U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه أَنَّ رَسُولَ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «مَنْ دَعَا إِلَى هُدًى كَانَ لَهُ مِنَ الْأَجْرِ مِثْلُ أُجُورِ مَنْ تَبِعَهُ، لَا يَنْقُصُ ذَلِكَ مِنْ أُجُورِهِمْ شَيْئًا، وَمَنْ دَعَا إِلَى ضَلَالَةٍ كَانَ عَلَيْهِ مِنَ الْإِثْمِ مِثْلُ آثَامِ مَنْ تَبِعَهُ، لَا يَنْقُصُ ذَلِكَ مِنْ آثَامِهِمْ شَيْئًا».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay -nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee- uu yiri: "Qofka dadka hanuun ugu yeera wuxuu helayaa ajarka ay helayaan dadka hanuunka ku raacay mid la mida, iyagoon ajarkooda laga nusqaamin, qofkase ugu yeera dadka Baadil wuxuu helayaa dambiga ay yeeshaan dadka ku raacay Baadilka, iyadoo aan danbigoodii waxba laga nusqaamin."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee wuxuu cadeeyey- in qofka dadka ku haga, tusa, oo ku booriya wanaaga iyo kheyrka hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, inuu helayo ajar la mida ajarka dadka kheyrka ku raaca uu helayo, iyadoon waxba laga dhimayn ajarkooda. Qofkase dadka ku haga ee tusa dariiqa Baadilka iyo Shar danbigi iyo gaf ku jiraan ama arin aan banaanayn, hadal iyo ficil kuu doonaba ha ahaadee, wuxuu helayaa Dambiga ay yeelanayaan dadka Xumaanta ku raacay, iyagoo aan laga nusqaamin Dambiyadooda waxba.

Faa’iidooyin
  1. Fadli weyn baa ku jira dadka oo hanuunka iyo kheyrka loogu yeero, ha badnaato ama ha yaraatee, qofka daaciga ah ee dadka kheyrka u hor seedana wuxuu leeyahay ajarka qofka waanagiisa ku camal falay oo kale, arinkaasina waa fadliga Ilaahay iyo kaamilnimada deeqsinimadiisa.
  2. khatar ayaa ku jirta dadka oo xumaan loogu yeero, wax weyn iyo wax yar kay doontaba ha ahaatee, midka xumaanta ugu yeeraya dadka wuxuu leeyahay Dambiga uu helayo kan Xumaanta ka qaatay ee uu sameeyey.
  3. Abaal marintu waa nooca hadba camalku yahay, qofka kheyr dadka ugu yeera kheyrkaa cida sameysa ajarkeedoo kale ayuu helayaa, midka Sharka ugu yeerana Sharkaa cida sameysa Dambiga ay ka helayaan oo kale ayuu leeyahay.
  4. Qofka Muslimka ah waa inuu ka digtoonaadaa in lagaga daydo Xumaanta uu muujiyey dadka hortiisa, waayo waxaa dusha loo saarin Dambiga dadka kaga dayda xumaanta waloow yaanu ku boorine.
Tixraac

صحيح مسلم (4/ 2060) (2674). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 262). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص141). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 360). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (3/ 554). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (1/ 199).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Bidcada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com