Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- uu yiri: "Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin, qofkase ugu yeera dadka Baadil wuxuu helayaa dambiga ay yeeshaan dadka ku raacay Baadilka, iyadoo aan danbigoodii waxba laga nusqaamin."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey- in qofka dadka ku haga, tusa, oo ku booriya wanaaga iyo kheyrka hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu helayo ajar la mida ajarka dadka kheyrka ku raaca uu helayo, iyadoon waxba laga dhimayn ajarkooda. Qofkase dadka ku haga ee tusa dariiqa Baadilka iyo Shar danbigi iyo gaf ku jiraan ama arin aan banaanayn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, wuxuu helayaa Dambiga ay yeelanayaan dadka Xumaanta ku raacay, iyagoo aan laga nusqaamin Dambiyadooda waxba.
Faa’iidooyin
Fadli weyn baa ku jira dadka oo hanuunka iyo kheyrka loogu yeero, ha badnaato ama ha yaraatee, qofka daaciga ah ee dadka kheyrka u hor seedana wuxuu leeyahay ajarka qofka waanagiisa ku camal falay oo kale, arinkaasina waa fadliga Ilaahay iyo kaamilnimada deeqsinimadiisa.
khatar ayaa ku jirta dadka oo xumaan loogu yeero, wax weyn iyo wax yar kay doontaba ha ahaatee, midka xumaanta ugu yeeraya dadka wuxuu leeyahay Dambiga uu helayo kan Xumaanta ka qaatay ee uu sameeyey.
Abaal marintu waa nooca hadba camalku yahay, qofka kheyr dadka ugu yeera kheyrkaa cida sameysa ajarkeedoo kale ayuu helayaa, midka Sharka ugu yeerana Sharkaa cida sameysa Dambiga ay ka helayaan oo kale ayuu leeyahay.
Qofka Muslimka ah waa inuu ka digtoonaadaa in lagaga daydo Xumaanta uu muujiyey dadka hortiisa, waayo waxaa dusha loo saarin Dambiga dadka kaga dayda xumaanta waloow yaanu ku boorine.
Tixraac
صحيح مسلم (4/ 2060) (2674).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 262).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص141).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 360).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (3/ 554).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 199).
عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها قَالَتْ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم: «مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ فِيهِ فَهُوَ رَدٌّ» متفق عليه.
ولمسلم: «مَنْ عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ».
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa". waa mutafaq. Muslimna wuxuu leeyahay: "Qofka sameeya camal aan Diinteena ku jirin waa lagu celinayaa".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka ku soo dara Diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil Kitaabka iyo Sunada ah waa lagu celinayaa Ilaahayna ma aqbalaayo.
Faa’iidooyin
Cibaadadu waxay ku dhisan tahay wixii ku soo arooray Qur'aanka iyo Sunada Nabiga, Ilaahay ku caabudimayno wuxuu jideeyey mooyee oo Bidco iyo wax gadaal laga keenay ku caabudimayno.
Diintu maaha Ra'ayi iyo sida Qofku jecel yahay, balse waa raacid Rasuulka la raaco nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee .
Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Diinta kaamilnimadeeda.
Bidcadu waa wax kasta oo Diinta lagu soo daro ee aan jirin waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo Asxaabtiisa ee ah caqiido ama hadal ama camal.
Xadiiskani wa asal ka mida usuusha Islaamka camalkana wuxuu u yahay sida miisaanka, sida camal walba ee aan loo la jeedin Ilaahay darti uusan Qofku ajar uga helayn ayaa camal walba ee aan waafaqsanayn wixii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu la yimid waa lagu celinayaa Qofkii sameeyey.
Xadiiska waxaa ku sugan in wax yaabaha gadaal laga keenay ee la reebay ay yihiin wixii ku saabsan arimaha Diinta ee aan ahayn arimo Aduunyo.
Tixraac
صحيح البخاري (3/ 184) (2697).
صحيح مسلم (3/ 1343) (1718).
التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص16).
شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص96).
فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص38).