U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo

عَنْ جَرِيرِِ بْنِ عَبْدِ اللَّهِ رضي الله عنه قَالَ: بَايَعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَلَى شَهَادَةِ أَنْ لاَ إِلَهَ إِلَّا اللَّهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا رَسُولُ اللَّهِ، وَإِقَامِ الصَّلاَةِ، وَإِيتَاءِ الزَّكَاةِ، وَالسَّمْعِ وَالطَّاعَةِ، وَالنُّصْحِ لِكُلِّ مُسْلِمٍ.
Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee-waxaa laga wariyey inuu yiri: Waxaan balan kula galay Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-inaan qiro Ilaahay maahee inaan Ilaah kale uusan jirin, Maxamadna Rasuulka Ilaahay soodiray yahay, iyo salaada oo la oogo, sakada oo la bixiyo, iyo in la is maqalo oo la is adeeco iyo in muslim walba loo nasexeeyo.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Asaxaabiga Jariir Binu Cabdullaahi-Allaha ka raali ahaadee- wuxuu sheegay inuu Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ah ahaatee- uu balan kula galay tawxiidka Ilaahay, gudashada salaadaha shanta ah ee faralka ah maalinta iyo habeenka, iyadoo uu u dhamaystirayo shuruudeeda, arkaanteeda, waajibaadkeeda, sunanteeda, bixinta sakada waajibka ah, waana cibaado maali ah oo waajib ah, taasoo laga qaado kuwa xoolaha leh oo la siinayo kuwa xaqa u leh ee fuqarada iyo kuwa lamidka ah, iyo inuu adeeco madaxda, oo muslim kasta u naseexeeyo, isagoo ku dadaalaya wax tarkiisa iyo inuu khayrka gaarsiiyo, oo sharka ka difaaco hadal ahaan iyo ficil ahaanba .

Faa’iidooyin
  1. xadiiska waxaa ku sugan muhimada ay leeyihiin salaada iyo sakadu, waxayna ka mid yihiin arkaanta Islaamka.
  2. muhimad wayn ayey leedahay waanada iyo inay isu naseexeeyaan muslimiintu, ilaa uu Rasuulku naxariis iyo nabdi korkiisa ha ahaatee kula mubaayacooday asxaabta.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 111) (524)، (3/ 72) (2157). صحيح مسلم (1/ 75) (56). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 272). تطريز رياض الصالحين، لفيصل آل مبارك (ص145). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 398). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (1/ 206).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Fadliga Salaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com