boorinayaa dadka digtoonaan, oo dhimashada ugu diyaar garoobaan iimaan iyo camalka saalixa ah, kana fogaadaan goobaha fitanka iyo balaayada.
Tixraac

صحيح البخاري (9/ 58) (7115)، صحيح مسلم (4/ 2231) (157)، إكمال المعلم (8/451)، شرح ابن بطال (10/58)، الإفصاح عن معاني الصحاح (6/295)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (44/ 388).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qiyaamuhu dhicimaayo ilaa aad Yahuuda la dirirtaan oo uu yiraahdo Dhagaxa Yahuudigu ka danbeeyaa: Muslimow Yahuudi ayaa iga danbeeya ee dil

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لاَ تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى تُقَاتِلُوا اليَهُودَ، حَتَّى يَقُولَ الحَجَرُ وَرَاءَهُ اليَهُودِيُّ: يَا مُسْلِمُ، هَذَا يَهُودِيٌّ وَرَائِي فَاقْتُلْهُ».
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Qiyaamuhu dhicimaayo ilaa aad Yahuuda la dirirtaan oo uu yiraahdo Dhagaxa Yahuudigu ka danbeeyaa: Muslimow Yahuudi ayaa iga danbeeya ee dil".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qiyaamuhu uusan dhacayn ilaa ay diriraan Mslimiinta iyo Yahuudu. Ilaa yuhuudigu ku cararo dhagaxa gadaashiisa si uu muslimiinta uga dhuunto, Ilaahay wuxuu ka hadlin dhagaxii wuxuuna u dhawaaqin muslimka wuxuuna u sheegin in yuhuudiga ka danbeeya uu dilo.

Faa’iidooyin
  1. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. wuxuu sheegay waxyaabo qaybka ka mida ee dhicidoona, hadba inta Ilaahay ka ogaysiiyo waana laabud inay waxaasi dhicidoonaan.
  2. Muslimiintu waxay la dagaalamidoonaan yahuuda aakhiru samaanka, arinkaasina wuxuu ka mid yahay calaamadaha qiyaamaha.
  3. Diinta islaamku way jiridoontaa ilaa Maalinta Qiyaamaha, Diimaha kale oo dhana way ka sarayn.
  4. Ilaahay Muslimiinta cadawgooda waa ka guuleeyey taasna waxaa ka mida in Aakhiru samaanka Ilaahay ka hadalsiinayo dhagaxa.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 42) (2926)، صحيح مسلم (4/ 2238) (2921)، عمدة القاري (14/199) الكوكب الوهاج شرح صحيح مسلم (26/198).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لَيُوشِكَنَّ أَنْ يَنْزِلَ فِيكُمْ ابْنُ مَرْيَمَ حَكَمًا مُقْسِطًا، فَيَكْسِرَ الصَّلِيبَ، وَيَقْتُلَ الخِنْزِيرَ، وَيَضَعَ الجِزْيَةَ، وَيَفِيضَ المَالُ حَتَّى لاَ يَقْبَلَهُ أَحَدٌ».
Abii hurayra-Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku dhaartay inay soo dhowaatay waqtigii uu Nibi Ciise soo degi lahaa, ee uu dadka cadaalad ku xukumi lahaa, isagoo raacaya shareecadii Nabi Maxamed nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee. Oo Nabi Ciise uu jabindoono Matabka kiristaanku wayneeyaan. Nabi Ciise wuxuu dilidoonaa khinsiirka, Nabi Ciise wuxuu soo rogidoonaa Jisyada dadka oo dhana wuxuu ku amridoonaa inay Islaama soo galaan. Xooluhu waa badandoonaan Qofna qaadanayana ma jiro, waayo Xoolihii ayaa iska badanaya, Qof walbana wuxuu ku kaaftoomay wixii Gacantiisa ku jira, waxaa soo degeya Barkada waxaana is raacraacaya khayrka.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan in Nabi Ciise-Calayhi Salaam- uu Aakhiru Samaanka soo degidoono, taasina ay tahay mid ka mida calaamadaha saacada Qiyaamaha.
  2. Nabigu-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- Shareecadiisa wax nasakhaaya ma jiraan.
  3. Maalka ayaa barakoobaya Aakhiru Samaanka, dadkuna way nicidoonaan.
  4. Xadiiska waxaa ku sugan bishaaro in Diinta Islaamku baaqi ahaanayso, iyadoo Nabi Ciise ku xukumi doonaa dhulka Aakhiru Samaanka.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 82) (2222)، صحيح مسلم (1/ 135) (155)، شرح النووي على مسلم (1/471)، التوضيح (14/555)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (12/ 35).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ: أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لاَ تَقُومُ السَّاعَةُ حَتَّى تَطْلُعَ الشَّمْسُ مِنْ مَغْرِبِهَا، فَإِذَا طَلَعَتْ فَرَآهَا النَّاسُ آمَنُوا أَجْمَعُونَ، فَذَلِكَ حِينَ: {لاَ يَنْفَعُ نَفْسًا إِيمَانُهَا لَمْ تَكُنْ آمَنَتْ مِنْ قَبْلُ، أَوْ كَسَبَتْ فِي إِيمَانِهَا خَيْرًا} [الأنعام: 158] وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدْ نَشَرَ الرَّجُلاَنِ ثَوْبَهُمَا بَيْنَهُمَا فَلاَ يَتَبَايَعَانِهِ، وَلاَ يَطْوِيَانِهِ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدِ انْصَرَفَ الرَّجُلُ بِلَبَنِ لِقْحَتِهِ فَلاَ يَطْعَمُهُ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَهُوَ يَلِيطُ حَوْضَهُ فَلاَ يَسْقِي فِيهِ، وَلَتَقُومَنَّ السَّاعَةُ وَقَدْ رَفَعَ أَحَدُكُمْ أُكْلَتَهُ إِلَى فِيهِ فَلاَ يَطْعَمُهَا».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood: (waqtigaasina waa waqtiga qofka aan horay u rumayn Ilaahay ama aan iimaankiisii horay xasanaad ugu kasban uusan waxba u tarayn) [Alancaam:158], qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo labo nin dhexdooda ku kala bixiyeen maradooda mana kala gadan karana mana isku laabi karaan, qiyaamuhu wuu dhicin iyado ninku soo qaatay caanaha hashiisa mana cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyadoo ninku hagaajinayo darkiisa mana laga cabaayo, qiyaamuhu wuu dhicin iyado qofkiin luqmada afkiisa u qaatay mana cunaayo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Rasuulka Ilaahay naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate wuxuu sheegay inay calaamadaha waaweyn ee qiyaamaha ay ka mid tahay in qoraxdu ka soo baxdo meeshay u dhacdo halkii ay bari ka soo bixilahayd, markay dadku arkaana Ilaahay wada rumaynayaan. Markaasna gaalka wax ku tarimaayo iimaankiisu, camalka suubana wax ku tarimaayo, towbaduna wax ku tarimayso. Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay qiyaamuhu inuu ku dhacaayo si kadis ah, iyadoo dadku noloshoodii iyo hawlohoodii caadiga ahaa ku jiraan. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo kii gadaayey iyo kii iibsanaayey ay marada kala bixiyeen iibsanamaayaan iskuna laabimaayaan. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyado ninku uu soo qaatay caanihii uu hashiisa ka lisay mana dhamaayo. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku darka xoolihiisa u hagaajinaayo mana ka waraabinaayo. Qiyaamihii ayaa dhacaya iyadoo ninku luqmad cunto ah afkiisa u soo qaaday si uu u cuno, mana cunaayo.

Faa’iidooyin
  1. Islaamnimada iyo towbada waa la aqbalaa inta aanay qoraxdu ka soo bixin meeshay u dhacdo.
  2. waxaa la isku booriyey in Qiyaamaha loogu diyaar garoobayo iimaan iyo camal suuban, waayo Qiyaamuhu wuxuu ku imanayaa si kidis ah.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 106) (6506)، صحيح مسلم (1/ 137) (157)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (23/ 92).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
8 ka mid ah 11
11 xadiis
  1. labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray
  2. Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah
  3. War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay
  4. Qiyaamaha calaamadihiisa waxaa ka mid ah: in cilmiga la waayo, Jahliguna bato, Sinaduna badato, khamriga cabidiisuna badato, oo Raggu yaraado, Dumarkuna bataan, ilaa kontonkii Dumar ahba hal nin ku soo tooso
  5. Saacada qiyaame dhicimayso ilaa ninku soo maro nin qabrigi oo uu yiraahdo: hoogaye maan booskiisa ku jiro
  6. Qiyaamuhu dhicimaayo ilaa aad Yahuuda la dirirtaan oo uu yiraahdo Dhagaxa Yahuudigu ka danbeeyaa: Muslimow Yahuudi ayaa iga danbeeya ee dil
  7. Allaha naftaydu Gacantiisa ku jirtaan ku dhaartaye, waxay u dhawdahay inuu idiin la soo dago ina Maryama isago xaakim caadil ah, oo uu jejebiyo Macatabka, oo dilo khansiirka, oo uu soo rogo jisyada, oo maalku buux dhaafo, heer cid qaadata oo baahan la waayo
  8. qiyaamuhu dhicimaayo ilaa Qoraxdu ka soo baxdo xaga ay u dhacdo, haday ka soo baxdana oo dadku arko way rumaynayaan dhamaantood
  9. Saacada qiyaame dhicimayso ilaa waqtigu isku soo dhawaado
  10. Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wax buu sheegay, markaasuu yiri: kaasi waa marka cilmigu sii tagayo
  11. Waxaa jiri doona ummaddayda aakhirkeeda dad idiinka sheekayn doona wax aydaan maqal idinka iyo aabayashiin, iska jira oo ka digtoonaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com