Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee marka uu ka tooso Rukuucda Salaadda mid dhaha: "Ilaahay wuu maqlaa midka ku xamdiya ee u mahad naqa", oo macneheedu yahay: Qofka Ilaahay u mahad naqa Ilaahayna wuu aqbalaa mahad naqiisa wuuna ka ajar siiyaa, haddana Ilaahay ayuu u mahad naqayey isagoo dhahaya: "Allahayoow Rabigayoow aday mahadi kuu sugnaatay, inta samada iyo dhulku qaadaan, iyo intaa in ka badan oo waxaad doonto ah waxay qaadi karaan oo mahad ah aday kuu sugnaatay", mahad naq buuxiya samooyinka iyo dhulalka iyo inta u dhaxaysa, iyo waxa kale ee Illaahey doono mahad naq buuxiya.
- Waa cadayn waxa sunada ah ee uu oranaayo Qofka tukanaya markuu Rukuuca Madaxiisa kor uga soo qaadayo.
- WaaSsharci in lala yimaado Ictidaalka iyo Dumaaniinada marka laga soo tooso Rukuuca, waayo suura gal maaha in Adkaartaas la dhoho in lala yimaado Ictidaal iyo Dumaaniino mooyee.
- Adkaartaasi waa sharci in la akhriyo dhamaan Salaadaha oo dhan, faral iyo Sunaba.
صحيح مسلم (1/ 346) (476)، البحر المحيط الثجاج في شرح صحيح الإمام مسلم بن الحجاج (11/ 114).