Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, Naartuna waa la mid
عن ابن مسعود رضي الله عنه قال: قال النبي صلى الله عليه وسلم: «الْجَنَّةُ أَقْرَبُ إِلَى أَحَدِكُمْ مِنْ شِرَاكِ نَعْلِهِ، وَالنَّارُ مِثْلُ ذَلِكَ».
Ibnu Mascuud Allaha ka raali ahaadee waxaa laga wariyey inuu yiri: Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu yiri: "Qofkastoo idinka mida Janadu waxay uga dhowdahay suunka kabtiisa, Naartuna waa la mid".
Waxa wariyay AlbukhaariDarajoXadiis Saxiix ah
Sharraxaad
Nabigu nabadgelyo iyo naxariis Allaha siiyee wuxuu sheegay in Janada iyo Naartuba u dhaw yihiin dadka sida kabaha lugta ku jira ee lagu socdo oo kale, waayo waxaa laga yaabaa in camal cibaado ah oo Ilahay jecel yahay la sameeyo oo Janada lagu galo, ama la sameeyo macsi lagu galo Naarta.
Faa’iidooyin
Waxaa la is jeclaysiinayaa khayrka haba yaraadee, waxaana la iska cabsi galiayaa sharka haba yaraadee.
Qofka Muslimka ah waxaa lama huraan u ah noloshiisa inuu kulmiyo rajo iyo cabsi, Ilaahayna waydiisto mar waliba inuu xaqa ku sugo si uu u nabad galo oo uusana ugu kadsoomin xaalkiisa .
Tixraac
صحيح البخاري (8/ 102) (6488).
شرح رياض الصالحين، لابن عثيمين (2/ 99).
فتح الباري، لابن حجر(11/ 321).
بهجة الناظرين شرح رياض الصالحين، لسليم الهلالي (1/ 186).
نزهة المتقين شرح رياض الصالحين، لمصطفى الخِن وغيره (1/ 136).