U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Gaalnimada

4 xadiis

isagu maalina muu oran: Rabiyow iga dhaaf dambigayga maalinta qiyaame

عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها قَالَتْ: قُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ، ابْنُ جُدْعَانَ كَانَ فِي الْجَاهِلِيَّةِ يَصِلُ الرَّحِمَ، وَيُطْعِمُ الْمِسْكِينَ، فَهَلْ ذَاكَ نَافِعُهُ؟ قَالَ: «لَا يَنْفَعُهُ، إِنَّهُ لَمْ يَقُلْ يَوْمًا: رَبِّ اغْفِرْ لِي خَطِيئَتِي يَوْمَ الدِّينِ».
Caa'isha raali Allaha ka noqdee waxaa laga wariyey inay tiri: Waxaan iri: Rasuulkii Ilaahayow Ibnu Judcaan waqtigii jaahiliga qaraabadiisa wuu xiriirin jiray, miskiinkana wuu quudin jiray, arinkaasi ma anfacayaa? wuxuu yiri: ma anfacayo, isagu maalina muu oran: Rabiyow iga dhaaf dambigayga maalinta qiyaame.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Cabdillaahi Binu Judcaan, oo ahaa Islaamka ka hor madaxdii qurayshta Ficiladiisii wanaagsanaa waxaa ka mid ahaa: xiriirintii qaraabadiisa, quudinta masaakiinta iyo wax yaabo kale oo islaamku ku booriyey dadka, wanaagaa uu qaban jiray ninkaa Aakhiradiisa waxba u tarimayso, sababtuna waa inuu Ilaahay ku kufriyey, oo uusan maalina oran Rabiyow ii dhaaf gafkayga maalinta qiyaamaha.

Faa’iidooyin
  1. Waa cadayn fadliga iimaanku leeyahay, iyo inuu shardi u yahay aqbalida camalka.
  2. Waxaa la cadeeyey xumaanta kufrigu leeyahay, iyo inuu ka mid yahay waxa camalka saalixa ah buriya.
  3. Gaalada ma anfacayo camalkooda wanaagsani aakhiro waayo ma aysan rumeyn Ilaahay iyo Maalinta Aakhiro.
  4. Camalka dadku sameeyo markay gaalada yihiin waa loo qoraa haduu Islaamo waa laga abaal mariyaa.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 196) (214)، شرح النووي على مسلم (3/87)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 459)، إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري (4/ 170)، التنوير شرح الجامع الصغير (2/364)، فتح المنعم (2/54)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (3/ 455).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: Adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey

عَنْ زَيْدِ بْنِ خَالِدٍ الجُهَنِيِّ رضي الله عنه أَنَّهُ قَالَ: صَلَّى لَنَا رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ صَلَاةَ الصُّبْحِ بِالْحُدَيْبِيَةِ عَلَى إِثْرِ سَمَاءٍ كَانَتْ مِنَ اللَّيْلَةِ، فَلَمَّا انْصَرَفَ أَقْبَلَ عَلَى النَّاسِ، فَقَالَ: «هَلْ تَدْرُونَ مَاذَا قَالَ رَبُّكُمْ؟» قَالُوا: اللهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «أَصْبَحَ مِنْ عِبَادِي مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ، فَأَمَّا مَنْ قَالَ: مُطِرْنَا بِفَضْلِ اللهِ وَرَحْمَتِهِ، فَذَلِكَ مُؤْمِنٌ بِي وَكَافِرٌ بِالْكَوْكَبِ، وَأَمَّا مَنْ قَالَ: بِنَوْءِ كَذَا وَكَذَا، فَذَلِكَ كَافِرٌ بِي وَمُؤْمِنٌ بِالْكَوْكَبِ».
Sayd Binu Khaalid Aljuhani Ilaahay ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulkii Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaa nagu tujiyey Salaadii Subaxa Xudeybiya iyado Rabeenkaas roob da'ay markuu Salaadii ka baxay ayuu dadka ku soo jeestey, wuxuuna yiri: "ma og tihiin wuxuu Rabigiin yiri, waxay dheheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og, wuxuu yiri: Adoomadayda waxaa waagu u baryey iyago midna i rumeeyey midna kufriyey, Qofkii yiraahda:Ilaahay fadligiisa iyo raxmadiisa ayaa roobku noogu da'ay, waa mid I rumeeyey kuna kufriyey xidiga, Qofkase yiraahda xidig hebel iyo hebel, kaasi wuu igu kufriyey wuxuuna rumeeyey xidiga".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee Salaada Subax ayuu ku tukaday xudeybiya -waa tuulo u dhow Makkah- Roob Habeenimadii da`ay ka dib. Markuu salaama naqsaday Salaadiina ka baxay ayuu wajigiisa u soo jeediyey xaga dadka, wuxuuna yiri: ma og tihiin waxa Rabigiin casa wajala yiri? Waxay ku jawaabeen: Ilaahay iyo Rasuulkiisaa og. Wuxuu yiri: Ilaahay wuxuu cadeeyey in dadku labo qaybood noqonayaan marka Roobku da'aayo: qayb Ilaahey rumaysan, iyo qayb Ilaahay ku kufrida. Qofka dhaha: fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa ayaa Roobku noogu da'ay, oo Roobka di'idiisa Ilaahay kor ahaaye u tiiriya, kaasi waa Mumin rumeeyey Ilaaha khaaliqa ah ee kownka maamula, kuna kufriyey xidiga. Qofka yiraahda: xidig hebel iyo hebel buu Roobku noogu da'ay, kaasi Ilaahay ayuu ku kurfiyey, wuxuuna rumeeyey xidiga, taasina waa gaalnimo yar, waayo wuxuu u tiiriyey di'ida roobka xidiga, taasna Ilaahay uma yeelin sabab sharci ah iyo mid qadar ah toona. Qofkiise Roobka di`idiisa iyo dhacdooyinka kale ee dhulka ka dhaca u tiiriya dhaq-dhaqaaqa xiddigaha iyo soo bixitaankooda iyo dhicitaankooda, isagoo rumaysan in xidiguhu yihiin kuwa xaqiiqo ahaan ficilka wada, taasi waa kufrigii kufrinimada u weynaa.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa suno ah marka roobku da'o ka dib in la dhaho: fadliga Ilaahay iyo naxariisti ayaa roobku noogu da'ay.
  2. Qofka u tiiriya nicmada soo dajinta roobka iyo nicmada kaleba xidiga abuur ahaan iyo jiritaan ahaanba waa qof gaal nimada wayn gaaloobay, haduuse u tiiriyo in xidigu sabab u yahay wuxuu gaaloobay gaalnimada yar, waayo uma aha sabab sharci ah ama xisi ah midna.
  3. Nicmadu sabab ayey u noqotaa gaalnimada hadaad kufrido waxay kale oo ay sabab u noqotaa imaanka hadaad ku shukrido.
  4. Waa la reebay in la dhoho: xidig hebel ayaa Roobku noogu da'ay, haba looga jeedo xaga waqtigee, iyado laga hor tagaayo shirkiga.
  5. Waa waajib in qalbiga lagu xiro ilaahay markaad nafac doonayso ama aad iska celinayso dhibaato.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 169) (846)، صحيح مسلم (1/ 83) (71)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (2/ 484)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 260).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago

عن جابرٍ رضي الله عنه قال: سمعت النبي صلى الله عليه وسلم يقول: «إِنَّ بَيْنَ الرَّجُلِ وَبَيْنَ الشِّرْكِ وَالْكُفْرِ تَرْكَ الصَّلَاةِ».
Jaabir Binu Cabdullaahi Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Ninka iyo Shirkiga iyo Gaalnimada waxaa u dhexeeya Salaada oo uu ka tago".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in laga tago Salaada faralka ah, wuxuuna sheegay in ninku ku dhoco Sharki iyo Kufri ay ka xigto inuu Salaada ka tago, Salaadu waa tiirka labaad ee tiirarka Islaamka, maqaamkeeduna wuu ku weyn yahay Islaamka, Qofka iskaga taga isagoo inkirsan waajib ahaanteeda Muslimiintu way isku raacsan yihiin inuu Gaaloobay, Qofka uga taga Salaada wahsi iyo fudaydsi wuu Gaaloobay, inay Asaxaabtu sidaa isku raacday baana la soo wariyey, haduu waqtiyada qaarna tukanaayo qaarna iska daynaayo wuxuu khatar ugu jiraa goodigaas adag.

Faa’iidooyin
  1. Salaadu ahmiyad ayey leedahay in la ilaaliyaana waa muhiim, waxayna kala saaraysaa kufriga iyo iimaanku.
  2. Digniin adag ayaa ku soo aroortay ka tagida Salaada iyo dayaceeda.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 88) (82)، المفهم لما أشكل من تلخيص كتاب مسلم (1/ 271)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (2/ 622).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Balanta u dhaxaysa inaga iyo iyaga waa Salaada, Qofkii ka tagaana wuu Gaaloobay

عن بريدة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ الْعَهْدَ الَّذِي بَيْنَنَا وَبَيْنَهُمُ الصَّلَاةُ، فَمَنْ تَرَكَهَا فَقَدْ كَفَرَ».
Burayda Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri:e "Balanta u dhaxaysa inaga iyo iyaga waa Salaada, Qofkii ka tagaana wuu Gaaloobay".
waxaa wariyey tirmidi,nasaa.i,ibn maajah,AxmadDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in balanta iyo heshiiska u dhaxaysa Muslimiinta, Gaalada iyo Munaafiqiinta uu yahay Salaada, qofkii Salaada ka tagaana uu Gaaloobay.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan weynida xaalka Salaada, waayo iyadaa kala saarta Muuminka iyo Gaalka.
  2. Axkaanta Islaamka Qofka waxaa loo qaban wixii ka muuqda xaalkiisa kore ee uurkiisa looma eegayo.
Tixraac

سنن النسائي (1/ 231) (463)، سنن الترمذي (4/ 365) (2621)، سنن ابن ماجه (2/ 181) (1079)، مسند أحمد (38/ 20) (22937)، فيض القدير (4/ 395)، ذخيرة العقبى في شرح المجتبى (6/ 192) (6/ 193).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com