Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay adkaar aanu khasaarayn oo uusan ka qoomamayn qofka akhrista, balse uu ka halayo kalimadkaa ajar, oo qaarba qaar ka daba imaanayo, waxaana la akhristaa salaadaha faralka ah gadaashooda, waana sidan: ''subxaana Allaah'' 33 jeer, macnaheeduna waa Ilaahay ayaa ka nasahan oo ka reeban nusqaan walba. ''Alxamdu lillaah'' 33 jeer, macnaheedu waa Ilaahay wuxuu ku tilmaaman yahay kaamilnimo taam ah, iyadoo ay la jirto jeclaantiisa iyo waynayntiisu. ''Allaahu akbar''34 jeer, macnaheedu waa Ilaahay baa ka wayn oo ka cisi iyo sharaf badan wax walba.
- Tasbiixda iyo taxmiida iyo takbiirtu fadli ayey leeyihiin, waana la dhahaa Albaaqiyaat Alsaalixaat.
صحيح مسلم (1/ 418) (596). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (2/ 501). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 976). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (2/ 766). تيسير العلام، للبسام (ص227). فيض القدير شرح الجامع الصغير، لزين الدين المناوي (5/ 525).