U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto

عَنْ أَبِي أُمَامَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «مَنْ قَرَأَ آيَةَ الْكُرْسِيِّ فِي دُبُرِ كُلِّ صَلَاةٍ مَكْتُوبَةٍ لَمْ يَمْنَعْهُ مِنْ دُخُولِ الْجَنَّةِ إِلَّا أَنْ يَمُوتَ».
Abii Umaama Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofka akhriya aayatul-kursiga salaad kasta oo faral ah gadaasheeda, ma jiro wax u diidaya inuu janada galideeda oo aan ahayn inuu dhinto".
رواه النسائي في الكبرىDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Qofka Salaadaha faralka ah gadaashooda akhriya aayatul kursiga ay janada galitaankeeda geeridu uuni ka xigto, waxayna ku jirtaa suurada Albaqara, waana Aayadaan: " Macbuud xaq lagu caabudo oo aan Ilaahay ahayn majiro, waana Allaha nool, ِAllaha qayuumka ah, ma qabato lulmo iyo hurdo midna wuxuu iska leeyahay oo u sugnaaday Samooyinka iyo Dhulka waxa ku sugan oo dhan, yuu yahay midka shafeeco qaadi kara idan la'aantiisa, wuxuu og yahay waxa ka horeeya-dadka- iyo waxa ka dambeeyaba, makoobikaraan oo wax badan kama ogaan karaan cilmiga Ilaahay ee balaaran wax yar oo uu doono maahee, wuu ka balaaran yahay kursigiisu Samooyinka iyo dhulkaba, kumana adka Ilaahay ilaalinta Samooyinka iyo Dhulka, waana Allaha saraynta iyo waynida badan". [Al baqara:255]

Faa’iidooyin
  1. Xadiiskaan waxaa ku cad fadliga wayn ee aayatul-kursigu leedahay, waayo waxa ku jira magacyada Ilaahay ee wanaagsan iyo sifooyinkiisa sareeya ah.
  2. Waa Sune in la akhriyo aayadan wayn Aayad kursiga Salaad walba oo faral ah gadaasheeda.
  3. Camalka wanaagsani wuxuu sabab u noqdaa galitaanka Janada.
Tixraac

المعجم الكبير، للطبراني السنن الكبرى، للنسائي (9/ 44) (9848). توضِيحُ الأحكَامِ مِن بُلوُغ المَرَام، للبسام (2/ 313). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (3/ 197).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Adkaarta Salaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com