U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa

عن أَبِي مُوسَى الأَشْعَرِيِّ رضي الله عنه: أَنَّ رَسُولَ اللهِ صلى الله عليه وسلم قَالَ: «مَنْ صَلَّى ‌الْبَرْدَيْنِ دَخَلَ الْجَنَّةَ»
Abuu Muusa Alashcari-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu Rasuulka ka wariyey-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaate- inuu yiri: "Qofka tukada labada salaadood ee qabaw janaduu galayaaa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Wuxuu Nabigu ku booriyey dadku inay ku dadaalaan salaada labada qabaw ee ah salaada fajarka iyo casarka, wuxuuna ugu bishaareeyey qofka labadaa salaadood xaqooda ula yimaada ee ilaaliya waqtigooda, jamaacana ku tukada, waxay sabab ugu noqdaan janada galideeda.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku cad fadliga salaada fajarka iyo casarka, waayo fajarku waa waqtiga hurdadu ugu macaan tahay, casarkuna wuxuu ku beegan yahay waqti dadku ku mashquul yahay shaqadiisa, qofka labadaa salaadood ilaaliya waa hubaal inuu kuwa kalana ilaalinaayo.
  2. Salaada fajarka iyo casarka waxaa lagu magacaabay labada qabaw, waayo salaada subax waxaa jooga qabawga habeenka, salaada casarna waxaa jooga qabowga maalintii inkasta oo ay tahay waqti kulul waxayse ka qabowdahay waqtigii ka horeeyey ama waxaa loogu magacaabay in magacu qaalib ka noqday sida loo yiraahdo qoraxda iyo dayaxa: Alqamaraan.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 119) (574). صحيح مسلم (1/ 440) (635). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (1/ 159). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 187).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Salaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com