U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Bilaalow, Salaada aqiim oo noogu raaxee

عن سالم بن أبي الجَعْدِ قال: قال رجل: ليتني صَلَّيتُ فاسترحْتُ، فكأنّهم عابُوا ذلك عليه، فقال: سمعتُ رسولَ الله صلى الله عليه وسلم يقول: «يا بلالُ، أقِمِ الصَّلاةَ، أرِحْنا بها».
Saalim Binu Abii Jacdi Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey inuu yiri: nin ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan nasto, waaba iyadoo aad moodid inay arinkaas ay ku ceebeeyeen, wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaan maqlay isagoo dhahaya: "Bilaalow, Salaada aqiim oo noogu raaxee".
Waxa wariyay Abuu Daa'uudDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nin Saxaabada ka mid ahaa ayaa yiri: shalaytadaydee maan tukado oo aan raaxaysto, dadkii la fadhiyey ayaa arinkaa ku ceebeeyey, wuxuu yiri: Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee ayaan ka maqlay isagoo dhahaya: Bilaalow! kor u qaad Aadaanka oo Salaada aqim, si aan ugu raaxaysano, taasina waa waxa ku jira Salaada ee ah Ilaahay la sheekaysigiisa iyo raaxada Ruuxda iyo Qalbiga ah.

Faa’iidooyin
  1. Raaxada Qalbigu Salaaday ku jirtaa, waayo waxaa ku jira Salaada Ilaahay la sheekaysigiisa.
  2. Waa in lagu inkiro Qofka cibaadada ka Caga jiida.
  3. Qofka guta waajibka saaran, ee masuuliyada saaran ka soo baxa, wuxuu helayaa oo uu dareemayaa raaxo iyo xasilooni.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 338) (4985)، الكاشف عن حقائق السُّنن (4/1217)، عون المعبود وحاشية ابن القيم (13/ 225)، مرقاة المفاتيح (3/939) ، شرح سنن أبي داود للعباد (567/ 6).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Salaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com