U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَنْ سَبَّحَ اللهَ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ، وَحَمِدَ اللهَ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ، وَكَبَّرَ اللهَ ثَلَاثًا وَثَلَاثِينَ، فَتْلِكَ تِسْعَةٌ وَتِسْعُونَ، وَقَالَ: تَمَامَ الْمِائَةِ: لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ الْمُلْكُ وَلَهُ الْحَمْدُ وَهُوَ عَلَى كُلِّ شَيْءٍ قَدِيرٌ غُفِرَتْ خَطَايَاهُ وَإِنْ كَانَتْ مِثْلَ زَبَدِ الْبَحْرِ».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey in Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofka Ilaahay u tasbiixsada (dhaha: subxaana Allaah) Salaad kasta gadaasheed 33 jeer, ee Ilaahay ku xamdiya (dhaha: Alxamdu lilaah) 33 jeer, ee Ilaahay u Takbiirsada (dhaha: Allaahu akbar) 33 jeer, intaasi waa 99, ee ku dhamaystira inuu dhaho : laa Ilaaha ilaa Allaah waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku walahul-xamdu wahuwa calaa kulli shay'in qadiir, waxaa laga dhaafaa dambiyadiisa haba le'ekaadeene daad xoorta badda."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in qofka dhaha Salaada faralka ah gadaasheeda: 33jeer: (Subxaana Allaah) waana Ilaahay oo laga nasahayo ama laga hufayo wax kastoo nusqaan ah. Iyo 33 jeer: (Alxmdu lillaah), waana amaan Ilaahay lagu amaanayo Sifooyinkiisa kaamilka ah, Isagoo la jecel yahay lana wayneynaayo. Iyo 33 jeer: (Allaahu akbar), waana Ilaahay inuu ka wayn yahay oo ka mudan yahay shay walba. Waxaa lagu dhamaystirayaa tirada 100 hadka ah: (laa ilaaha illaa Allaah, waxdahuu laa shariika lahu, lahul-mulku, walahul-xamdu, wahuwa calaa kulli shay'in qadiir) oo macneheedu yahay: majiro macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn isagoo kaligi ah ee shariig lahayn, Isagaana nusqaan oo dhan ka hufan, oo gaar uleh boqornimada taamka ah, Isagaana xaq leh amaanta buuxda iyo in la jeclaado oo la wayneeyo, Isagaana awood badan oo wax is hortaagi karana jirin. Qofka dhaha intaa waxaa laga tiraa dambiyadiisa, waana loo dambi dhaafaa haba u badnaato sida xoorka cad ee badda korkeeda saaran marka mawjada baddu kacdo.

Faa’iidooyin
  1. Waa suno in dikrigaan la akhriyo salaadaha faralka ah ka dib.
  2. Dikrigani wuxuu sabab u noqonayaa in dambiga la dhaafo.
  3. Fadliga Ilaahay iyo naxariistiisa iyo dambi dhaafkiisuba aad bay u wayn yihiin.
  4. Dikrigaani wuxuu sabab u noqonayaa in dambiga la dhaafo, waxaana loo jeedaa: dambiyada yar-yar, laakiin dambiyada waaweyn laguma dhaafo waxaan towbokeen ahayn.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 418) (597). سبل السلام شرح بلوغ المرام، لمحمد الصنعاني (1/ 295 ). توضيح الأحكام مِن بلوغ المرام، للبسام (2/ 304). فتح ذي الجلال والإكرام شرح بلوغ المرام، لابن عثيمين (2/ 182).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Adkaarta Salaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com