عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «أَلاَ أُحَدِّثُكُمْ حَدِيثًا عَنِ الدَّجَّالِ، مَا حَدَّثَ بِهِ نَبِيٌّ قَوْمَهُ؟ إِنَّهُ أَعْوَرُ، وَإِنَّهُ يَجِيءُ مَعَهُ بِمِثَالِ الجَنَّةِ وَالنَّارِ، فَالَّتِي يَقُولُ إِنَّهَا الجَنَّةُ هِيَ النَّارُ، وَإِنِّي أُنْذِرُكُمْ كَمَا أَنْذَرَ بِهِ نُوحٌ قَوْمَهُ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Ma idiin sheegaa war ku saabsan dajaal, iyadoo uusan jirin Nabi qoomkiisa uga waramay? dajaal waa weershe, wuxuu la imaandoonaa wax aad moodid jano iyo naar, mida uu leeyahay waa jano waa naar, waanan idiinka digayaa dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii ".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu saxaabadiisa uga waramay dajaal, tilmaamihiisa iyo calaamadihiisa iyadoo uusan jirin Nabi hore uga waramay, waxaana ka mid ah calaamadahaa:
Inuu weershe yahay.
Ilaahay wuxuu u sahlay oo la socda wax la moodo Jano iyo naar, waa sida dadku u arkaan.
laakiin Janadiisu waa Naar Naartiisuna waa Jano, qofkii raaca wuxuu galinayaa Janadaas sida dadk u muuqata, laakiin waa Naar wax gubaysa, qofkii ku caasiyana wuxuu galinayaa Naarta sida dadka u muuqata, laakiin waa Jano fiican. Ka dib Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu inooga digay fitnada dajaal sida Nabi Nuux uga digay qoomkiisii.
Faa’iidooyin
- Xaddiiska waxaa ku jira in fitnada dajaal wayn tahay.
- Waxa lagaga bad-baadi karo fitnada dajaal waa iimaan run ah iyo in Ilaahay laga hoos galo oo Ilaahay laga magan galo marka Ataxiyaadka dambe la akhriyaayo, iyo in la xifdiyo tobanka aayadood ee u horeeya suuratul kahfi.
- Nabigu scw aad ayuu ugu dadaalay ummaddiisa, waayo wuxuu u cadeeyey muslimiinta sifaadka uu leeyahay dajaal, kuwaasoo aanu jirin Nabi u cadeeyey qoomkiisa oo nabigeena scw ka horeeyey.
Tixraac
صحيح البخاري (4/ 134) (3338).
صحيح مسلم (4/ 2250) (2936).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعَنْ عَبْدِ اللَّهِ بن مسعودٍ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِنَّ مِنْ شِرَارِ النَّاسِ مَنْ تُدْرِكُهُ السَّاعَةُ وَهُمْ أَحْيَاءٌ، وَمَنْ يَتَّخِذُ الْقُبُورَ مَسَاجِدَ».
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isagoo dhahaya: "Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid".
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
Nabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadka ugu sharka badan, oo ah kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid, kuna tukada qabuuraha xageedana u tukada.
Faa’iidooyin
- Waa xaaraan in xabaalaha masaajid laga dhigto, waayo arinkaasi wuxuu qofka gaar siinayaa shirki.
- Waa xaaraan in salaada qabuuraha lagu tukado xataa hadaan dhismo laga dhisin, waayo masaajid macnihiisu waa meesha lagu sujuudo yaanu dhisnaan bee.
- Qofka ka dhigta qabuurta dadka saalixiinta ah masaajid kuna tukada wuxuu ka mid ahaanayaa dadka ugu sharka badan khalqiga, haba ahaado ujeedkiisu inuu Ilaahay ugu dhawaadee.
Tixraac
مسند أحمد (6/ 394) (3844).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص191).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص176).
أحكام الجنائز، للألباني (1/ 217).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.comعن تَميم الداري رضي الله عنه، قال: سمعتُ رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «لَيَبْلُغَنَّ هَذَا الأَمْرُ مَا بَلَغَ اللَّيْلُ وَالنَّهَارُ، وَلَا يَتْرُكُ اللهُ بَيْتَ مَدَرٍ وَلَا وَبَرٍ إِلَّا أَدْخَلَهُ اللهُ هَذَا الدِّينَ، بِعِزِّ عَزِيزٍ أَوْ بِذُلِّ ذَلِيلٍ، عِزًّا يُعِزُّ اللهُ بِهِ الإِسْلَامَ، وَذُلًّا يُذِلُّ اللهُ بِهِ الكُفْرَ» وَكَانَ تَمِيمٌ الدَّارِيُّ يَقُولُ: قَدْ عَرَفْتُ ذَلِكَ فِي أَهْلِ بَيْتِي، لَقَدْ أَصَابَ مَنْ أَسْلَمَ مِنْهُمُ الْخَيْرُ وَالشَّرَفُ وَالْعِزُّ، وَلَقَدْ أَصَابَ مَنْ كَانَ مِنْهُمْ كَافِرًا الذُّلُّ وَالصَّغَارُ وَالْجِزْيَةُ.
Tamiim Addaari-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Arinkaani (islaamka) wuxuu gaaridoonaa Habeenka iyo Maalintu halkay gaaraan, Ilaahay dayn maayo guri magaalo iyo
Guri baadiye midna ee wuu galin Diintiisa, wuxuu ku galin sharafta mid sharaf leh ama dulinimada mid duli ah, sharaf uu Ilaahay ku sharfayo Islaamka, iyo dulayn uu Ilaahay ku dulaynayo kufriga" wuxuu dhihi jiray Tamiim addaari: aarinkaa waxaan ku ogaaday oo aan ku arkay qaraabadayda, dhab ahaan khayr iyo sharaf bay heleen kuwa Islaamay, kuwa gaalnimo ku harayna waxaa haleelay duli, quursi iyo jisyo.
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay inuu Islaamku ku faafidoono meel walba oo Dhuka ka mida, Diinta Islaamku waxay gaaridoontaa meelkasta oo Habeenka iyo Maalitu gaaraana, Ilaahayna ka tagi maayo Guri Magaalo, Tuulo, Baadiye iyo Saxaraha midna ee wuu galinayaa Diintaan. Qofka qaata Diinta Islaamka ee iimaanka laga helo wuxuu noqon mid lagu sharfo sharafta Islaamka, Midka iska Diida ee ku gaalooba Diinta wuxuu noqon mid duliya oo ihaanaysan.
Intaa ka dib saxaabiga Tamiim addaari-Allaha ka raali ahaadee- ayaa sheegay inuu arinkaa ku arkay dadka isaga eheladiisa ah, oo inta ka islaamtay khayr iyo sharaf iyo cisi heleen, inta Gaalnimada qaadatayna duli iyo ihaano ku dhacday, iyagoo waliba jisyo bixinaya oo Muslimiinta siinaya.
Faa’iidooyin
- Muslimiinta bisharaa ugu sugan xadiiskaan in Diintoodu Dhulka oo dhan wadagaari doonto.
- Cisiga iyo sharaftu Islaamka iyo Muslimiintay u sugnaatay, duligana Gaalnimada iyo Gaaladay u sugnaatay.
- Xadiiskaan waxaa ku sugan daliil cad oo ah cadeymaha muujinaya Nabinimada Suubanaha nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo warkaa uu sheegay uu u dhacay sidii uu sheegay.
Tixraac
مسند أحمد (28/ 154) (16957).
النهاية في غريب الحديث والأثر، لابن الأثير (4/ 309).
المصباح المنير في غريب الشرح الكبير، لأحمد الفيومي (1/ 163).
الموسوعة الفقهية الكويتية، (15/ 163).
Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com