U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: كَانَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ، إِذَا كَبَّرَ فِي الصَّلَاةِ، سَكَتَ هُنَيَّةً قَبْلَ أَنْ يَقْرَأَ، فَقُلْتُ: يَا رَسُولَ اللهِ بِأَبِي أَنْتَ وَأُمِّي أَرَأَيْتَ سُكُوتَكَ بَيْنَ التَّكْبِيرِ وَالْقِرَاءَةِ، مَا تَقُولُ؟ قَالَ «أَقُولُ: اللهُمَّ بَاعِدْ بَيْنِي وَبَيْنَ خَطَايَايَ كَمَا بَاعَدْتَ بَيْنَ الْمَشْرِقِ وَالْمَغْرِبِ، اللهُمَّ نَقِّنِي مِنْ خَطَايَايَ كَمَا يُنَقَّى الثَّوْبُ الْأَبْيَضُ مِنَ الدَّنَسِ، اللهُمَّ اغْسِلْنِي مِنْ خَطَايَايَ بِالثَّلْجِ وَالْمَاءِ وَالْبَرَدِ».
Abii Hureyra-Allaha ka raali ahaadee-wuxuu yiri: Rasuulka Ilaahay-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto in yar ayuu aamusi jiray, intaanu akhrinta bilaabin, waxaan ku iri Rasuulkii Ilaahayow, aabahay iyo hooyadayba lagugu furaye iiga waran aamuskaaga u dhexeeya xirashada salaada iyo akhrinta, maxaad tiraahdaa? wuxuu yiri: "waxaan dhahaa: Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow dambiyadayda iga daahiri sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda baraf, biyo iyo biyo qabow".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- markuu salaada xirto wuu yara aamusi jiray intaanu faatixada akhrin, wuxuuna salaadiisa ku bilaabi jiray qaar ka mida ducooyinka, waxaa ka mida ducooyinka ku soo arooray oraahdiisii: "Allahayow, nakala fogee aniga iyo dambiyadayda, sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed, Allahayow iiga nadiifi dambiyadayda sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, Allahayow igaga dhaq dambiyadayda biyo, baraf iyo biyo qabow", Wuxuu Ilaahay ka baryayaa inuu kala dheereeyo isaga iyo dambiyadiisa, si aanu ugu dhicin, oo uu ka fogeeyo fogaan aanay wada kulmin, sida bari iyo galbeed aanay waligood u kumayn, haduu dambi ku dhocona Ilaahay uga nadiifiyo sida marada cad looga nadiifiyo wasakhda, oo uu dambiga ka dhaqo oo ka qaboojiyo ololkiisa iyo kulaylkiisa, oo uu uga dahiro kuwaan wax lagu dahiro ee qabow, oo ah biyo, baraf iyo biyo qabow.

Faa’iidooyin
  1. Waana la siraystaa ducada salaada lagu bilaabo xataa haday tahay salaada jahriyada ah, sida Maqribka iyo Cishaha.
  2. Asxaabta Nabigu scw waxay ku dadaali jireen inay arimahiisa oo dhan ogaadaan, dhaqdhaqaaqiisa iyo daganaantiisaba.
  3. Qaabab kale oo ducada salaada lagu bilaabo ah ayaa soo arooray, sida ugu fadliga badana waa inuu qofku ducooyinka soo arooray ee Nabiga scw ka sugan midba mar la yimaado.
Tixraac

صحيح البخاري (1/ 149) (744). صحيح مسلم (1/ 419) (598). الإلمام بشرح عمدة الأحكام، لإسماعيل الأنصاري (1/ 118). تيسير العلام شرح عمدة الأحكام، للبسام (ص143). تنبيه الأفهام شرح عمدة الأحكام، لابن عثيمين (2/ 186).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
Adkaarta Salaada

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com

Allahayow kala fogee aniga iyo dambiyadayda sidaad u kala fogaysay bari iyo galbeed · Xadiisyo la sharraxay · Sabīl