Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofna uusan dhaafayn meesha la isku xisaabinaayo Maalinta Qiyaame oo uusan aadayn Jano ama Naar ilaa la weydiiyo arimo: Mida 1aad: noloshiisii wuxuu ku dhameeyey? Mida 2aad: cilmigii uu bartay dar Ilaahay ma ka ahaa? mase ku camal falay? oo ma gaarsiiyey cilmiga cidii xaqa u lahayd? Mida 3aad: maalkiisii halka ayuu ka keeney, ma xalaal mise xaaraan buu ku soo galay?, muxuuse ku bixiyey, ma wax Ilaahay raalli geliya mise wax ka caraysiiya. Mida 4aad: jirkiisii, Xooggiisii, Caafimaadkiisii, Dhallin yaranimadiisii wuxuu ku dhameeyey oo u adeegsaday?
- Waxaa lagu boorinayaa dadku inay uga faa'iidaystaan nolosha wax Ilaahay raali gelinaaya.
- Nicmooyinka Ilaahay uu siiyey Adoomadiisa way badan yihiin, wuuna weydiin doonaa nicmooyikaa Maalinta Qiyaamaha, sidaa darteed waxaa lagudboon Qofku inuu nicmooyinkaa uga faa'iidaysto wax Ilaahay raali gelinaaya.
سنن الترمذي (4/ 217) (2417). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 371). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 478). المعجم الوسيط (2/ 704).