U bood nuxurka
Xadiisyo la sharraxay

Sifooyinka Janada iyo Naarta

10 xadiis

Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee

عَنْ عُبَادَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ عَنِ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «مَنْ شَهِدَ أَنْ لَا إِلَهَ إِلَّا اللهُ وَحْدَهُ لَا شَرِيكَ لَهُ، وَأَنَّ مُحَمَّدًا عَبْدُهُ وَرَسُولُهُ، وَأَنَّ عِيسَى عَبْدُ اللهِ وَرَسُولُهُ وَكَلِمَتُهُ أَلْقَاهَا إِلَى مَرْيَمَ وَرُوحٌ مِنْهُ، وَالْجَنَّةُ حَقٌّ، وَالنَّارُ حَقٌّ، أَدْخَلَهُ اللهُ الْجَنَّةَ عَلَى مَا كَانَ مِنَ الْعَمَلِ».
Cubaada -Allaha ka raali ahaadee- waxaa la wariyey in Nabiga -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- uu yiri: "Qofka qira insuun jirin Ilaah xaq lagu caabudo, ee aan Ilaahay ahayn kaligiisna ah ee aan cidna shirko la ahayn iyo in Maxamed adoonkiisa iyo Rasuulkiisa yahay, Ciisana adoon Ilaahay iyo Rasuulkiisa yahay iyo inuu yahay kalimada Ilaahay ee uu ku tuuray maryama, iyo Ruuxda xaga Ilaahay ka ahaatay, janada iyo naartuna xaq yihiin, Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee".
Xadiis la isku waafaqayDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu sheegay qofka ku dhawaaqa kalimada towxiidka isagoo macnaheeda garanaaya kuna camal falaya waxay keenayso. Ee qira adoonimada Maxamed iyo risaaladiisaba-naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee-, iyo adoonimada Ciise iyo risaaladiisaba. Ee qira inuu Ilaahay ku abuuray Nabi Ciise hadalkiisa ah " kun " uuna sidaa ku ahaaday, uuna yahay ruux ka mid ah arwaaxda Ilaahay abuuray. Ee ka bari yeela Nabi Ciise hooyadi wixii ay yuhuudu ku sheegtay. Ee rumeeya in janadu xaq tahay, naartuna xaq tahay, oo aamina in labaduba jiraan, oo ay yihiin nicmada Ilaahay iyo cadaabta Ilaahay Ee sidaana ku dhinta, kaasi wuxuu ku dambaynayaa janada camalkiisuba ha yaraado dambiyana ha lahaadee.

Faa’iidooyin
  1. Ilaahay koreeyee, wuxuu Ciise Ibinu maryam ku abuuray kalimadiisa uu yiri: (kun) ahow, aabo la'aan.
  2. Hadii la isu geeyo nabi Ciise iyo nabi Maxamed-naxariis iyo nabadi korkooda ha ahaatee- inay yihiin laba adoon oo Ilaahay iyo laba Rasuul ee laahay, markaas labadooduba waa labo Rasuul oo aan been sheegayn iyo laba adoon aanna la caabudayn.
  3. Fadliga uu leeyahay towxiidku iyo inuu Ilaahay dambiyada ku dhaafo, qofka muwaxidka ah wuxuu ku danbaynayaa janada hadii xataa ay ka dhacaan dunuubta qaarkeed.
Tixraac

صحيح البخاري (4/ 165) (3435). صحيح مسلم (1/ 57) (28). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص25). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص36).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa

عن جابر بن عبد الله رضي الله عنهما قال: سمعت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقول: «مَنْ لَقِيَ اللهَ لَا يُشْرِكُ بِهِ شَيْئًا دَخَلَ الْجَنَّةَ، وَمَنْ لَقِيَهُ يُشْرِكُ بِهِ دَخَلَ النَّارَ».
Jaabir Binu Cabdulaahi Allaha ka raali ahaado isaga iyo Aabihiye waxaa laga wariyey inuu yiri: waxaan ka maqlay Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee isagoo dhahaya: "Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa".
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay Qofka dhinta isagoo aan Ilaahay cidna ugu shariig yeelin wuxuu ku dambaynayaa Janada, xataa hadiiba loo cadaabo dabmiyo uu galay, qofkase dhinta isagoo u shariig yeelaya Ilaahay kaasi Naarta ayuu ku waarayaa.

Faa’iidooyin
  1. Fadliga towxiidka, iyo inuu sabab u yahay in qofku kaga badbaadayo Naarta ku waarideeda.
  2. Adoonku waa u dhaw yahay Janada iyo Naarta , waxaan dhimashada ahayna kama xigaan labadaas.
  3. Waxaa laga digayaa shirkiga kiisa yar iyo kiisa badanba, waayo in Naarta laga badbaado waxay ku xiran tahay shirkiga oo laga fogaado.
  4. Camalka aqbalaadiisu waxay ku xiran tahay khaatumada.
Tixraac

صحيح مسلم (1/ 94) (93). الملخص في شرح كتاب التوحيد، لصالح الفوزان (ص49). الجديد في شرح كتاب التوحيد، لمحمد القرعاوي (ص60).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada

عن سهل بن سعد رضي الله عنه عن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «مَنْ يَضْمَنْ لِي مَا بَيْنَ لَحْيَيْهِ وَمَا بَيْنَ رِجْلَيْهِ أَضْمَنْ لَهُ الْجَنَّةَ».
Sahal Binu Sacad Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey in Rasuulka nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee uu yiri: "Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay labo arimood oo hadii Qofka Muslimku ilaaliyo uu Janada ku gelayo. Tan koowaad: waa Carabka oo laga ilaaliyo inuu ku hadlo wax Ilaahay ka Caraysiinaya. Tan labaad: waa Farjiga oo laga Ilaaliyo inuu ku dhoco macsi Waayo waxaa badan in labadaa xubnood lagu sameeyo macaasi.

Faa’iidooyin
  1. Carabka iyo Farjiga in Ilaaliyo waxay sabab u tahay gelida Janada.
  2. Waxaa si gaara loo sheegay Carabka iyo Farjiga, waayo labadoodu waa mimbaca ugu wayn ee dadka dhibku uga imaanayo Aduun iyo Aakhiroba.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 100) (6474). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، تأليف سليم الهلالي (3/ 9). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، تأليف د. مصطفى الخِن وغيره (2/ 1035). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (18/ 85). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 117). إرشاد الساري لشرح صحيح البخاري، للقسطلاني (9/ 272).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, Naartuna waa la mid

عن ابن مسعود رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «الْجَنَّةُ أَقْرَبُ إِلَى أَحَدِكُمْ مِنْ شِرَاكِ نَعْلِهِ، وَالنَّارُ مِثْلُ ذَلِكَ».
Ibnu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, Naartuna waa la mid".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Janada iyo Naartuba u dhaw yihiin dadka sida kabaha lugta ku jira ee lagu socdo oo kale, waayo waxaa laga yaabaa in camal cibaado ah oo Ilahay jecel yahay la sameeyo oo Janada lagu galo, ama la sameeyo macsi lagu galo Naarta.

Faa’iidooyin
  1. Waxaa la is jeclaysiinayaa khayrka haba yaraadee, waxaana la iska cabsi galiayaa sharka haba yaraadee.
  2. Qofka Muslimka ah waxaa lama huraan u ah noloshiisa inuu kulmiyo rajo iyo cabsi, Ilaahayna waydiisto mar waliba inuu xaqa ku sugo si uu u nabad galo oo uusana ugu kadsoomin xaalkiisa .
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 102) (6488). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 99). فتح الباري، لابن حجر(11/ 321). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 186). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 136).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso

عن أبي هريرة رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال: «حُجِبَتِ النَّارُ بِالشَّهَوَاتِ، وَحُجِبَتِ الْجَنَّةُ بِالْمَكَارِهِ».
Abii Hureyra Allaha ka raali ahaade waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee inuu yiri: "Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxarasiis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey in Naarta lagu hareereeyey waxyaabaha naftu jeceshahay ee xaaraanta ah iyo waajibaadka oo laga gaabiyo. Qofka Naftiisa raacsiiya hawadeeda wuxuu ku helayaa Naarta. Janada waxaa lagu wareejiyey waxyaabaha naftu dhibsato, sida joogtaynta wixii Ilaahay amray, iyo ka tagida xaaraanta iyo arinkaas oo lagu sabro, haduu Qofku Naftiisa ku jihaado wuxuu ku helayaa Janada.

Faa’iidooyin
  1. Sababaha loogu dhoco shahawaadka waxaa ka mida in shaydaanku u qurxiyo Munkarka iyo waxa xun, ilaa ay naftu u aragto wax wanaagsan oo ay u leexato.
  2. Waxaa la farayaa dadku inay ka fogaadaan shahawaadka xaaraanta ah, waayo waa dariiq Naarta geynaaya, waxa kaloo la is farayaa in lagu sabro khayrka ay naftu dhibsato, waayo waa dariiqa Janada geynaaya.
  3. Xadiiska waxaa ku sugan Fadliga uu leeyahay Nafta oo lala jihaado iyo cibaadada oo lagu dadaalo oo lagu sabro waxa naftu nacayso iyo mashaqada cibaadada ku xeeran.
Tixraac

صحيح البخاري (8/ 102) (6487). صحيح مسلم (4/ 2174) (2822). سنن أبي داود (7/ 122) (4744). سنن الترمذي (4/ 274) (2560). سنن النسائي (7/ 3) (3763). كنوز رياض الصالحين، لمجموعة من الباحثين (2/ 449). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 87). المنهاج شرح صحيح مسلم بن الحجاج، للنووي (17/ 165). بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 183). نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 134).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال: سُئِلَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ عَنْ أَكْثَرِ مَا يُدْخِلُ النَّاسَ الْجَنَّةَ، فَقَالَ: «تَقْوَى اللهِ وَحُسْنُ الْخُلُقِ»، وَسُئِلَ عَنْ أَكْثَرِ مَا يُدْخِلُ النَّاسَ النَّارَ فَقَالَ: «الْفَمُ وَالْفَرْجُ».
Abii Hurayra Allaha ka raali noqdee waxaa laga wariyey inuu yiri: Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga ", waxa kaloo la waydiiyey waxa ugu badan ee Naarta lagu galo, wuxuuna yiri: "waa Afka iyo Farjiga."
Waxaa wariyay At-tirmidi, Ibnu Maajah iyo AxmedDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu cadeeyey asbaabta ugu wayn ee Janada lagu galo inay yihiin labo sababood oo ah: Ilaahay cabsidiisa iyo akhlaaq wanaagsan. Ilaahay cabsidiisu: waa inaad samaysataa wax cadaabka Ilaahay kaa xigsada, taasoo ah inaad amarkiisa raacdo kana fogaato wixii uu kaareebay. Akhlaaq wanaaguna: waa waji furnaanta, wanaag samaynta iyo dhibka oo la joojiyo. Asbaabta ugu wayn ee Naarta lagu galana waa labo sababood, ku waasoo ah: Carabka iyo Farjiga. Carabka macsidiisa waxaa ka mid ah: Beenta, Xanta, isku dirka iyo wixii la mid ah. Farjiga macsidiisa waxaa ka mid ah: Sinada, Khaniisida, iyo wixii la mid ah.

Faa’iidooyin
  1. Galitaanka Janadu waxay leedahay sababo Ilaahay ku xiran, waxaana ka mida Ilaahay cabsidiisa, iyo sababo dadka ku xiran, waxaana ka mid ah: akhlaaq wanaaga.
  2. Khatarta Carabku u leeyahay Qofka, iyo inuu ka mid yahay asbaabta Naarta lagu galo.
  3. Khatarta Shahawaadka iyo Fuxshigu u leeyihiin dadka, iyo inay ka mid yihiin asbaabta ugu badan ee Naarta lagu galo.
Tixraac

سنن الترمذي (3/ 536) (2004). سنن ابن ماجه (5/ 318) (4246). مسند أحمد (13/ 287) (7907). توضيح الأحكام من بلوغ المرام، للبسام (7/ 509). منحة العلام في شرح بلوغ المرام، لعبد الله الفوزان (10/ 369). فتح ذي الجلال والإكرام، لابن عثيمين (6/ 453). سبل السلام بشرح بلوغ المرام، للصنعاني (2/ 696).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Labo qolo oo dadka Ehlu naarka ah ma arkaayo, qolo sidata jeedal lo'oda saynteeda oo kale ah oo dadka ku garaacaya iyo dumar labisan oo qaawan, oo qaloocsan oo is qaloocinaaya

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه قَالَ: قَالَ رَسُولُ اللهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ: «صِنْفَانِ مِنْ أَهْلِ النَّارِ لَمْ أَرَهُمَا، قَوْمٌ مَعَهُمْ سِيَاطٌ كَأَذْنَابِ الْبَقَرِ يَضْرِبُونَ بِهَا النَّاسَ، وَنِسَاءٌ كَاسِيَاتٌ عَارِيَاتٌ مُمِيلَاتٌ مَائِلَاتٌ، رُؤُوسُهُنَّ كَأَسْنِمَةِ الْبُخْتِ الْمَائِلَةِ، لَا يَدْخُلْنَ الْجَنَّةَ، وَلَا يَجِدْنَ رِيحَهَا، وَإِنَّ رِيحَهَا لَيُوجَدُ مِنْ مَسِيرَةِ كَذَا وَكَذَا».
Abii Hureyra -Allaha ka raali ahaadee- waxaa laga wariyey inuu inuu yiri: Rasuulka Ilaahay -naxariis iyo nabadi korkiisa ha ahaatee- wuxuu yiri: "Labo qolo oo dadka Ehlu naarka ah ma arkaayo, qolo sidata jeedal lo'oda saynteeda oo kale ah oo dadka ku garaacaya iyo dumar labisan oo qaawan, oo qaloocsan oo is qaloocinaaya, madaxoodana la moodo sida kurus geel oo jan-jeera, kuwaasi jano galimaayaan, carafteedana helimaayaan, carafta janadana waxaa laga dareemaa intii loo socdo intaa iyo intaa."
Waxa wariyay MuslimDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad

Nabiga nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu ka digayaa labo nooc oo dadka ka mida oo Ehlu Naar ah ee Nabigu uusan arag ee aan waqtigiisii jirin, balse Nabiga gadaashiisa imaan doona: Qolada 1aad: waa qolo wadata jeedal sida saynta dheer ee lo'oda u eg, kaasoo ay ku garaacayaan dadka, waana booloska iyo kuwa la shaqeeya daalimiinta ee dadka xaqdaro ku garaaca. Qolada 2aadna: waa haween iska bixiyey dharkii dhawrsanaanta iyo xishoodka kaasoo loo abuuray dumarka. wuxuuna ku tilmaamay: kuwo xaqiiqo ahaan dhar xiran, laakiin macna ahaan ka qaawan, waayo waxay xiran yihiin dhar khafiif ah oo jirka laga dhex arkayo, oo jirka qayb ayey qarinayaan qaybna way muujinayaan, iyagoo muujinaya quruxda. waa kuwo labiskooda ku soo jiidanaya quluubta raga iyagoo ku laafyoonaya socodka, oo garbahooda leex-leexiya, dadka kalena ku soo jiida dhaqan xumada iyo qalooca ay ku jiraan. waxaa ka loo ka mid ah tilmaamahooda : madaxooda oo ay ka dhigayaan sida kuruska geela oo dhinac u leexsan, iyagoo waynaynaya xajmiga madaxooda kuna waynaynaya duubid iyo wax la mida. Madaxooda oo lagu shabahay kuriska geela waa timahooda iyo guudkooda oo ay ku kor xirxireen madaxooda dushiisa, iyo jajabinteeda timaha ay dabtay ilaa ay u liicaan dhinac ka mida dhinacyada madaxa sida uu u liico kuriska awrku. Dumarka tilmaamahaan laga helo goodigaas adag ayaa ku socda kaasoo ah inayna janada galayn carafteedana helayn, una dhawaanayn, iyado carafta janada laga soo uriyo masaafo aad u fog.

Faa’iidooyin
  1. waa xaaraan in dadka la garaaco oo la dhibaateeyo, iyagoo dambi ay galeen iyo danbi ay ku dheceen uusan jirin.
  2. Waa xaaraan in daalimka loogu kaalmeeyo dulmiga uu geysanayo.
  3. Waxaa dumarka warega, astur la`aanta, dharka ku dhagan iyo dharka khafiifka ah ee laga arkaayo cawradooda ama gabadha jirkeeda.
  4. Waxaa lagu boorinayaa gabadha muslimada ah, inay gudato amarka Ilaahay, kana fogaato wixii Ilaahay ka caraysiinaya, oo ay ku mutaysanayso cadaabta kulul ee joogtada ah aakhiro.
  5. Xadiiskaani wuxuu ka mid yahay cadaymaha tusinaaya Nabiga scw Nabinimadiisa, waayo Nabigu scw wuxuu sheegay arimo qayb ah ee aan weli dhicin, waxayna u dheceen sidii uu u sheegay.
Tixraac

صحيح مسلم (3/ 1680) (2128). نزهة المتقين، لمجموعة من الباحثين (2/ 1122). بهجة الناظرين، لسليم الهلالي (3/ 150). مرقاة المفاتيح شرح مشكاة المصابيح، لعلي القاري (6/ 2302). شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (6/ 370).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com

Markuu Ilaahay Abuuray Janada iyo Naarta wuxuu u direy Janada Malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رضي الله عنه عَنْ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ: «لَمَّا خَلَقَ اللَّهُ الْجَنَّةَ وَالنَّارَ أَرْسَلَ جِبْرِيلَ عَلَيْهِ السَّلَامُ إِلَى الْجَنَّةِ، فَقَالَ: انْظُرْ إِلَيْهَا وَإِلَى مَا أَعْدَدْتُ لِأَهْلِهَا فِيهَا. فَنَظَرَ إِلَيْهَا فَرَجَعَ، فَقَالَ: وَعِزَّتِكَ لَا يَسْمَعُ بِهَا أَحَدٌ إِلَّا دَخَلَهَا. فَأَمَرَ بِهَا فَحُفَّتْ بِالْمَكَارِهِ، فَقَالَ: اذْهَبْ إِلَيْهَا فَانْظُرْ إِلَيْهَا وَإِلَى مَا أَعْدَدْتُ لِأَهْلِهَا فِيهَا. فَنَظَرَ إِلَيْهَا، فَإِذَا هِيَ قَدْ حُفَّتْ بِالْمَكَارِهِ، فَقَالَ: وَعِزَّتِكَ لَقَدْ خَشِيتُ أَنْ لَا يَدْخُلَهَا أَحَدٌ. قَالَ: اذْهَبْ فَانْظُرْ إِلَى النَّارِ وَإِلَى مَا أَعْدَدْتُ لِأَهْلِهَا فِيهَا. فَنَظَرَ إِلَيْهَا فَإِذَا هِيَ يَرْكَبُ بَعْضُهَا بَعْضًا، فَرَجَعَ فَقَالَ: وَعِزَّتِكَ لَا يَدْخُلُهَا أَحَدٌ. فَأَمَرَ بِهَا فَحُفَّتْ بِالشَّهَوَاتِ، فَقَالَ: ارْجِعْ فَانْظُرْ إِلَيْهَا. فَنَظَرَ إِلَيْهَا فَإِذَا هِيَ قَدْ حُفَّتْ بِالشَّهَوَاتِ، فَرَجَعَ وَقَالَ: وَعِزَّتِكَ لَقَدْ خَشِيتُ أَنْ لَا يَنْجُوَ مِنْهَا أَحَدٌ إِلَّا دَخَلَهَا».
Abuu Hureyra Allaha ha ka raali noqdee waxaa laga wariyey Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee inuu yiri: Markuu Ilaahay Abuuray Janada iyo Naarta wuxuu u direy Janada Malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee, wuxuuna ku yiri: soo eeg Janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda, wuu soo eegay oo soo noqday wuxuuna yiri cisadaada ayaan ku dhaartee qofkii maqlaa wuu galin, Ilaahay wuxuu amray in lagu wareejiyo waxa naftu neceb tahay, wuxuuna ku yiri aad oo soo eeg Janada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu soo eegay, wuxuuna arkay iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu neceb tahay, wuu soo noqday wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa inaan qofna galin, Ilaahay wuxuu ku yiri aad Naarta oo soo eeg iyada iyo waxaan ugu diyaariyey ehelkeeda wuu aaday wuxuuna arkay iyadoo is kor saaran, wuu soo laabtay wuxuuna yiri: cisadaadaan ku dhaartee cidina gelimayso,Ilaahay wuxuu faray in lagu wareejiyo waxa naftu jeceshahay, wuxuuna yiri ku noqo oo soo eeg, wuuna ku laabtay oo soo eegay mise waaba iyadoo lagu wareejiyey waxa naftu jeceshahay, wuuna soo laabtay oo yiri: cisadaadaan ku dhaartee waxaan ka baqayaa in qofna ka bad baadi waayo.
waxaa wariyey Abuu daawuud,tirmidi, iyo nasaa.iDarajoXadiis Xasan ah
Sharraxaad

Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Ilaahay markuu abuuray Janada iyo Naarta, uu ku yiri: Malakul Jibriil nabad gelyo Allah siiye: Janada aad oo soo eeg, wuuna aaday oo soo arkay kanasoo laabtay. Jibriil wuxuu yiri: Rabiyow, cisadaadaan ku dhaartaye Qofkii maqla Janada iyo waxa dhexyaal oo nicmo iyo karam iyo khayr ah wuxuu jeclaanayaa inuu galo oo iyada u shaqaysto. Ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey Janada wax yaabaha naftu neceb tahay iyo waxyaabo ay adag tahay in la sameeyo oo ah wax la is faray iyo wax la iska reebay, qofkii raba inuu Janada galo waa inuu ka gudbo wax yaabahaas naftu neceb tahay. ka dib Ilaahay casa wajala wuxuu yiri: Jibriilow Janada aad oo soo eeg, waa markii uu ku wareejiyey Janada waxa naftu neceb tahay ka dib. Jibriil wuu aaday Janada oo soo eegay, ka dib wuu yimid wuxuuna yiri: Rabiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka cabsan in qofna geliwaayo waxa ka sokeeya ee adayga iyo dhib ah darteed. Ilaahay markuu abuuray Naarta wuxuu yiri: Jibriilow: soco oo soo eeg Naarta, markaasuu aaday oo soo eegay Naarta. Jibriil wuxuu yiri: Rabiyow, cisadaadaan ku dhaartaye Qofkii maqla waxa dhex yaala Naarta ee cadaab, kurbo iyo dhibaato ah, wuu nacaya inuu galo wuuna isaga fogaanayaa asbaabta lagu galo Naarta. ka dib Ilaahay wuxuu ku wareejiyey naarta oo jidkeeda dhigay waxa naftu jeceshahay iyo macmacaan, ka dibna Ilaahay Jibriila wuxuu ku yiri: Jibriiloow, soco oo soo eeg-naarta. Jibriil wuu aaday naarta oo soo eegay, ka dib wuu ka yimid wuxuuna yiri: Rabiyow cisadaadaan ku dhaartaye waxaan ka baqay inuu qofba ka bad-baadi waayo waxa lagu gadaamay ee macmacaana awgeed.

Faa’iidooyin
  1. Waa in la rumeeyo in Janada iyo Naartu haatan joogaan .
  2. Waa waajib in la rumeeyo qeybka iyo wax kasta oo ka yimid xaga Ilaahay iyo Rasuulkiisa nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee.
  3. Muhimad yuu leeyahay in lagu sabro waxa Naftu neceb tahay, waayo waa jidka lagu gaaro Janada.
  4. Muhimad ayey leedahay in xaaraanta oo laga fogaado, waayo waa jidka Naarta ku gaynaya.
  5. Ilaahay wuxuu ku wareejiyey Janada waxa Naftu neceb tahay, Naartana waxa Naftu jeceshahay, taasina waxaa keenaya itaxaanka nolosha Aduunyada.
  6. Jidka Janadu wuu adag yahay wuuna dhib badan yahay, wuxuuna u baahan yahay sabir iyo in iimaanka loo dhabar adaygo, jidka Naartuna waxaa ka buuxa macaanka Aduunka iyo waxay Naftu rabto.
Tixraac

سنن أبي داود (7/ 122) (4744)، سنن الترمذي (4/ 319) (2560)، سنن النسائي (7/ 3) (3763)، شرح سنن أبي داود للعباد (537/ 15)، حاشية السندي على سنن النسائي (7/ 3).)، فتح الباري (18/317)، ذخيرة العقبى في شرح المجتبى (30/276).

Xadiiskan oo ku jira HadeethEnc.com
8 ka mid ah 10
10 xadiis
  1. Ilaahay ayaa janada gelinaaya camalkuu doono hawatee
  2. Qofka Ilaahay la kulma isagoon cidna ugu shariig yeelin Janaduu galayaa, qofkase Ilaahay la kulma isagoo u shariig yeelay Naartuu gelayaa
  3. Qofkii ii balan qaada inta u dhaxaysa labadiisa Qal iyo waxa u dhexeeya labadiisa Lugood waxaan u balan qaadayaa Janada
  4. Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, Naartuna waa la mid
  5. Naarta waxaa lagu wareejiyey shahawaat, Janadana waxaa lagu wareejiyey wax naftu kahanayso
  6. Rasuulka Ilaahay nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee waxaa la waydiiyey waxa ugu badan ee Janada lagu galo, wuxuuna yiri: "waa cabsida Ilaahay iyo Akhlaaq wanaaga
  7. Labo qolo oo dadka Ehlu naarka ah ma arkaayo, qolo sidata jeedal lo'oda saynteeda oo kale ah oo dadka ku garaacaya iyo dumar labisan oo qaawan, oo qaloocsan oo is qaloocinaaya
  8. Markuu Ilaahay Abuuray Janada iyo Naarta wuxuu u direy Janada Malakul Jibriil nabadi korkiisa ha ahaatee
  9. Waxaa la keenidoonaa dhimashadii oo u eg Wan Galaalan
  10. Dabkiinu waa hal qayb oo ka mida todobaatan qaybood oo Naarta Jahanama ah

Xadiis kasta, darajo kasta, sharraxaad kasta iyo faa’iido kasta oo halkan ku jirta waxaa loo muujiyay sida saxda ah ee HadeethEnc.com u daabaco, iyadoo la raacayo shuruudihiisa dib-u-daabacaadda. Darajadu ma magacawdo cidda xukuntay. Tarjumaadaha iyo sharraxaadaha waxaa iska leh qorayaashooda, qaarkoodna waxay sheegaan axkaam; dib-u-eegayaasha Sabīl ma baarin. Xadiiska Carabiga ah ayaa ah qoraalka. Isha: HadeethEnc.com