U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa

عَنْ عَائِشَةَ رضي الله عنها قَالَتْ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صلى الله عليه وسلم: «مَنْ أَحْدَثَ فِي أَمْرِنَا هَذَا مَا لَيْسَ فِيهِ فَهُوَ رَدٌّ» متفق عليه. ولمسلم: «مَنْ عَمِلَ عَمَلًا لَيْسَ عَلَيْهِ أَمْرُنَا فَهُوَ رَدٌّ».
Caa'isha Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inay tiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka la yimaada waxaan Diinteena ka mid ahayn waa lagu celinayaa". waa mutafaq. Muslimna wuxuu leeyahay: "Qofka sameeya camal aan Diinteena ku jirin waa lagu celinayaa".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Qofka ku soo dara Diinta wax aan ku jirin, ama sameeya camal aan lahayn daliil Kitaabka iyo Sunada ah waa lagu celinayaa Ilaahayna ma aqbalaayo.

Faa’iidooyin
  1. Cibaadadu waxay ku dhisan tahay wixii ku soo arooray Qur'aanka iyo Sunada Nabiga, Ilaahay ku caabudimayno wuxuu jideeyey mooyee oo Bidco iyo wax gadaal laga keenay ku caabudimayno.
  2. Diintu maaha Ra'ayi iyo sida Qofku jecel yahay, balse waa raacid Rasuulka la raaco nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee .
  3. Xadiiskani wuxuu daliil u yahay Diinta kaamilnimadeeda.
  4. Bidcadu waa wax kasta oo Diinta lagu soo daro ee aan jirin waqtigii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee iyo Asxaabtiisa ee ah caqiido ama hadal ama camal.
  5. Xadiiskani wa asal ka mida usuusha Islaamka camalkana wuxuu u yahay sida miisaanka, sida camal walba ee aan loo la jeedin Ilaahay darti uusan Qofku ajar uga helayn ayaa camal walba ee aan waafaqsanayn wixii Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu la yimid waa lagu celinayaa Qofkii sameeyey.
  6. Xadiiska waxaa ku sugan in wax yaabaha gadaal laga keenay ee la reebay ay yihiin wixii ku saabsan arimaha Diinta ee aan ahayn arimo Aduunyo.
Tixraac

صحيح البخاري (3/ 184) (2697). صحيح مسلم (3/ 1343) (1718). التحفة الربانية في شرح الأربعين حديثًا النووية (ص16). شرح الأربعين النووية، لابن عثيمين (ص96). فتح القوي المتين في شرح الأربعين وتتمة الخمسين، للعباد (ص38).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Bidcada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com