Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ku ducaysta oo dhaha: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal."
hadal kale oo Muslim leeyahay wuxuu ahaa: "markuu midkiin dhamaysto Ataxiyaadka u dambeeya, Ilaahay ha ka magan galo afar: cadaabta jahanama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo sharka Masiixu Dajaal."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gala afar, Ataxiyaadka u dambeeya ka dib, iyo salaama naqsiga ka hor, wuxuuna nafaray inaan Ilaahay ka magan galno afartaa,
Tan 1aad: Cadaabta Qabriga.
Tan 2aad: Cadaabta Naarta ee Maalinta Qiyaamaha.
Tan 3aad: fitnada nolosha, ee ah Shahawaatka Aduunyada ee xaaraanta ah iyo shubuhaadka lagu lumo iyo fitnada dhimashada, waa marka sakaraadku jiro, oo Islaamnimada ama Sunada uu ka leexdo, fitnada Qabriga sida su'aasha labada Malag.
Tan 4aad: fitnada Masiixu Dajaal ka soo bixidoona Aakhiru Samaanka, Ilaahayna Adoomadiisa ku imtixaamayo, wuxuuna sigaar ah ugu xusay fitmadiisa oo aad u wayn iyo dadka oo uu baadiyeynaayo.
Faa’iidooyin
Magan galkaani waa waxa ugu muhimsan ducada wax badana soo hoos galayaan, waayo waxaa soo galaya in laga magan galo Sharka Aduunka iyo Aakhiraba.
Waa sugan yahay Cadaabul Qabrigu waana xaq.
Fitantu waa khatar waana muhiim in Ilaahay la kaalmaysto oo lana baryo si looga nabad galo.
Way sugan tahay soo bixida Dajaal fitnadiisuna waa wayn tahay.
waxaa Suna ah ducadan in la Akhristo Ataxiyaadka u dambeeya ka dib.
camalka saalixa ah ka dib ducadu waa Suno
Tixraac
صحيح البخاري (2/ 99) (1377).
صحيح مسلم (1/ 412) (588).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 172).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص212).
خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص96).
Qaabab kale oo ducada salaada lagu bilaabo ah ayaa soo arooray, sida ugu fadliga badana waa inuu qofku ducooyinka soo arooray ee Nabiga scw ka sugan midba mar la yimaado.
Tixraac
صحيح البخاري (1/ 149) (744).
صحيح مسلم (1/ 419) (598).
الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 118).
تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص143).
تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (2/ 186).
Abii Subeyr Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Ibnu Subeyr wuxuu oran jirey dhaha Salaad kasta gadaasheeda marka uu salaama naqsado: "majiro Ilaah Xaq lagu Caabudo ee aan Allah ahayn, mana jiro wax la wadaaga Boqornimadiisa, isagaana leh mahad oo dhan, wax walbana isagaa awooda, xeelad iyo awood aan isaga xagiisa ahaynna majirto, Ilaahay mooyee Ilaah kalana majiro, isaga mooyee cid kalana macaabudayno, nicmada iyo fadliga oo dhanna isagaa iskaleh, amaan wanaagsana isgay u sugnaatay, Ilaahay maahee Ilaah kale majiro, isagaan u barax tiraynaa camalkayaga iyo umuuraha Diinta oo dhan, xataa haday gaaladu dhibsadaan" wuxuuna dhahay: "wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid dhaha dikrigaan Salaad kasta dabadeeda".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa markuu ka boxo Salaad kasta oo waajib ah inuu akhriyo dikraan wayn macnihiisuna waa:
"Laa Ilaaha ilaa Allaah": majiro mid xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn.
"Waxdahuu laa shariika lahu" ma jiro cid la wadaagta Ilaah Nimcadiisa, Rabi nimadiisa, magacyadiisa iyo Sifooyinkiisa.
"Lahul-mulku" Ilaahay kaligi ayaa iska leh mulkiga guud ee caamka ah ee shaamilka ah ee waasica ah waa mulkiga Samooyinka iyo Dhulka iyo inta dhuxaysa.
"Walahul-xamdu" Ilaahay isagaa ku sifoobay kaamilnimo guud oo lagu mahadiyo maxabo kaamila iyo xaalad walba oo la wayneeyo, hadii dhib jiro iyo hadii dheefi jirtoba.
"Wa huwa calaa kulli shay'in qadiir" awoodiisu waa kaamil oo dhinac walba taamka ah wax uusan awoodin ma jiro arin ku adkaanayana ma jiro.
"Laa xawla walaa quwata ilaa Billaah" ma jirto cid xaalad uga wareegi karta xaalad kale ama xaalad macsi ah uga wareegi karta xaalad cibaado ah, cid awood leh ma jirto in Ilaahay u kaalmeeyo mooyee oo isaga la talo saarto.
"Laa ilaaha Ilaa Allaah,walaa nacbudu ilaa Iyaahu" waa hadal xoojinaya macnaha Ilaahnimada, oo diidaya Shirkiga, mana jiro cid cibaadada xaq u leh oo aan Ilaahay ahayn.
"Lahu nicmatu walahul-fadlu" Ilaahay Isagaa abuuray nicmooyinka isagaana leh, wuxuuna siiyaa ciduu doono ee Adoomadiisa ah.
"Walahu thanaa ul-xusan" amaanta fiican waxaa iska leh Ilaahay Daatadiisa, Afcaashiisa, Nicmooyinkiisa iyo xaalad walba.
"Laa ilaaha ilaa Allaah, mukhlisiina lahu Diin" Ilaahay ayaan kali yeelaynaa cidna istusimayno cidna maqashiin mayno Ilaahay cibaadadiisa.
"Walow kariha AlKaafiruun waxaan ku sugnaanaynaa towxiidka Ilaahay iyo cibaadadiisa haba dhibsadaan gaaladuye.
Faa’iidooyin
Waa Suno in la ilaaliyo dikrigaan Salaad walba oo waajiba gadaasheeda.
Muslimku wuxuu ku faanaa oo ciso ku leeyahay Diintiisa wuuna muujiyaa cibaadada diinta, xataa haday dhibsadaan Gaaladu.
Hadii ay ku soo aroorto Xadiiska erayga: "Salaada dabadeeda" hadii aanu ku sugnayn xadiiska dikri, sida asalka ahi waa in dikrigaasi salaama naqsiga ka dambeeyaa, hadayse duco tahay waxay ahaanaysaa salaama naqsiga ka hor.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 415) (594).
سبل السلام شرح بلوغ المرام، للصنعاني (1/ 293).
كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (17/ 61).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (2/ 973).
بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (2/ 499).
مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (2/ 762).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (5/ 492).
عن ابن عباس رضي الله عنهما: كان النبي صلى الله عليه وسلم يقول بين السجدتين: «اللَّهمَّ اغْفِرْ لي، وارْحَمْنِي، وعافِني، واهْدِني، وارزقْنِي».
Ibnu Cabbaas Allah ka raali ahaado isagiyo Aabbihiyee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu oran jirey inta u dhaxaysa labada sujuudood: "Allahayow ii dambi dhaaf, iina naxariiso, oo icaafi ina hanuuni, oo i irsaaq".
Waa wariyay Abuu Daa'uud, At-Tirmidi, Ibnu Maajah, Iyo AxmedDarajoXadiis Xasan ah marka la eego u Marag kaca kale ee soo arooray
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ku ducaysan jiray inta u dhaxaysa labad sujuudood ducooyinkan shanta ah ee Muslimku si weyn ugu baahan yahay iyado ay ku jirto khayrka Aduunyada iyo kan Aakhiraba, sida dambi dhaaf waydiisasho, dambi asturka iyo cafintiisa, raxmad balaaran, in laga caafimaado shubuhaatka, shahawaatka, cudurada iyo bugtada, iyo in Ilaahay la waydiisto ku hanuunida xaqa, iyo ku sug naashihiisa, iyo in Ilaahay ku arsaaqo iimaan, cilmi, camal saalixa, iyo maal xalaal ah oo wanaagsan.
Faa’iidooyin
Ducadaasi waa sharci in la akhriyo fadhiga labada sujuudood u dhexeeya.
Ducooyinkani waa qaar aad u fadli badan waxa ku jira khayrka Aduun iyo kan Aakhiraba.
Tixraac
سنن أبي داود (2/ 138) (850).
سنن الترمذي (1/ 317) (284).
سنن ابن ماجه (2/ 64) (898).
مسند أحمد (5/ 72) (2895).
مشكاة المصابيح، للتبريزي (1/ 283).
سبل السلام شرح بلوغ المرام، لمحمد الصنعاني (1/ 274).
توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، لعبد الله البسام (2/ 240).
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka dhaha Salaada faralka ah gadaasheeda:
33jeer: (Subxaana Allaah) waana Ilaahay oo laga nasahayo ama laga hufayo wax kastoo nusqaan ah.
Iyo 33 jeer: (Alxmdu lillaah), waana amaan Ilaahay lagu amaanayo Sifooyinkiisa kaamilka ah, Isagoo la jecel yahay lana wayneynaayo.
Iyo 33 jeer: (Allaahu akbar), waana Ilaahay inuu ka wayn yahay oo ka mudan yahay shay walba.
Waxaa lagu dhamaystirayaa tirada 100 hadka ah: (laa ilaaha illaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku, walahul-xamdu, wahuwa calaa kulli shay'in qadiir) oo macneheedu yahay: majiro macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn isagoo kaligi ah ee shariig lahayn, Isagaana nusqaan oo dhan ka hufan, oo gaar uleh boqornimada taamka ah, Isagaana xaq leh amaanta buuxda iyo in la jeclaado oo la wayneeyo, Isagaana awood badan oo wax is hortaagi karana jirin.
Qofka dhaha intaa waxaa laga tiraa dambiyadiisa, waana loo dambi dhaafaa haba u badnaato sida xoorka cad ee badda korkeeda saaran marka mawjada baddu kacdo.
Faa’iidooyin
Waa suno in dikrigaan la akhriyo salaadaha faralka ah ka dib.
Dikrigani wuxuu sabab u noqonayaa in dambiga la dhaafo.
Fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa iyo dambi dhaafkiisuba aad bay u wayn yihiin.
Dikrigaani wuxuu sabab u noqonayaa in dambiga la dhaafo, waxaana loo jeedaa: dambiyada yar-yar, laakiin dambiyada waaweyn laguma dhaafo waxaan towbokeen ahayn.
Tixraac
صحيح مسلم (1/ 418) (597).
سبل السلام شرح بلوغ المرام، لمحمد الصنعاني (1/ 295 ).
توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (2/ 304).
فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (2/ 182).