Cabdullaahi Binu Mascuud-Allaha ka raali ahaadee, waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuu yiri: ''waa salaadoo waqtigeeda la tukado'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: '' labada waalid oo baari loo noqodo'' wuxuu yiri: maxaa ku xiga? wuxuu yiri: ''jidka Ilaahay oo lagu jihaado'' wuxuu yiri: intaasuu ii sheegee, hadaan kordhisan lahaa wuu ii kordhin lahaa.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey camalkee Ilaahay ugu jecel yahay? wuxuuna ku jawaabay: Salaada falarka ah in waqtigeeda shareecadu xadeysey lagu tukado. Waxaa ku xiga, labada waalid oo loo baari noqdo loona samafalo, xaqoodan la guto, lagana daayo caasinimada. waxaa ku xiga, Jidka Ilaahay oo lagu jihaado, si kalmada Ilaahay ay u sarayso, iyadoo la difaacaayo Islaamka iyo dadkiisa, loona muujiyo shacaa`irta Islaamka, iyadoo loo hurayo Nafta iyo Maalkaba.
Cabdullaahi Binu Mascuud- Ilaahay ha ka raali ahaadee: waxaa laga wariyey inuu yiri: intaasuu ii sheegay-Rasuulku nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee-, hadaan ku dhihilahaa: maxaa ku xiga? wuu ii siyaadin lahaa.
Faa’iidooyin
Camalku wuxuu ku kala fadli badan yahay sida uu Ilaahay u kala jecel yahay.
Muslimka waxaa lagu dhiiri gelinayaa inuu ku dadaalo camalba camalka uu kasii fadli badan yahay.
Jawaabaha Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu ka bixiyey camalka ugu fadli badan waxay u kala duwan yihiin waa sida uu dadku axwaashoodu u kala duwan tahay, iyo qof walba sida u roon oo dantu ugu jirto.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 112) (527).
صحيح مسلم (1/ 90) (85).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 70).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص84).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 108).
عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «إِنَّ أَثْقَلَ صَلَاةٍ عَلَى الْمُنَافِقِينَ صَلَاةُ الْعِشَاءِ وَصَلَاةُ الْفَجْرِ، وَلَوْ يَعْلَمُونَ مَا فِيهِمَا لَأَتَوْهُمَا وَلَوْ حَبْوًا، وَلَقَدْ هَمَمْتُ أَنْ آمُرَ بِالصَّلَاةِ فَتُقَامَ، ثُمَّ آمُرَ رَجُلًا فَيُصَلِّيَ بِالنَّاسِ، ثُمَّ أَنْطَلِقَ مَعِي بِرِجَالٍ مَعَهُمْ حُزَمٌ مِنْ حَطَبٍ إِلَى قَوْمٍ لَا يَشْهَدُونَ الصَّلَاةَ، فَأُحَرِّقَ عَلَيْهِمْ بُيُوتَهُمْ بِالنَّارِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Salaadaha ugu culus munaafiqiinta waa labada salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, hadayse ogaan lahaayeen waxa ku jira ee fadligooda ah waxay ku imaan lahaayeen gurguurasho, waxaan ku hamiyey in Salaada la aqiimo oo aan u diro nin Jamaacada tujiya, Aniguna intaan kaxaysto Rag Xaabo xirmooyina wata oo aan la aadno Qolada aan Salaada imaanin oo aanu guryahooda ku Gubno.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Munaafiqiinta iyo ka caga jiidkooda iyo karahsigooda Salaadaha, gaar ahaana labada Salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, haday ogaan lahaayeen ajarka iyo fadliga ku jira Salaadahaa oo Jamac lagula tukado Muslimiinta way imaan lahaayeen xataa iyagoo sida caruurta ku gur-guuranaya gacmaha iyo jilbaha.
Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu go'aansaday inuu amro in Salaadda la aqiimo, oo nin dadka ka mida imaam u noqdo oo dadka tujiyo, isaguna intuu kaxaysto kuwo Xaabo sida ay aadaan Raga aan Salaada jamaca imaanayn oo uu guryahooda dab ku soo gubo, waayo waxay sameeyeen ee dambi ah awgeed laakiin muuna samayn, dadka Guryaha jooga ee Dumar, Caruur aan dambi lahayn, iyo dad cudur-daar leh dambina aan lahayn dartood ayuuna sidaa u samayn.
Faa’iidooyin
Xadiiska waxaa ku sugan Khatarta ay leedahay in Salaada Jamaacada ee lagu tukado Masaajidka laga haro.
Munaafiqiintu u gama jeedaan cibaadadooda is tus tus iyo magac ku raadin mooyaane, sidaa darteed iman maayaan Salaada waqtiga uu dadku arkayo mooyee.
Fadliga labada Salaadood ee Cishaa'iga iyo Subaxa oo jamaca lala tukado, waxayna mudan yihiin in la soo xaadiro -Jamaca Masaajidka- gur-guurashaba ha lagu yimaadee.
Ilaalinta salaadda Cishe iyo tan Subaxa waxaa ku jira ka badbaadida Munaafiqnimada, ka maqnaan shahooduna waa astaamaha Maafiqiinta.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 451) (651).
صحيح البخاري (1/ 132) (657).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 88).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص107).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 136).
Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Asaxaabiga Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay inuu Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- uu balan kula galay tawxiidka Ilaahay, gudashada salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka, iyadoo uu u dhamaystirayo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda, bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah oo waajib ah, taasoo laga qaado kuwa xoolaha leh oo la siinayo kuwa xaqa u leh ee fuqarada iyo kuwa lamidka ah, iyo inuu adeeco madaxda, oo muslim kasta u naseexeeyo, isagoo ku dadaalaya wax tarkiisa iyo inuu khayrka gaarsiiyo, oo sharka ka difaaco hadal ahaan iyo ficil ahaanba .
Faa’iidooyin
xadiiska waxaa ku sugan muhimada ay leeyihiin salaada iyo sakadu, waxayna ka mid yihiin arkaanta Islaamka.
عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان يقول: «الصَّلَوَاتُ الْخَمْسُ، وَالْجُمُعَةُ إِلَى الْجُمُعَةِ، وَرَمَضَانُ إِلَى رَمَضَانَ، مُكَفِّرَاتٌ مَا بَيْنَهُنَّ إِذَا اجْتَنَبَ الْكَبَائِرَ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu oran jiray: "Salaadaha Shanta ah, iyo Jimce ilaa Jimcada kale, iyo Ramadaan ilaa Ramadaanka kale, waa lagu danbi dhaafaa inta u dhaxaysa hadii laga fogaado kabaa`irta".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Salaadaha Shanta ah ee la isku farad yeelay Maalinta iyo Habeenka, iyo Salaada Jumcaha ee Usbuucii mar ah, iyo Soonka oo Bisha Ramadaan oo Sanadkii mar ah lagu dhaafo dambiyada yaryar waana shardi in laga fogaado dambiyada waa weyn. Dambiyada waaweyn sida Sinada iyo Khamri cabida laguma dhaafo towbo maahee.
Faa’iidooyin
Dambiyada waxaa ka mida kuwo yaryar iyo kuwo waaweyn.
Dambiyada yaryar dhaafidooda waxaa u shardi ah in laga fogaado dambiyada waaweyn.
Danbiyada waaweyni waa dambiyada ay ku soo aroortay Xad Aduunka ah ama loogu goodiyey in Aakhiro la cadaabayo, ama Ilaahay u caroonaya, ama ku soo aroortay hanjabaad ama la lacnadayo kan ficilka sameeyey sida sinada iyo khamri cabida.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 209) (233).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 183).
نزهة المتقين بشرح رياض الصالحين، لمصطفى سعيد الخن (1/ 158).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص108).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم بن عيد الهلالي (1/ 209).
Macdaan Binu Abii Dalxa Alyacmari -Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Waxaan la kulmay Thowbaan oo ah mawlihii (adeegihii) Rasuulka (kii Nabigu xoreeyey), waxaan ku iri: ii sheeg camal aan falo oo Ilaahay janada igu geliyo? ama wuxuu yiri: waxaan ku iri: camalka Ilaahay ugu jecel yahay, wuu aamusay. hadana waan weydiiyey wuu aamusay. mar saddexaad baan weydiiyey wuxuuna yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- ayaan weydiiyey su'aashaa, wuxuuna yiri: "Ilaahay darti sujuuda u badi, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin dambina wuu kaaga dhaafin" wuxuu yiri Macdaan: hadana waxaan la kulmay Abu dardaa waxaana weydiyey -su'aashaas- wuxuuna igu yiri: sidii Thowbaan ii sheegay oo kale.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ayaa la weydiiyey camal sabab u noqonaya galitaanka janada, ama camalka Ilaahay ugu jecel yahay?
Wuxuu ku yiri -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee -ninkii su'aasha weydiiyey: joogtee inaad badsato sujuuda salaada dhexdeeda, sujuud kasta oo aad Ilaahay u sujuudid darajo ayuu kor kuugu qaadin, dambina wuu kaaga dhaafin.
Faa’iidooyin
Qofka muslimka waxaa lagu boorinayaa inuu ku dadaalo salaada faral iyo sunaba, sujuuda ku jirta awgeed.
Xadiiska waxaa ku cad fahamka asaxaabta iyo inay cilmi u lahaayeen inaan janada lagu helayn -naxariista Ilaahay ka dib- hadii aan la camal falan.
Sujuudu waa asbaabta ugu wayn ee darajada kor loogu qaado, dambiyadana lagu dhaafo.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 353) (488).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين.
بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (1/ 188).
نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (1/ 137).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 105).
شرح النووي على مسلم، (4/ 205).
Abii Hureyra-Allaha ka raalli ahaadee- waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa?" waxay dheheen: wax uskag ah kuma harayo qofkaa, wuxuu yiri: "sidaa waxaa la mid ah salaadaha shanta ah, oo Ilaahay dambiyaduu ku baabi'iyaa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku matalay shanta salaadood ee habeenka iyo maalinta la tukado sida ay u baabi'iyaan dambiyada yar-yar sida wabi qul-qulaya al-baabka qof guri, oo uu ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, qofkaas wax uskag ah ama wasakh ah kuma harayaan.
Faa’iidooyin
Fadligaasi wuxuu gaar ku yahay in lagu dhaafo danbiyada yar yar, Danbiyada waawaynse waa in laga towbad keeno.
Fadliga gudashada salaadaha shanta ah ee faralka iyo in la ilaaliyo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda waa mid wayn.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 112) (528).
صحيح مسلم (1/ 462) (667).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (2/ 773).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص610).
المعجم الوسيط، (1/ 282).
النهاية في غريب الحديث والأثر، لابن الأثير (2/ 115).
عن جُندب بن عبد الله القَسْرِِي رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «مَنْ صَلَّى صَلَاةَ الصُّبْحِ فَهُوَ فِي ذِمَّةِ اللهِ، فَلَا يَطْلُبَنَّكُمُ اللهُ مِنْ ذِمَّتِهِ بِشَيْءٍ، فَإِنَّهُ مَنْ يَطْلُبْهُ مِنْ ذِمَّتِهِ بِشَيْءٍ يُدْرِكْهُ، ثُمَّ يَكُبَّهُ عَلَى وَجْهِهِ فِي نَارِ جَهَنَّمَ».
Jundub Binu Cabdulaahi Alqusari Allaha ka raali ahaadee waxa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka tukada Salaada Subaxa Ilaahay magantiisuu ku jiraa, ee yaanu Ilaahay idinka dalbin shay ka mida magantiisa, waayo Qofkii Ilaahay magantiisa shay ka mida uu ka dalbo wuu qabanayaa, ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa Naarta Jahanama.
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka tukada Salaada Subxa inuu ku jiro Ilaahay xifdigiisa, ilaalintiisa, waardiyihiisa, difaacidiisa iyo u gargaaridiisa.
Ka dib Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digay in la jabiyo oo laga boxo balankaa, taasoo ah in Qofku ka tago Salaada Subaxa, ama Qof tukaday Salaadii Subax uu dhib u gaysto, Qofkii sidaa sameeya wuxuu buriyey balantii, wuxuuna mutaystay goodiga adag, iyado Ilaahay ku ciqaabidoono danbiga uu ku dhacay, Qofkii Ilaahay ka dalbo magantiisa wuu qabanayaa ka dibna wuxuu wajiga ugu tuurayaa Naarta.
Faa’iidooyin
Waxaa la cadeeyey muhimada Salaada fajarka iyo fadligeedaba.
Digniin adag ayaa loo diray qofka dhibaato u gaysta dadka Salaada Subaxa tukaday.
Ilaahay ayaa ka aara kuwa dhibaateeya Adoomadiisa Saalixiinta ah.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 454) (657).
المعجم الأوسط (4/ 5) (3464).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين (1/ 249).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 561).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 323).