Saxaabadu habeen ayey la joogeen Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu eegay Dayaxa oo ahaa Habeenka 14aad- wuxuuna yiri: Muuminiintu Rabigood waxay ku arkidoonaan Indhahooda si dhab ah, isagoon cidna shabihin, dadkuna iskuma ciriiryayaan aragtidiisa, kuna dhicimaayo daal iyo mashaqo midna marka ay Ilaahay arkayaan. Ka dibna Rasuulku Ilaahay wuxuu yiri: Hadaad kartaan inaad iska joojisaan asbaabta idin dhaafinaysa Salaada fajarka iyo Salaada Casarka sameeya, oo la imaada labadaas Salaadood waqtigoda iyagoo kaamila oo jamaaco aad la tukateen, arintaasi waxay ka mid tahay asbaabta keenta in Ilaahay casa wajala wajigiisa la arko. Ka dib wuxuu akhriyey Suubanuhu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Aayadaan: {Ku tasbiixso Xamdiga Rabigaa Qooraxdu inta aanay soobixin iyo inta aanay dhicin}.
- Dadka iimaanka leh waxaa loogu bishaaraynayaa inay Ilaahay ku arkidoonaan Janada.
- Qaababka loo gudbiyo Dacwada Ilaahay waxaa ka mida: adkaynta, jeclaysiinta iyo in tusaale la soo gaato.
صحيح البخاري (1/ 115) (554)، (6/ 139) (4851). صحيح مسلم (1/ 439) (633). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 259). تذكرة المؤتسي شرح عقيدة الحافظ عبد الغني المقدسي، لعبدالرزاق البدر (ص177). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 734). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 776). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (13/ 271). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص1091).