U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ah

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «نَارُكُمْ جُزْءٌ مِنْ سَبْعِينَ جُزْءًا مِنْ نَارِ جَهَنَّمَ»، قِيلَ: يَا رَسُولَ اللَّهِ، إِنْ كَانَتْ لَكَافِيَةً. قَالَ: «فُضِّلَتْ عَلَيْهِنَّ بِتِسْعَةٍ وَسِتِّينَ جُزْءًا كُلُّهُنَّ مِثْلُ حَرِّهَا».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ah, waxaa lagu yiri Rasuulka Ilaahayow, dabkaan ayaa ku filan. wuxuu yiri: waxay ka sii badan tahay sagaal iyo lixdan qaybood oo dhamaantood kulaylkeeda oo kale wada leh.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay dabka aan shidano inuu yahay qayb ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ka mid ah. Naarta Aakhiro kulaylkeedu wuxuu ka badan yahay dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer, oo qayb kastana u dhiganto kulaylka dabka Aduunka. Waxaa lagu yiri: Rasuulka Ilaahayow, Naarta Aduunka ayaa ugu filan cadaab cidii gelaysa. Wuxuu yiri: Naarta Jahanama waa laga siyaadiyey kulaylka dabka Aduunka sagaal iyo lixdan jeer oo dhamaantood kulaykoodu iyadoo kale yahay.

Faa’iidooyin
  1. waxaa la isaga digay Naarta si dadku uga fogaadan samaynta ficilada Naarta lagu mutaysto.
  2. Xadiiska waxaa ku sugan weynaanta Naarta Jahanama iyo cadaabkeeda, iyo kuleylkeeda oo daran.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 121) (3265)، صحيح مسلم (4/ 2184) (2843)، المفهم (7/178)، التوضيح (19/177)، عمدة القاري شرح صحيح البخاري (15/ 165)، فتح الباري لابن حجر (6/ 334).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Maalinta Qiyaame oo la rumeeyo

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com