عَنْ عَبْدِ اللهِ بنِ مَسْعُودٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَوَّلُ مَا يُقْضَى بَيْنَ النَّاسِ يَوْمَ الْقِيَامَةِ فِي الدِّمَاءِ».
Cabdullaahi Binu Mascuud- Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Waxa ugu horeeya ee dadka loo kala xukumaayo Maalinta Qiyaamaha waa Dhiiga".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-wuxuu sheegay waxa ugu horeeya ee loo kala xukumayo dadka is dulmayey Maalinta Qiyaamaha waa: Dhiiga, sida dilka iyo dhaawacyada.
Faa’iidooyin
- Dhiiga arinkiisu waa wayn yahay, bilaabidu waxay noqon shayga ugu muhimsan.
- Dambiyadu waxay u kala daran yihiin kolba fasahaadka ka dhalanaya sida uu yahay, Nafta aan waxba gaysan oo la dilaana waa dambiyada ugu waawayn, wax ka wayna ma jiraan Gaalnimada iyo in Ilaahay loo shariig yeelo mooyee.
Tixraac
صحيح البخاري (9/ 2) (6864).
صحيح مسلم (3/ 1304) (1678).
خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص319).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص640).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (2/ 103).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «مَنْ أَنْظَرَ مُعْسِرًا، أَوْ وَضَعَ لَهُ، أَظَلَّهُ اللهُ يَوْمَ الْقِيَامَةِ تَحْتَ ظِلِّ عَرْشِهِ يَوْمَ لَا ظِلَّ إِلَّا ظِلُّهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Qofkii daynta ka suga Qofka Saboolka ah, ama ka dhaafa, Ilaahay wuxu hariyaa hooska Carshigiisa Maalinta Qiyaame ee harkiisa mooyee aan har kale jirin.
Waxaa wariyay At-tirmidi iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in qofka u kaadiya kan daynta qaba ama ka cafiya daynta, waxaa lagu abaal mariyaa in Ilaahay hariyo hooska Carshigiisa Maalinta Qiyaame Maalintaaso Qoraxdu u soo dhawaanayso Adoomada Madaxooda oo kulaylkeedu aad u daran yahay. Maanlintaa Qofna ma helaayo hoos Qof Ilaahay hoos siiyo mooyee.
Faa’iidooyin
- Fadliga iyo fududaynta Ilaahay siiyey Adoomadiisa waxay ka mid tahay asbaabta looga nabad gelaayo kadeedka Maalinta Qiyaamaha.
- Abaal marintu waxay noqotaa nooca camalka la qabtay.
Tixraac
سنن الترمذي (2/ 575) (1306).
مسند أحمد (14/ 329) (8711).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (16/ 412).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 459).
فيض القدير شرح الجامع الصغير، للمناوي (6/ 89).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 947).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَبِي بَرْزَةَ الأَسْلَمِيِّ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «لَا تَزُولُ قَدَمَا عَبْدٍ يَوْمَ القِيَامَةِ حَتَّى يُسْأَلَ عَنْ عُمُرِهِ فِيمَا أَفْنَاهُ، وَعَنْ عِلْمِهِ فِيمَ فَعَلَ، وَعَنْ مَالِهِ مِنْ أَيْنَ اكْتَسَبَهُ وَفِيمَ أَنْفَقَهُ، وَعَنْ جِسْمِهِ فِيمَ أَبْلَاهُ».
Abii Barsata Alaslami Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Maalinta Qiyaame Qofku ma dhaqaaqayo ilaa la weydiiyo Cimrigiisii wuxuu ku dhameeyey, cilmigii Ilaahay baray wuxuu ku sameeyey, Maalkiisii halkuu ka keenay iyo halkuu ku bixiyey iyo Jirkiisii wuxuu ku dhameeyey".
Waxaa wariyay At-tirmidiDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo Maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo:
Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey?
Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd?
Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya.
Mida 4aad: jirkiisii, Xooggiisii, Caafimaadkiisii, Dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?
Faa’iidooyin
- Waxaa lagu boorinayaa dadku inay uga faa'iidaystaan nolosha wax Ilaahay raali gelinaaya.
- Nicmooyinka Ilaahay uu siiyey Adoomadiisa way badan yihiin, wuuna weydiin doonaa nicmooyikaa Maalinta Qiyaamaha, sidaa darteed waxaa lagudboon Qofku inuu nicmooyinkaa uga faa'iidaysto wax Ilaahay raali gelinaaya.
Tixraac
سنن الترمذي (4/ 217) (2417).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 371).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 478).
المعجم الوسيط (2/ 704).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن جَرِيْر بنِ عبدِ الله رضي الله عنه قال: كُنَّا عِنْدَ النَّبِيِّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، فَنَظَرَ إِلَى الْقَمَرِ لَيْلَةً -يَعْنِي الْبَدْرَ- فَقَالَ: «إِنَّكُمْ سَتَرَوْنَ رَبَّكُمْ كَمَا تَرَوْنَ هَذَا الْقَمَرَ، لَا تُضَامُونَ فِي رُؤْيَتِهِ، فَإِنِ اسْتَطَعْتُمْ أَنْ لَا تُغْلَبُوا عَلَى صَلَاةٍ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ غُرُوبِهَا فَافْعَلُوا» ثُمَّ قَرَأَ: «{وَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ قَبْلَ طُلُوعِ الشَّمْسِ وَقَبْلَ الْغُرُوبِ}»
Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo la jooga ayuu fiiriyey dayaxa-habeen uu ahaa 14, wuxuuna yiri: " waxaad u arki doontaan Rabigiin sidaad dayaxan aad u arkaysaan, idinkoon isku ciriiryeyn aragtida Ilaahay, hadaad awoodaan inaad ilaalisaan Salaada inta Qoraxda aanay soo bixin iyo inta aanay dhicin sameeya" ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu akhriyey Aayadan Qur'aanka ah: {ku tasbiixso xamdiga Rabigaa intaan Qoraxdu soo bixin iyo inta aanay dhicin}.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Saxaabadu habeen ayey la joogeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu eegay Dayaxa oo ahaa Habeenka 14aad- wuxuuna yiri: Muuminiintu Rabigood waxay ku arkidoonaan Indhahooda si dhab ah, isagoon cidna shabihin, dadkuna iskuma ciriiryayaan aragtidiisa, kuna dhicimaayo daal iyo mashaqo midna marka ay Ilaahay arkayaan. Ka dibna Rasuulku Ilaahay wuxuu yiri: Hadaad kartaan inaad iska joojisaan asbaabta idin dhaafinaysa Salaada fajarka iyo Salaada Casarka sameeya, oo la imaada labadaas Salaadood waqtigoda iyagoo kaamila oo jamaaco aad la tukateen, arintaasi waxay ka mid tahay asbaabta keenta in Ilaahay casa wajala wajigiisa la arko. Ka dib wuxuu akhriyey Suubanuhu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Aayadaan: {Ku tasbiixso Xamdiga Rabigaa Qooraxdu inta aanay soobixin iyo inta aanay dhicin}.
Faa’iidooyin
- Dadka iimaanka leh waxaa loogu bishaaraynayaa inay Ilaahay ku arkidoonaan Janada.
- Qaababka loo gudbiyo Dacwada Ilaahay waxaa ka mida: adkaynta, jeclaysiinta iyo in tusaale la soo gaato.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 115) (554)، (6/ 139) (4851).
صحيح مسلم (1/ 439) (633).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 259).
تذكرة المؤتسي شرح عقيدة الحافظ عبد الغني المقدسي، لعبدالرزاق البدر (ص177).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 734).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 776).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (13/ 271).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص1091).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنَّ اللهَ لَا يَظْلِمُ مُؤْمِنًا حَسَنَةً، يُعْطَى بِهَا فِي الدُّنْيَا وَيُجْزَى بِهَا فِي الْآخِرَةِ، وَأَمَّا الْكَافِرُ فَيُطْعَمُ بِحَسَنَاتِ مَا عَمِلَ بِهَا لِلَّهِ فِي الدُّنْيَا، حَتَّى إِذَا أَفْضَى إِلَى الْآخِرَةِ، لَمْ تَكُنْ لَهُ حَسَنَةٌ يُجْزَى بِهَا».
Anas Binu Maalik Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Ilaahay kama Dulmiyo muuminka Xasano Aduunka wuu ku siiyaa Aakhirona wuu ku abaal mariyaa, Gaalkase xasanaadkii uu Aduunka Ilaahay darti ugu sameeyey ayaa lagu quudin intuu joogo Aduunka, markuu Aakhiro yimaadna mahelaayo Xasano lagu abaal mariyo.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey waynida fadliga Ilaahay siiyey muuminka, iyo cadaalada uu u sameeyey Gaalada. Muuminka laga nusqaamiyo ajar Xasano uu sameeyey, balse Aduunka waxaa lagu siin ajarka daacadiisa, iyado Ilaahay u kaydinaayo ajarka lagu abaal marindoon aakhiro, waxaana dhici karta in aakhiro loogu keydiyo ajarka oo dhan . Gaalkase Ilaahay wuxuu Aduunka ku siinayaa ajarka Xasanaadkii uu Aduunka ku sameeyey, markuu Aakhiro yimaadana ma helaayo ajar lagu abaal mariyo, waayo Camalka wanaagsan ee Qofka anfacaya labada daarood waa inuu Qofku Muumin yahay.
Faa’iidooyin
- Xadiiska waxasa ku sugan in Qofkii ku dhinta Gaalnimo Camal anfacayaa ma jiro.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2162) (2808)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 460)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (43/ 460)، شرح النووي على مسلم (17/150).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ أَسْمَاءَ بِنْتِ أَبِي بَكْرٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا، قَالَتْ: قَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «إِنِّي عَلَى الحَوْضِ حَتَّى أَنْظُرَ مَنْ يَرِدُ عَلَيَّ مِنْكُمْ، وَسَيُؤْخَذُ نَاسٌ دُونِي، فَأَقُولُ: يَا رَبِّ مِنِّي وَمِنْ أُمَّتِي، فَيُقَالُ: هَلْ شَعَرْتَ مَا عَمِلُوا بَعْدَكَ، وَاللَّهِ مَا بَرِحُوا يَرْجِعُونَ عَلَى أَعْقَابِهِمْ».
Asma Bintu Abii bakar Allaha ka raali ahaado iyada iyo Aabeheede waxaa laga wariyey inay tiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: Xawdka anigo jooga oo eegaya cid idinka mida ee ii soo arooraysa, ayaa dad la iga celin doonaa, waxaanan ku oran: Rabiyow anigay iga mid yihiin oo Ummadayda ka mid yihiin, waxaa la igu oran: ma og tahay waxay sameeyeen gadaashaa, walaahi kama ay raagin inay dib ugu noqdeen gadaashooda oo Diintii ka tageen.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey inuu Maalinta Qiyaamaha uu joogidoono Xawdkiisa isagoo eegaya cida Ummaddiisa ah ee ku soo arooraysa Xawdka. Dad ayaa laga kaxaysan Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee agtiisa wuxuuna orandoonaa Nabigu: Rabiyow, anigay iga mid yihiin oo Ummaddayday ka mid yihiin. Waxaa lagu dhihin: ma og tahay waxay sameeyeen markaad ka tagtay, walaahi kama ay suulin inay dib ugu laabteen gadaashooda oo ay ka noqdaan Diintoodii, kaa mid maaha, Ummaddaadana ka mid maaha.
Faa’iidooyin
- Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu u naxariistay Ummaddiisa oo u dadaalay.
- khatar ayey leedahay in la khilaafo Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
- Xadiiska waxaa ku sugun in la isku boorinayaa in la qabsado Sunada Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 121) (6593)، صحيح مسلم (4/ 1793) (2292)، عمدة القاري (23/144)، البحر المحيط الثجاج (37/322).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ الزُّبَيْرِ بْنِ الْعَوَّامِ قَالَ: لَمَّا نَزَلَتْ: {ثُمَّ لَتُسْأَلُنَّ يَوْمَئِذٍ عَنِ النَّعِيمِ} [التكاثر: 8]، قَالَ الزُّبَيْرُ: يَا رَسُولَ اللهِ، وَأَيُّ النَّعِيمِ نُسْأَلُ عَنْهُ، وَإِنَّمَا هُمَا الْأَسْوَدَانِ التَّمْرُ وَالْمَاءُ؟ قَالَ: «أَمَا إِنَّهُ سَيَكُونُ».
Subeyr Binu Cawaam Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Markay soo dagtay: {waan idin waydiindoonaa maalinta qiyaamaha nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay} [ suurada takaasur:8], wuxuu yiri Subeyr: Rasuulka Ilaahayow, nicmooyinkee nala waydiinayaa, ma labada madmadaw ee timirta iyo biyaha? wuxuu yiri: "sidaas ayey noqon".
waxaa wariyey tirmidi iyo ibn maajahDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
markay soo degtay aayada: {Waa la idin waydiin maalinta qiyaamaha nicmooyinkan}, waa la idin waydiin inaad la timaadeen mahadnaqa nicmooyinka Ilaahay idinku galadaystay, Subeyr Binu Alcawaam ayaa yiri -Allaha ka raali ahaade: Rasuulka Ilaahayow nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee, nicmooyinkee ayaa nalawaydiin doonaa?! waxaanba haysanaa waa laba nicmoo su'aalba mudnayn in wax nalaga waydiiyee kuwaasoo ah timirta iyo biyaha!
Nabigu scw wuxuu yiri: adinka waa la idin waydiin doonaa nicmooyinka xataa xaaladan aad ku sugan tihiin iminka, waayo labadani waa labo nicmo oo waawayn oo nicmooyinka Ilaahay ka mid ah.
Faa’iidooyin
- Waxaa la adkeeyey in Ilaahay sareeye looga mahadnaqo nicmooyinka badan.
- Nicmooyinka waa la waydiin adoonka maalinta qiyaamaha ha yaraato ama ha badnaatee.
Tixraac
سنن الترمذي (5/ 375) (3356)، سنن ابن ماجه (5/ 262) (4158)، شرح سنن ابن ماجه للسيوطي (ص: 307)، تحفة الأحوذي (9/203)، مرشد ذوي الحجا والحاجة إلى سنن ابن ماجه والقول المكتفى على سنن المصطفى (25/ 251).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comXadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com