Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid
عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بن مسعودٍ رضي الله عنه قَالَ: سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ: «إِنَّ مِنْ شِرَارِ النَّاسِ مَنْ تُدْرِكُهُ السَّاعَةُ وَهُمْ أَحْيَاءٌ، وَمَنْ يَتَّخِذُ الْقُبُورَ مَسَاجِدَ».
Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay-nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- isagoo dhahaya: "Dadka waxaa ugu shar badan kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid".
Waxa wariyay AxmedDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad
Nabigu wuxuu sheegay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- dadka ugu sharka badan, oo ah kuwa ay saacadu ku dhacdo iyagoo nool, iyo kuwa qabuuraha ka dhigta masaajid, kuna tukada qabuuraha xageedana u tukada.
Faa’iidooyin
Waa xaaraan in xabaalaha masaajid laga dhigto, waayo arinkaasi wuxuu qofka gaar siinayaa shirki.
Waa xaaraan in salaada qabuuraha lagu tukado xataa hadaan dhismo laga dhisin, waayo masaajid macnihiisu waa meesha lagu sujuudo yaanu dhisnaan bee.
Qofka ka dhigta qabuurta dadka saalixiinta ah masaajid kuna tukada wuxuu ka mid ahaanayaa dadka ugu sharka badan khalqiga, haba ahaado ujeedkiisu inuu Ilaahay ugu dhawaadee.
Tixraac
مسند أحمد (6/ 394) (3844).
الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص191).
الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص176).
أحكام الجنائز، للألباني (1/ 217).