Abii Hureyra-Allaha ka raalli ahaadee- waxaa laga wariyey inuu ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: "Ka warama haddii wabi marayo albaabka midkiin, oo ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, uskag maku harayaa qofkaa?" waxay dheheen: wax uskag ah kuma harayo qofkaa, wuxuu yiri: "sidaa waxaa la mid ah salaadaha shanta ah, oo Ilaahay dambiyaduu ku baabi'iyaa."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu ku matalay shanta salaadood ee habeenka iyo maalinta la tukado sida ay u baabi'iyaan dambiyada yar-yar sida wabi qul-qulaya al-baabka qof guri, oo uu ku qubaysanayo maalin walba shan jeer, qofkaas wax uskag ah ama wasakh ah kuma harayaan.
Faa’iidooyin
Fadligaasi wuxuu gaar ku yahay in lagu dhaafo danbiyada yar yar, Danbiyada waawaynse waa in laga towbad keeno.
Fadliga gudashada salaadaha shanta ah ee faralka iyo in la ilaaliyo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda waa mid wayn.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 112) (528).
صحيح مسلم (1/ 462) (667).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، مجموعة من الباحثين (2/ 773).
تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص610).
المعجم الوسيط، (1/ 282).
النهاية في غريب الحديث والأثر، لابن الأثير (2/ 115).