U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Salaadaha ugu culus munaafiqiinta waa labada salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, hadayse ogaan lahaayeen waxa ku jira ee fadligooda ah waxay ku imaan lahaayeen gurguurasho

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: قال رسول الله صلى الله عليه وسلم: «‌إِنَّ ‌أَثْقَلَ صَلَاةٍ عَلَى الْمُنَافِقِينَ صَلَاةُ الْعِشَاءِ وَصَلَاةُ الْفَجْرِ، وَلَوْ يَعْلَمُونَ مَا فِيهِمَا لَأَتَوْهُمَا وَلَوْ حَبْوًا، وَلَقَدْ هَمَمْتُ أَنْ آمُرَ بِالصَّلَاةِ فَتُقَامَ، ثُمَّ آمُرَ رَجُلًا فَيُصَلِّيَ بِالنَّاسِ، ثُمَّ أَنْطَلِقَ مَعِي بِرِجَالٍ مَعَهُمْ حُزَمٌ مِنْ حَطَبٍ إِلَى قَوْمٍ لَا يَشْهَدُونَ الصَّلَاةَ، فَأُحَرِّقَ عَلَيْهِمْ بُيُوتَهُمْ بِالنَّارِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Salaadaha ugu culus munaafiqiinta waa labada salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, hadayse ogaan lahaayeen waxa ku jira ee fadligooda ah waxay ku imaan lahaayeen gurguurasho, waxaan ku hamiyey in Salaada la aqiimo oo aan u diro nin Jamaacada tujiya, Aniguna intaan kaxaysto Rag Xaabo xirmooyina wata oo aan la aadno Qolada aan Salaada imaanin oo aanu guryahooda ku Gubno.
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Munaafiqiinta iyo ka caga jiidkooda iyo karahsigooda Salaadaha, gaar ahaana labada Salaadood ee Cishaha iyo Subaxa, haday ogaan lahaayeen ajarka iyo fadliga ku jira Salaadahaa oo Jamac lagula tukado Muslimiinta way imaan lahaayeen xataa iyagoo sida caruurta ku gur-guuranaya gacmaha iyo jilbaha. Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu go'aansaday inuu amro in Salaadda la aqiimo, oo nin dadka ka mida imaam u noqdo oo dadka tujiyo, isaguna intuu kaxaysto kuwo Xaabo sida ay aadaan Raga aan Salaada jamaca imaanayn oo uu guryahooda dab ku soo gubo, waayo waxay sameeyeen ee dambi ah awgeed laakiin muuna samayn, dadka Guryaha jooga ee Dumar, Caruur aan dambi lahayn, iyo dad cudur-daar leh dambina aan lahayn dartood ayuuna sidaa u samayn.

Faa’iidooyin
  1. Xadiiska waxaa ku sugan Khatarta ay leedahay in Salaada Jamaacada ee lagu tukado Masaajidka laga haro.
  2. Munaafiqiintu u gama jeedaan cibaadadooda is tus tus iyo magac ku raadin mooyaane, sidaa darteed iman maayaan Salaada waqtiga uu dadku arkayo mooyee.
  3. Fadliga labada Salaadood ee Cishaa'iga iyo Subaxa oo jamaca lala tukado, waxayna mudan yihiin in la soo xaadiro -Jamaca Masaajidka- gur-guurashaba ha lagu yimaadee.
  4. Ilaalinta salaadda Cishe iyo tan Subaxa waxaa ku jira ka badbaadida Munaafiqnimada, ka maqnaan shahooduna waa astaamaha Maafiqiinta.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 451) (651). صحيح البخاري (1/ 132) (657). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 88). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص107). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (1/ 136).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Nifaaqa

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com