U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ: كَانَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَدْعُو وَيَقُولُ: «اللَّهُمَّ إِنِّي أَعُوذُ بِكَ مِنْ عَذَابِ القَبْرِ، وَمِنْ عَذَابِ النَّارِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَحْيَا وَالمَمَاتِ، وَمِنْ فِتْنَةِ المَسِيحِ الدَّجَّالِ». وفِي لَفْظٍ لِمُسْلِمٍ: «إِذَا فَرَغَ أَحَدُكُمْ مِنَ التَّشَهُّدِ الْآخِرِ، فَلْيَتَعَوَّذْ بِاللهِ مِنْ أَرْبَعٍ: مِنْ عَذَابِ جَهَنَّمَ، وَمِنْ عَذَابِ الْقَبْرِ، وَمِنْ فِتْنَةِ الْمَحْيَا وَالْمَمَاتِ، وَمِنْ شَرِّ الْمَسِيحِ الدَّجَّالِ».
Abii Hurayra Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Wuxuu ahaa Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee mid ku ducaysta oo dhaha: "Allahayow waxaan kaa magan gelayaa Cadaabta Qabriga, iyo Cadaabta Naarta, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo fitnada Masiixu Dajaal." hadal kale oo Muslim leeyahay wuxuu ahaa: "markuu midkiin dhamaysto Ataxiyaadka u dambeeya, Ilaahay ha ka magan galo afar: cadaabta jahanama, cadaabta qabriga, fitnada nolosha iyo dhimashada, iyo sharka Masiixu Dajaal."
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gala afar, Ataxiyaadka u dambeeya ka dib, iyo salaama naqsiga ka hor, wuxuuna nafaray inaan Ilaahay ka magan galno afartaa, Tan 1aad: Cadaabta Qabriga. Tan 2aad: Cadaabta Naarta ee Maalinta Qiyaamaha. Tan 3aad: fitnada nolosha, ee ah Shahawaatka Aduunyada ee xaaraanta ah iyo shubuhaadka lagu lumo iyo fitnada dhimashada, waa marka sakaraadku jiro, oo Islaamnimada ama Sunada uu ka leexdo, fitnada Qabriga sida su'aasha labada Malag. Tan 4aad: fitnada Masiixu Dajaal ka soo bixidoona Aakhiru Samaanka, Ilaahayna Adoomadiisa ku imtixaamayo, wuxuuna sigaar ah ugu xusay fitmadiisa oo aad u wayn iyo dadka oo uu baadiyeynaayo.

Faa’iidooyin
  1. Magan galkaani waa waxa ugu muhimsan ducada wax badana soo hoos galayaan, waayo waxaa soo galaya in laga magan galo Sharka Aduunka iyo Aakhiraba.
  2. Waa sugan yahay Cadaabul Qabrigu waana xaq.
  3. Fitantu waa khatar waana muhiim in Ilaahay la kaalmaysto oo lana baryo si looga nabad galo.
  4. Way sugan tahay soo bixida Dajaal fitnadiisuna waa wayn tahay.
  5. waxaa Suna ah ducadan in la Akhristo Ataxiyaadka u dambeeya ka dib.
  6. camalka saalixa ah ka dib ducadu waa Suno
Tixraac

صحيح البخاري (2/ 99) (1377). صحيح مسلم (1/ 412) (588). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 172). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص212). خلاصة الكلام شرح عمدة الأحكام، لفيصل آل مبارك (ص96).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Adkaarta Salaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com