Nabigu-naxariis iyo nabadi korkii ha ahaatee- wuxuu cadeeyey in qof walba oo Muslim ah oo uu u soo galo waqtiga salaada wajibka ah oo hagaajiya waysadeeda oo dhamaystira, ka dib ku khushuuca salaadiisa isagoo qalbigiisa iyo xubnihiisa hor gaynaya Ilaahay iyo waynankiisa, isagoo dhamaystiraya camalka salaada sida rukuuca, sujuuda iyo qayrki, salaadaasi waxay noqonaysaa mid loogu danbi dhaafo wixii danbi yar ar ahaa ee salaadaas ka horeeyey, haduusan la imaan danbi wayn oo ka mida danbiyada kabaa`irta, fadligaasi wuxuu jiraa waqti walba iyo salaad walba.
- Salaada lagu dhaafo dambiyada waa mida uu adoonku wanaajiyo waysadeeda, khushuucna ku tukado isagoo Ilaahay darti ula jeeda.
- Fadli wayn baa ku jira joogtaynta cibaadada, waxayna sabab u tahay in lagu dhaafo danbiyada yaryar.
- Fadli wayn baa ku jira wanaajinta waysada iyo wanaajinta salaada oo khushuuc lagu tukado.
- Waxaa muhiim ah ka fogaanta dambiyada waawayn, si looga dhaafo adoonka dambiyada yar-yar.
- Dambiyada waawayn laguma dhaafo towba keen waxaan ahayn.
صحيح مسلم (1/ 206) (228). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 257). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص611). فيض القدير شرح الجامع الصغير، لعبدالرؤوف المناوي (5/ 472). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (13/ 243). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (2/ 773).