Sabīl › Xadiis › Xadiisyo la sharraxay › Nolosha Guursiga عَنِ البَرَاءِ بْنِ عَازِبٍ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «المُسْلِمُ إِذَا سُئِلَ فِي القَبْرِ: يَشْهَدُ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ»، فَذَلِكَ قَوْلُهُ: {يُثَبِّتُ اللَّهُ الَّذِينَ آمَنُوا بِالقَوْلِ الثَّابِتِ فِي الحَيَاةِ الدُّنْيَا وَفِي الآخِرَةِ} [إبراهيم: 27].
Barraa Binu Caasib-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu Rasuulka ka wariyey inuu yiri: "Qofka muslim ka ah marka lagu su'aalo qabriga dhexdiisa su'aalaha: wuxuu qirayaa shahaadateynka (Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa ash hadu ana Maxamed Rasuulu Allaah", waana hadalka Ilaahay yiri: {Ilaahay wuxuu ku sugayaa kuwa iimaanka leh hadalka xaqa ah ee sugan nolosha aduunka iyo mida aakhiroba} [ suurada ibraahim: 27].
Xadiis la isku waafaqay Darajo Xadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Muuminka qabrigaa lagu waydiin su'aalo, labada malag oo wakiil looga dhigay ayaa weydiinaya su`aalaha waana Munkar iyo Nakiir, sida magacdoodu ugu soo arooray axaadiis dhowr ah, Wuxuu qirayaa Ashhadu allaa ilaaha ilaa Allaah wa anna Maxamed Rasuulu Allaah, Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- hadalka sugan ee Ilaahay sheegay waa kaas: {Ilaahay ayaa ku sugaya oo waafajinaya kuwa iimaanka leh, hadalka sugan nolosha aduunka iyo tan aakhiroba} [ suurada ibraahiim:27].
Faa’iidooyin
Su'aasha qabrigu waa xaq.
Xadiiska waxaa ku cad fadliga Ilaahay siiyey muuminiinta aduunka iyo aakhiroba waayo Ilaahay wuxuu ku sugayaa hadalka sugan aduun iyo aakhiroba-.
Fadli wayn ayey leedahay shahaadada towxiidka ah iyo in iyada lagu dhinto.
Sugudiga Ilaahay ku sugayo muuminiinta aduunka waa inay iimaanka ku sugnaadaan, iyo inay raacaan jidka toosan, marka ay dhimanayaana ay ku dhintaan towxiidka, qabrigana ilaahay ku sugo marka labada malag su`aasha waydiinayaan. Tixraac
صحيح البخاري (6/ 80) (4699).
صحيح مسلم (4/ 2201) (2871).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 498).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 386).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com Hore labadaba waa lacadaabayaa, wax weyna lagu cadaabimaayo, mid Kaadida iskama duwi jirin, kan kalena dadka ayuu warka u kala qaadi jiray Xiga War hooy ma laga yaaba in Xadiiskaygu gaaro nin Fadhigiisa ku dangiiga oo uu yiraahdo : waxaa anaga iyo adinka inoo dhexeeya Kitaabka Ilaahay Nolosha Guursiga Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com