Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu dhex fadhiyey asxaabtiisa, wuxuuna yiri waqtigaasi waa waqtiga dadka laga siibayo cilmiga, Siyaad Binu Labiid Alansaari Allaha ka raali ahaade wuu la yaabay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuuna waydiiyey, Wuxuuna yiri: sidee baa cilmiga loo waayin oo nooga lumin?! anagoo akhrinayna oo xifdinay, walaahi waanu akhriyeynaa, waana baraynaa haweenkayaga iyo caruurtayada, iyo caruurta caruurtayada, Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: isago la yaaban Siyaad hooyadaa ku wayday waxaan kuu haystay inaad ku jirto culimada reer Madiina! Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u cadeeyey Siyaad in cilmiga waayidiisu uusan ahayn Qur'aanka oo la waayo, laakiin ay tahay ku camal falkiisa oo la waayo, Waa kuwaas Tawraat iyo Injiil oo ay haystaan Yahuud iyo Nasaaro, hadana wax kuma tarin kamana ay faa'iidaysan ujeedadii labadaa kitaab laga lahaa,! kaasoo ahaa inay ku camal falaan waxay ka barteen.
- Waxaa jira kutub iyo Suxuf dadka gacantooda ku jira oo aan waxba tarayn hadaan lagu camal falayn.
- Sida cilmiga loo waayo waxaa ka mida arimo ay ka mid tahay: dhimashada Nabiga scw, dhimashada culimada, iyo cilmiga oo aan lagu camal falin.
- Calaamadaha qiyaamaha waxaa ka mida cilmiga oo la waayo iyo cilmiga oo laga tago ku camal falkiisa.
- Waxaa la isku booriyey in cilmiga lagu camal falo, ujeedaduba waa intaasee.
سنن ابن ماجه (5/ 172) (4048)، سنن الترمذي (4/ 328) (2653)، مسند أحمد (39/ 417) (23990)، الكاشف عن حقائق السُّنن (2/721)، المفهم (6/705)، مشارق الأنوار الوهاجة (2/146)، مرشد ذوي الحجا والحاجة إلى سنن ابن ماجه والقول المكتفى على سنن المصطفى (24/ 274).